"Warqaddaasi kasoo baxday wasaaradda waxay ahayd mid sharci darro ah, wax sharci ah oo ay ku qotontay iyo sharci ay daliilsanayso aysan jirin, warqad af Soomaali ah oo Saddex leen ah oo iska qoran hoteellada lagu amrayo inaan lagu shiri karin oo aan wax sharci ah ku fadhin sharcina aan soo daliilsan waxaan u aragnaa arrintaasi Dastuurka Federaalka qodobka 20-aad farqaddiisa 1-aad, kaasi oo dhahaya qof kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu abaabulo kana qeybgalo kulamo ama bannaanbax si xasilooni ah cabasho loogu muujiinayo iyadoo aan ogolaasho loo baahneen, wax ogolaansho ah xitaa madaxweynaha u sarreeya looma baahna, Dastuurka ayaa sheegaya madaxweynaha Dastuurka ayuu ku dhisan yahay, wasaaradda amniga iyo wasaaradaha kalena Dastuurkan inay ilaaliyaan oo ixtiraamaan baa laga raabaa.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi
Qoraalkii ku qornaa Warqada ayaa wuxuu sheegay inay aheyd in la iska ilaalinaayo halista Kooxda Shabaab.
"Warqaddaan waxaa ku qornaa si la isaga ilaalino Al-shabaab, Al-shabaab hoteelada lagama ilaaliyo dhexdooda ee waxaa laga ilaaliyaa bannaanka, Hoteelka waa meel nabdoon oo dadka howlahooda ku qabsanayaan amniga haddii la sugayo bannaanka ayaa laga sugaa ee gudahiisa iyo howlashiisa lagama sugo, waxaan arrintaan u aragnaa mid aan sharciga ku fadhin, waxay leeyihiin warqad iyo idin hanalaga soo qaato” ayuu yiri Fiqi
Wasaaradda amniga ayuu sheegay in howlo muhiim ah ay hayso balse dacwadda ay ka gudbinayaan ay la xiriirto oo kaliya warqadda ay dhawaan soo saartay.
"Annaga horta wax hadda nahor istaagay ma jirto, annaga waan soo jirnay waana shaqeyneyanay, waa annagii Ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha dacweynay, haddana wasaaradda amniga ayaan dacwad ka gudbin doonnaa, taasi oo ku saabsan warqaddii u dambeysay, waxaan aaminsannahay inay dalka u adeegto, ka shaqeyo laakiin warqaddii darraad ay soo saartay waxay ahayd mid sharciga hareer marsan.”
XIGASHO:-DHACDO.COM
Axmed Macalin Fiqi oo sheegay inay Dacwad ka gudbinayaan Wasaarada Amniga Somaliya
Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Masuuliyiinta Axsaabta Siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Wasaarada Amniga gudaha oo amaro dul dhigtay Hotelada Muqdisho.