Taliye Cusub ee Ciidanka NISA Gobolka Shabeellaha dhexe oo xilka la wareegay.

0
Wednesday July 20, 2016 - 09:16:15 in Wararka by
  • Visits: 10080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Cusub ee Ciidanka NISA Gobolka Shabeellaha dhexe oo xilka la wareegay.

    Taliyaha Cusub ee Ciidanka Sirdoonka iyo nabadsugida Qaranka ee gobolka Shabeellaha dhexe Dhame Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliye nimo kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar oo ay goobjoog ka ahaayeen s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Sirdoonka iyo nabadsugida Qaranka ee gobolka Shabeellaha dhexe Dhame Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliye nimo kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay'adda nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo saraakiisha ciidamada kale ee gobolka ka howlgala .

Dhame Xaayoow ayaa xilkan si rasmi ah waxaa loogu soo magacaabay kadib markii Magaalada Jowhar lagu dilay bishii la soo dhaafay ee June 21 Taliyihii ka horeeyay Alaha u naxariistee Cabdiwali Ibraahim Junbur .

Taliye cusub ee ciidanka NISA ee Gobolka Shabeeaha dhexe ayaa xilal ka duwan ka soo qabtay gobolka Banaadir.

Dadka yaqaana Taliye Xaayoow waxa ay sheegeen inuu yahay sargaal Howlkar ah kana mid ah saraakiisha Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka ee Maleeshiyada Alshabaab dagaalka xooggan ee amni xaqiijinta ah kula galay gobolka Banaadir kana islaaxiyay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadihii ay ka fulin jireen weerarada gaadmada ah, waxaana loo arkaa inuu yahay shaqsigii ugu haboonaa ee loo magacaabi lahaa xilkan Taliyaha NISA ee Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha Cusub ee NISA ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa durba waxa isaga iyo ciidankiisu ay bilaabeen Howlgalo amni xaqiijin ah .

Taliye Cabdulqaadir Xaayoow ayaa Bulshada waxaa uu ka codsaday inay kala shaqeeyaan hay;adaha amaanka sidii loo xaqiijin lahaa Nabada loogana hortagi lahaa kooxaha isku dayaya carqaladeynta amaanka.

‘’ waxaan la wareegay xilka taliyaha NISA ee Gobolka Sh/dhexe muhiimada waa inaan ka wada shaqeynaa amniga, amniga sidiisa waxa leh bulshada waxaan shacabka gobolka Shabeelaha dhexe ugu baaqaya inay kala shaqeeyaan Nabad iyo xasiloonida gobolka ciidanka amniga qaranka sidii hore ay ula shaqeeyeen si ka wacan, waxaan u taagan nahay inaan bulshadda amaankeeda aan ilaalino insha allah waana ku guuleysanaynaa’’

Taliye xaayoow ayaa tilmaamay inuu sidookale si wacan ula shaqeyn doono maamulka iyo Ciidamada kale ee qalabka sida ee gobolka Shabeelaha dhexe,si wadajir ahna looga shaqeyn doono Nabada iyo ka hortagta Caddowga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip