Tacsi: Ilaahey ha u naxariisto Axmadey Cosmaan oo dhawaan Itoobiya ku geeriyooday

0
Thursday July 21, 2016 - 23:37:41 in Wararka by
  • Visits: 1891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsi: Ilaahey ha u naxariisto Axmadey Cosmaan oo dhawaan Itoobiya ku geeriyooday

    TACSI:Waxaa 20 ka bishan Luulyo 2016 ku geeriyooday magaalada Addis Abeba ee dalka Itoobiya Allaha u naxariistee Axmed Cosmaan Ibraahim (Axmadey) oo ahaa madaxii wargeyskii Xiddigta Oktoobar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TACSI:Waxaa 20 ka bishan Luulyo 2016 ku geeriyooday magaalada Addis Abeba ee dalka Itoobiya Allaha u naxariistee Axmed Cosmaan Ibraahim (Axmadey) oo ahaa madaxii wargeyskii Xiddigta Oktoobar.

Axmadey Allaha u naxariistee oo aan kala soo shaqeeyay wargeyskaas muddo qurux badan ee aanan la illaawi karin wuxuu ahaa nin bashaash ah oo qalbi iyo waji furan oo dad la dhaqan fiican oo aanan la sheegin qof ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ee wargayskaas oo ay isku dhaceen, wuxuuna ahaa mid saaxiib la ah dhamaan dadka.

     image

Haddaba aniga iyo saaxiibbada kala ah: Xasan Cosman (Hassan Beat) oo aan ka helay sawirkan iyo Xaaskiisa Dahabo Shidane Maxamed, Ciise Faarax, Mohamud Yusuf (Makis), Cabidraxman Sheekh Mursal, Cabdiraxmaan Yabarow, Ibrahim Xasan Dandurey, Maxamed Aden Xersi (Terra), Yaasiin Ciise Wardheere, Fadumo Hiirad, Cabdullaahi Macallim Xaashi Khadiib, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Yariisow (Alif), Khadiijo Mayow Abukar, Cosman Niino, Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ,Aweys Xuseen Xasan {Shiino} Axmed Cabdullaahi Al-Axmed, Cismaan niino, Axmed Maxamuud Djicisoow, Amiin Caamir MAXAMUUD, xABIIBO aXMED Jimcaale {Biibto}, Maxamuud Maxamed Nuun Marreyhaya Wakaalada madbacadda Qaranka,Aadan Afeey, Cabdi Gaab,,Prof Abuukar Sheekh nuur,Maxamed Shiil Xasan Shiil,Xaliimo cALI Jakooole,Ing. Cbadiraxmaan Maxamuud Cilmi, Cabdi Siyaad Maxamed, Maxamuud Axmed Jimcaale Firdhiye, iyo dhamaan qorayaashii wargeyskaas iyo saaxiibbada kale oo dhan ee aanan magacyadooda halkan ku soo wada koobi karin ee ay isla soo shaqeeyeen Axmed Cosmaan Ibraahim madaxii hore ee wargeyskii Xiddigta Oktoobar.

Waxaa sidoo kale tacsidaan diraayo Cabdulahi Sheekh Xuseen Hantiwadaag iyo Xuseen Cabdi Calasow iyo Mulki Cusmaan Ibraahim oo walaale ay yihiin Marxuumka dhintay Axmadey Cusmaan Ibraahim

Allaha u naxariitee waxay tacsi gaarsiinayaan ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan asxaabtiisii in Alle uu samir ka siiyoo isagana uu Alle uu u dambi dhaafo, jannadiisii Firdowsana uu ka waraabiyo.AAMIIN AAMIIN AAMIIN




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip