Odayaasha reer Hiiraan oo ku dhawaaqay inay sameysanayaan Maamul goboleed

0
Thursday July 21, 2016 - 11:05:23 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaasha reer Hiiraan oo ku dhawaaqay inay sameysanayaan Maamul goboleed

    Odayaasha dhaqanka Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sameysan doonaan Maamul goboleed leh baarlamaan iyo Madaxweyne, isla markaana aysan jiri doonin cid ay wax ku darsanayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha dhaqanka Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sameysan doonaan Maamul goboleed leh baarlamaan iyo Madaxweyne, isla markaana aysan jiri doonin cid ay wax ku darsanayaan.

Afhayeenka Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Beledweyn, isagoo ka warbixinayay kulamadii ay la qaateen Urur Goboleedka IGAD.

 

Ugaaska ayaa sheegay in kulamadii IGAD la qaateen ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, isagoo xusay in aysan mar kale dib ugu soo laaban Beledweyn, hadii aysan u wadin in Hiiraan ay tahay labo gobol sida uu yiri.

"Reer Hiiraan waa tashadeen, waxaa leenahay IGAD waxba ha ku soo lugo’ina, Beledweyn qarash yuusan idinka dhamaan, reer Hiiraan hadaa u heystaan labo gobol iyo saddex gobol imaada”ayuu yiri Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in maalmaha soo socda la caleema saari doono Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, isagoo intaa ku daray in caleema saarka kadib ay guda geli doonaan Maamul gaar ah oo ay yeeshaan dadka reer Hiiraan.

"Waxaa guda geli doonaa caana-shubka Ugaas Xasan kadib maamul ay leeyihiin dadka reer Hiiraan, Madaxweyne iyo Baarlamaan ayaa sameysaneynaa ku bishaareysta, waa maamul goboleed cid aan wax ku darsaneyno ma jirto”ayuu mar kale yiri Ugaas Cali.

Diyaar garowga xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka socota magaalada Beledweyn, iyadoo lagu wado inay ka qeyb galaan caleema saarka siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

XIGASHO:-JOWHAR.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip