Xiisad dagaal oo wali ka taagan Gobolka Sanaag

0
Wednesday July 20, 2016 - 10:20:21 in Wararka by
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad dagaal oo wali ka taagan Gobolka Sanaag

    Gobolka Sanaag Wararka ka imaanya ay sheegayaan in xiisad dagaal wali ay ka jirto deegaanadii maalmo ka hor ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaallo ay dhacaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobolka Sanaag Wararka ka imaanya ay sheegayaan in xiisad dagaal wali ay ka jirto deegaanadii maalmo ka hor ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaallo ay dhacaan.

 Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku hor-fadhiya goobihii ay ku dagaalameen agagaarka Booda-Cade oo u dhaxeysa Xingalool iyo Dhahar.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan gurmadyo labada dhinac u direen aaggaga dagaal ee ay isku hor-fadhiyaan, waxaana barakac laga soo sheegayaa inuu ka jiro goobaha xiisada ay saameysay.

Dagaalo culus oo labada dhinac ku dhex maray Isniintii ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo labada maamul ay dagaalka ka kala sheegteen guulo.

Ciidamada Somaliland ayaa Isniintii gacanta ku dhigay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu qabtay goobo ku dhow deegaanadii lagu dagaalamay.

Somaliland ayaa dhowaan ka bilowday diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashooyinka deegaanada Gobolka Sanaag Bari oo ay ku doodeyso in maamulkeeda uu hoos-yimaado, iyadoo Maamulka Puntland uu ka soo hor-jeestay.

Labada Maamul ayaa muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag oo midba midka kale uu sheeganayo in deegaanadiisa ay yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip