Tarsan oo sheegay talada dalka inay qabsadeen dad kooban

0
Thursday July 21, 2016 - 12:13:15 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tarsan oo sheegay talada dalka inay qabsadeen dad kooban

    Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay talada dalka inay la wareegeen dad kooban, xilli meesha ay ka baxday ayuu yiri awoodii Baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay talada dalka inay la wareegeen dad kooban, xilli meesha ay ka baxday ayuu yiri awoodii Baarlamaanka.

Tarsan wuxuu sheegay xubnaha Baarlamaanka Somaliya inay gabeen shaqadii ay u igmadeen shacabka Somaliyed, islamarkaana awooda dalka ay gacanta u gashay koox gaar ah.

Wuxuu sheegay dalka oo dhan inay maamulayaan oo sida ay doonaan ka yeelayaan Madasha Wadatashiga Qaran, isaga oo sheegay shaqadii la rabay inay qabtaan Baarlamaanka Somaliya inay qabanayaan Madasha.

"Baarlamaanka awoodoodii meesha ayeey ka baxday shaqooyinkii la rabay inay qabtaan Baarlamaanka oo sharciga u siinaayay waxaa qabanaya Madasha Wadatashiga Qaran, dalkii oo dhan maamulkiisa iyaga ayaa la wareegay oo waxa ay doonaan ayey ansixinayaan.” Ayuu yiri Tarsan oo la hadlay Idaacada Mustaqbal.

Hadalkiisa intaasi wuxuu ku daray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Baarlamaanka Somaliya in laga doonaayo inay hurdada ka toosan oo ay la xisaabtamaan dadka sida ay doonaan dalka ka yeelaya.

Waxa uu sheegay awooda Maamul ee dalka hadii Madasha ay gacanta ugu sii jirto inay dhici doonaan waxyaabo aanan Somaliya looga baran.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa ku mashquulsan sidii mar labaad Kursiga ay ugu soo noqon lahaayeen, iyaga oo ilaaway shaqooyinkii ay u hayeen XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip