Madaxweynaha Turkiga, ayaa sheegay in tallaabadaan loo qaaday sidii loogu xoojin lahaa dimoqraadiyadda dalka, loogana hortaggi lahaa qalqal amni oo dalka uu galo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tani ay laamaha ammaanka ka caawinayso inay soo qab qabtaan kuwii soo maleygay inqilaabkii lagu doonaayay in lagu rido dowladda uu hogaamiyo.
Madaxweynaha, ayaa wuxuu qeexay inaanay tani liddi ku ahayn dimoqraadiyadda, isla-markaana ay waafaqsan tahay Dastuurka Qaranka, qodobkiisa ah in la ilaaliyo dimoqraadiyadda.
Madaxweyne Erdoğan, ayaa wuxuu wacad ku maray inay samayn doonaan wax kasta oo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee dalka.
Waxaa uu u mahadceliyay shacabka Turkiga oo fashiliyay afgambigaasi, isla-markaana ay tani noqon doonto mid ay taariikhda xusto, sida uu yiri.
Madaxweynaha, ayaa go’aankaan ku dhawaaqay, xilli uu Arbacadii la kulmay Guddiga Amniga Qaranka, kulankaa oo ay kaga arrinsadeen go’aanka ay qaadanayaan, ka dib afgambigii dhicisoobay ee Jimcihii ka dhacay dalkaasi.
Madaxweynaha Turkiga oo xaalad deg deg ah ku soo rogay dalkiisa
Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dalkaasi uu ku soo rogay, ka dib markii uu fashilmay afgambigii lagu doonaayay in talada dalkaasi looga xayuubiyo.