Dab ka kacay dhisme dheer oo ku yaala Magaalada Dubai (SAWIRRO)

0
Wednesday July 20, 2016 - 20:06:17 in Wararka by
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab ka kacay dhisme dheer oo ku yaala Magaalada Dubai (SAWIRRO)

    Dab, ayaa waxaa uu galabta ka kacay Dhismaha Sulafa oo ka mid ah dhismooyinka ugu dhaadheer ee ku yaala Magaalada Dubai ee Wadanka Emirate-ka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab, ayaa waxaa uu galabta ka kacay Dhismaha Sulafa oo ka mid ah dhismooyinka ugu dhaadheer ee ku yaala Magaalada Dubai ee Wadanka Emirate-ka Carabta.

Qiiq, ayaa la arkaayay isagoo dibadda uga soo baxaaya daaqadaha qaar ee Dhismaha Sulafa, dadkuna waxay bilaabeen in ay bannaanka uga baxaan dhismahaasi.

Shaqaalaha gaadiidka dab demiska oo ku sugan goobta uu dabku ka kacay, ayaa waxay la tacaalayaan sidii ay u baqtiin lahaayeen dabkaasi, isla-markaana ay uga hortaggi lahaayeen in goobo hor leh uu ku fidiyo.

Markii dabka uu socday muddo laba saacadood, ayaa la sheegay in uu xoogeystay, inkastoo aan weli la soo sheegin cid illaa iyo hadda wax ku noqotay dabkaasi.

Dhismaha Sulafa, ayaa wuxuu ka kooban yahay 75 dabaq, dhirirkiisuna waxaa weeye amaba lagu tilmaamaa mid gaaraaya 285 mitir.

Dhismahan waa dhismaha 23-aad ee ugu dheer Dubai. Dhanka caalamkuna wuxuu noqonayaa dhismaha 127-aad ee dunida ugu dheer.

DubaiDubai-Dubai1Dubai2Dubai3Dubai4Dubai5Dubai6Dubai7Dubai8Dubai9





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip