Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

0
Wednesday July 20, 2016 - 19:56:59 in Wararka by
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

    Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo Bangiyada Soomaaliya isla markaana ay bangiyada dalka Kenya maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaallada Nairobi ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo Bangiyada Soomaaliya isla markaana ay bangiyada dalka Kenya maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaallada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa furay kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaraddu ayna ka qeyb galayaan Wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, ganacsiga iyo qorsheynta ee labada waddan, masuuliyiinta bangiyada dhexe ee labada dhinac iyo bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

"Ujeeddada kulankani waa in la is dhaafsado sida ay bangiyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya isu kaashan karaan, ayadoo labada dowladood ay taageerayaan ama ay u fududeynayaan arrintaas” ayuu yiri danjire Jamaal.

Cabdirisaaq Xasan oo ah la taliyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in xoojinta iyo sharci siinta bangiyada Soomaaliya ay ahmiyad u leedahay kor u qaadidda hannaanka dhaqaale ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sanidihii la soo dhaafay uu bangiga dhexe uu ruqsad siiyay bangiyo iyo xawaalado badan oo dalka ka shaqeeya.

"Waxa aan ruqsad siinnay lix bangi oo ganacsi oo qaarkood ay halkaan fadhiyaan, sidoo kale waxaan ruqsad siinnay in ka badan lix shirkad oo xawaaladeed kuwaas oo adeegyo u qabta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdirisaaq.

IMG_0504

Buteri Watson oo ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanidihii la soo dhaafay ay horumar weyn ka sameysay hannaanka maamulidda dhaqaalaha dadweynaha, ayadoo la sameeyay sharciyo badan oo taageeraya ama fududueynaya in maal-gashi lagu sameysto waddanka ayadoo ay jirto daahfurnaan maaliyadeed.

"Soomaaliya waxa ay sameysay horumar weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, maamulidda dhaqaalaha dowladda iyo xoojinta hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha ayaa aad loo hagaajiyay” ayay tiri Buteri.

"Hay’adaas la xoojiyay iyo horumarkaas ayadoo laga amba qaadayo, Waxa aan ka hadlaynaa sidee hay’adahaas dowladda ee koraya ay u caawin karaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxa ay ku taageeri karaan iyo sida ay ganacsatada dalalka dariska ah gaar ahaan Kenya u maalgashan karaan Soomaaliya”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka CaalamigaCabdullaahi Sheekh Cali "Qaloocoow” ayaa shirkaan ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn siinayso xoojinta wada shaqeynta hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeed. Wuxuu intaa ku daray in qorshaha qaran ee horumarinta dalka ay qeyb ka tahay horumarinta iyo kor u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, ayaa shegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso in dowladaha dariska ahi ay maalgashi ku sameeystaan Soomaaliya, ayadoo ay dowladdu diyaarisay sharciga maalgashiga dalka, kan Iibka qaranka iyo kuwo kale.

Sidoo kale wakiilo ka socda rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, Bangiyada IBS, Premier Bank, Salaam Somali Bank, Dahabshiil, Amal iyo bangiyo ka shaqeeya dalka Kenya ayaa ka qeyb galaya kulankaan oo doodo ku saabsan sida loo wada shaqeyn karo ay ku yeelanyaan madasha.

Bangiga Adduunka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa soo qabanqaabiyay kulankaan. Billowgii sanadkaan safaaradda ayaa kulan sidaan oo kale ah u qabatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysta dalka Kenya.

IMG_0451IMG_0459IMG_0463IMG_0465IMG_0478IMG_0484IMG_0486IMG_0489IMG_0491IMG_0496IMG_0498IMG_0501IMG_0513IMG_0519IMG_0527




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip