Augustine Mahiga oo sheegay inuu ka walaacsan yahay Dhalinyarada Tanzania u dhalatay ee Shabaab ka bar bar dagaalama

0
Thursday July 21, 2016 - 12:11:44 in Wararka by
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Augustine Mahiga oo sheegay inuu ka walaacsan yahay Dhalinyarada Tanzania u dhalatay ee Shabaab ka bar bar dagaalama

    Augustine Mahiga, oo ah Wasiirka Arimaha Dibada dalka Tanzania, ayaa sheegay inuu qabo walaac ku aadan dhalinyarada u dhashay dalkaasi ee ka bar bar dagaalanta Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Augustine Mahiga, oo ah Wasiirka Arimaha Dibada dalka Tanzania, ayaa sheegay inuu qabo walaac ku aadan dhalinyarada u dhashay dalkaasi ee ka bar bar dagaalanta Ururka Al Shabaab.

Mahiga oo ka qaybgalay kulankii Madaxda Midowga Afrika ee Dalka Rwanda ayaa sheegay dhalinyarada dalkaasi Tanzania u dhashay ee Shabaab ka bar bar dagaalama, qaarkood in la dilay qaarkoodna ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom inay gacanta ku dhigeen.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Tanzania ay ku jiraan heegan sare si ay uga hortagaan Dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ee u dhalatay Tanzania in ay amni darro ka sameeyaan.

Mahiga ayaa la kulmay Guddoomiyaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika, wuxuuna u sheegay dhibaatada ay ka maraan dhalinyarada u dhalatay Tanzania ee doonaysa inay Shabaab ku biiraan.

Dhalinyaro badan oo u dhalatay dalka Tanzania, ayaa ka tirsan Ururka Al Shabaab, halka kuwa kale oo badan lagu qabtay xuduuda Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan, xilli ay doonayeen inay u soo talaabaan dhanka Somaliya si ay Shabaab ugu biiraan.

Ajaanibta ka tirsan Shabaabka ee ka bar bar dagaalanta ayaa Shabaabka dhexdooda waxaa looga yaqaanaa Muhaajiriin, kuwaasi oo dalal kala duwan u dhashay.

Mahiga ayaa Somaliya ka soo shaqeeyay, wuxuuna ahaa Danjirihii Qaramada Midoobay u fadhiyay Somaliya, xilligii Dowladii Shariif Sheekh Axmed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip