Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Obama uu khadka taleefanka kula xiriiray Talaadadii shalay Madaxweyne Erdogan, afar maalmood kadib isku daygii afgambi.
Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay cdosiga Turkiga ee ku aadan in loo soo gacan geliyo wadaadka lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa wax faah faahin ah ka bixin waxa uu Mareykanka ka yeelayo ninkaas, inkastoo dhowr jeer oo hore Mareykanka diiday inay wadaadkaas ku wareejiso.
Wasiir ka tirsan Xukuumadda Turkiga ayaa sabtidii ku eedeeyay Mareykanka inuu ku lug lahaa isku dayga afgambigaas fashilmay.
Hase ahaatee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa iska fogeeyay in Mareykanka uu wax door ah ku lahaa isku daygaas afgambi.
Mareykanka iyo Turkiga ayaa xiriir dhow oo saaxibtinimo ka dhaxeeya, iyadoo Mareykanka uu saldhig Milateri oo looga duulo Kooxda Daacish uu ku leeyahay Turkiga.
Erdogan iyo Obama oo khadka taleefanka ku wada hadlay
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhiggiisa Mareykanka Barack Obama ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, kadib afgambigii dhicisoobay ee jimcihii la soo dhaafay dhacay.