Sarkaal ka tirsan Hay'adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI oo lagu magacaabo Richard Gaylord waxa uu ku markhaati ku

0
Thursday July 21, 2016 - 12:33:40 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan Hay'adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI oo lagu magacaabo Richard Gaylord waxa uu ku markhaati ku

    furay dacwad loo haysto Nin Somali ah oo lagu magacaabo Yuusuf Wehliye, kaasi oo lagu eedeynayo inuu haystay qori iyo inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

furay dacwad loo haysto Nin Somali ah oo lagu magacaabo Yuusuf Wehliye, kaasi oo lagu eedeynayo inuu haystay qori iyo inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.
Yuusuf Wehliye oo 25-jir ah ayaa la sheegay in lagu hayey ilaalo Sirdoonka Federalka ilaa bishii December ee sannadkii hore.
 
Sida lagu xusay Dukumenti loo gudbiyey Maxkamadda Federalka ee magaalladda Alexandria ee Gobalka Virginia waxa Yuusuf Wehliye la soo qabtay isbuucii hore, isagoo doonayey inuu u dhoofo magaalladda Minneapolis.
us-flag

 
Sarkaal ka tirtsan FBI-da ayaa Maxkamadda u sheegay inaysan ogayn halka uu u socday Yuusuf Daahir oo deggan magaalladda Fairfax, iyadoo Ninkaasi iyo Walaalkiisa 6 ISBUUC ka hor lagu xiray dalka Masar, inkastoo aan lagu oogin Falal Argagixiso.
 
Richard Gerlad waxa kale oo uu tilmamaay inuu Yuusuf Wehliye u sheegay ininuu jeclaan lahaa Jihaad iyo inuu u hambalyedeyey falka Dil-wareedka ee ay Kooxda Daacish geystaan.
 
Sida lagu qoray Wargeyska The Washington Post waxay Dacwad-oogayaasha sheegeen inay suurtogal tahay inuu Yuusuf Wehliye ku lug leeyahay Fal Argagixiso.
 
Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Maraykanka, Brandon L.Van Grack ayaa ka hor sheegay Maaxkamadda inuu Eedeysanaha kala sheekeystay Nin ka tirsan Hay’adda Ammaanka arrimaha Jihaadka iyo Daacish.
 
Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanaha sheegay qorshe uu ku fekerayey oo ahaa inuu Dibedda u dhoofo ama uu weeraro Ciiddanka Maraykanka ee joogta gudaha Maraykanka.
 
Qareenka u doodaysay Yuusuf Wehliye oo lagu magacaabo Cadence Mertz waxay iyada Maxkamadda ka hor sheegtay inuusan Eedeysanaha ahayn Nin Khatar ah, waxayna ku baaqday in la sii daayo.
 
Waxay kaloo sheegtay inuu Eedeysanahaa horey dhibaato kala kulmay shaqo la’aanta, loona baahan yahay in laga daaweeyo xanuunka dhinaca Dhimirka.
 
Garsoore Ivan D. Davis waxa uu meesha ka saaray in Eedeysanaha la sii hayo damiin la’aan, wuxuuma xusay inuu khatar ku noqday xaalladiisa aan la aqoonin ee Caafimaadka Dhimirkiisa.
 
Xigasho: Washington Post


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip