Axmed Madoobe oo awaamiir ku soo rogay Magaalada Kismaayo

0
Thursday July 21, 2016 - 23:52:08 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo awaamiir ku soo rogay Magaalada Kismaayo

    Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa uu soo rogay awaamiir ah in dadku ka baxaan Xarumaha Dowladdii Dhexe, ee ku yaala Magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa uu soo rogay awaamiir ah in dadku ka baxaan Xarumaha Dowladdii Dhexe, ee ku yaala Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in tallaabada 1-aad ee uu qaadaayo Maamulkiisu uu yahay, sidii dadka looga saari lahaa Xarumaha Maamulku uu ku shaqayn lahaa.

"Waxaan rabaa inaan idin sheego meeshaan nin weliba mar buu joogayaa. Tan maanta aan joogno dowladda aan dhisnay iyo nidaamka aan samaynay waxa ugu horeeyo ee tallaabo ka qaadi doonto waa dhulka dowladda. Dhulka ay dowladdu laheyd waxaan rabnaa in la soo celiyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale sheegay inay burburin doonaan dhismooyinka sharci darrada ihi ee laga dhisay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

"Guriga dabaqa ah ee xaaraanta lagu dhisay waala dumin, dhulka la qoorqaatay waala dumin, dhulka aan sharciga ahayn ee guryaha laga dhisaaya ee obbosiibada ah sidii sharci loogu samayn lahaa baa falowgeeda la gelayaa.” Ayuu yiri Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe, ayaa carabka ku adkeeyay inaanay shacabku wakiil ka noqon karin guryaha ajaaniibta ee ku yaala Magaalada Kismaayo. Cidda keliya ee meteli kartana uu yahay Maamulka, si hadhow dadkaasi loogu celiyo hantidooda, markii ay Magaaladu ku soo guryo noqdaan.

"Guryaha Talyaaniga, Carabta, Hindida kuli gacanta dowladda ayay ku jiri karaan. Wakiil dowladda aan ka ahayn habar iyo saaxiib buu la ahaa iyo habartaas ayay waaggii Talyaaniga wada joogeenow, kanuu sidaan lahaa iyo midna kuma yeelanaayo. Dowladdaa metesha iyadaa wakiil ka ah, dadkaasi hantidooda markii ay u soo noqdaan lala wareegeyninee, waa loo celinayaa.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip