Ma jiro koox kale oo haysata lix dhibcood marka laga reebo gobolka Sh/dhexe iyadoo xulalka Banaadir iyo Puntland oo isku guruub ahaa ay keensadeen min afar dhibcood.
Xulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa la ciyaari doono kulanka Semi finalka ah xulka maamul goboleedka Puntland. Halka ay sidoo kale wada ciyaari doonaan xulalka Banaadir iyo Jubbaland.
Tartankan ayaa lagu wadaa in uu soo afjarmo 25ka bishan oo ku beegan Isniinta soo aadan, waana tartankii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa eek a dhaca magaalada Muqdisho dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Ciyaartoyda Sh/dhexe iyo Hiiraan oo u soo gudbay Semifinalka kadib markii ay 1-0 ugaga badiyeen Galmudug
Xulka Shabelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa noqday xulkii ugu dhibco badan helay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo ka socda magaalada Muqdisho kadib markii uu 1 iyo 0 ugaga badiyay xulka Galmudug.