WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA LUULYO 2016-KA

0
Wednesday July 20, 2016 - 08:58:07 in Wararka by
  • Visits: 5373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA LUULYO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN SH. OO DIB UGU SOO LAABTEY,DALKA KA DIB MARKII UU KA SOO QEYBGALEY SHIR MADAXEEDKII 27AAD EE M.AF. Madaxweynaha JF.Soomaaliya, Md. Xasan Sh.Maxamuud ayaa dib ugu soo la abtey M/Muqdisho, ka dib markii uu ka soo qeybgaley Shir Mada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SH. OO DIB UGU SOO LAABTEY,DALKA KA DIB MARKII UU KA SOO QEYBGALEY SHIR MADAXEEDKII 27AAD EE M.AF. Madaxweynaha JF.Soomaaliya, Md. Xasan Sh.Maxamuud ayaa dib ugu soo la abtey M/Muqdisho, ka dib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 27aad ee Midowga Afrika oo 17—18 July lagu qabtay Caasima dda dalka Rwanda ee Kigali.. S

hir Madaxeedka ayaa intaanu soo xi rmin waxaa uu isku raacay in dib loo dhi go doorashada hoggaanka cusub ee Gud diga Sare ee Midowga Afrika. Madaxda Afrika ayaa isku afgartey in doorashada ay bisha Janu ary ka dhacdo magaalada Addis Ababa. Ajendaha kale ee doorash ada looga hadley waxaa ka mid ah miisaa niyadda Midowga Afrika, xasaradda dalka J/Suudaan iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay M/Kigali waxaa uu kula kulmey hoggaami yeyaasha dalalka Suudaan, Masar, Djibo uti, Kenya iyo Itoobiya. Wafdiga Madax weynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee M/Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.–DHAMMAAD.

DOWLADDA SOMALIYA OO KA TACSIYAYS AY DADKII LAGU LAAYAY DEGAANKA WARDIINLE

Warsaxaafadeed laga soo saaray xafi iska wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska md. Maxamed Cabdi Xayir (Maa reeyee) ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tacsi u direyso ehelada dadkii doraad lagu layay deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay, halkaas oo ay ky geeriyoodeen 14 ruux oo shacab ahaa isla mark aana kamid ahaa dadka deegaa nkaas.

MADAXWEYNAYAASHA SOMALIYA IYO MAS AR OO KULAN 2AAD KU YEELAN DOONA DALKA MAURITANIA.

Iyadoo ay 2da Madaxweyne ee Somal iya iyo Masar, Xasan Sh.Maxamuud iyo C/fataax Alsiisii doraad kulan ku yeesha an Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali ayaa waxaa haatan la qorsheynayaa inay isku arkaan Shir Madaxeedka Dowladaha Carabta oo dabayaaqadda bishan ka fur mi doona caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott. Kulankaasi ayaa noqon doona kii 2aad ee ay Labada Madaxwey ne isku arkaan, iyadoo ay horey ugu ku lmeen Kulan Madaxeedka Ururka Midow ga Afrika ee dorraad lagu soo gebage beeyey Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.

Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Ma sar, C/qani Maxamed Wacays oo Wareys siiyey Wargeyska Maalinta ee Yoom Sab ca ee ka soo baxa caasimadda dalka Ma sar ee Qaahira ayaa xaqiijiyey Kulanka Labada Mad axweyne dabayaaqadda bish an ku yeelanayaan caasimadda dalka Ma uritania ee Nuwakshoot.Dhinaca kale, Da njiraha waaxa uu tilmaamay in 2da Mad axweyne Kulan 3aad ku yeelan donaan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, marka laga gudbo Doorashooyinka Mada xtinimadda iyo Barlamaanka ee ka dhici doonta Somalia.

MAAMULADA BANAADIR IYO K/ GALBE ED OO RAASHIIN LAGU WAREEJIYAY

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo fede raalka Soomaaliya ayaa shalay deeq raa shiin ah ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, dowladda goboleedka Koofur galbeed iyo ehelada dhibbanayaasha sa xaafadda Soomaaliyeed. Deeqdan oo isu gu jirta Bur iyo Sokor ayay dowladda fede raalka Soomaaliya ugu tala gashay in la gu caawiyo dadka tabaalaysan ee ku kala nool degaannada koofur galbeed Sooma aliya, gobolka Bana adir iyo ehelada wari yeyaashii ay dileen Alshabaab iyo kuwii ay dhaawaceen.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrima ha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/r ashiid Maxamed Xiddig oo munaasabadd aasi ka hadlay ayaa ugu horrayn kaga ma had celiyay dowladda Turkiga oo ay dee qdani ka timid, isagoo ballan qaaday inay si hufan u gaari doonto cid walba oo wax ku leh raashinkan una marsiin doon aan gacmo aamin ah. Agaasimaha guud wasa aradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf (Bahl aawi) oo wkiil ka ahaa wariyaashi dhintay iyo kuwii dhaawacmay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la la taakuleeyo Suxufiy iintii ku waxyeelloobay gacanta Alshaba ab iyo eheladii ay baxeen dowladduna ay san illaawi doonin.

Md.Bahlaawe ayaa intaa raaciyay iney deeqdan kusii wareejin doonaan qoonda da suxufiyiinta dhibban ku leeyihiin Abwa an Cusmaan C/laahi Guure oo ka mid ah golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo ba hda saxaa fadda.

KA QEYBGALKA HAWEENKA SOOMAALIYA EE SIYAASADDA DALKA

Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin kala duwan oo lagu qabtay Hotel Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho ay aa waxaa looga hadlayay doorka haween ka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan siy aasadda iyo hogaaminta dalka. kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay hey’ad da SOYDEN oo kaashanaysa hey’adda UNWOMEN.

Kulanka ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa culimada diinta, ururka haweenka qaranka, kan gobolka Banaa dir, dadka naafada ah, ganacsato iyo saf iir sharafeedka haweenka Soomaaliyeed u qaabilsan xaqiijinta koontada haweenka ay ku leeyihiin hogaanka siyaasadda dalka.

Intii kulanka uu socda ayaa waxaa laga dooday qodobo kala duwan oo muhiim u ahaa mowduucan laga hadl ayay oo ay kamid aheyd tirada haweenka Soomaali yeed ay ku yeelan karaan baarlamaanka soo socda iyo sida arintaas lagu gaari karo. Mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay ay aa waxaa ka mid ahaa Xasan Axmed Sa diiq iyo Baarliin Maxamed Cadaani oo ka socday gudiga dowladda Soomaaliya u xil saartay xaqiijinta koontada haw eenka ee siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah haweenkii ka qeybgalay waxayna sheegeen ahmiyadda ay haweenka u leedahay ka qeybgalka hogaanka siyaasadda dalka. Gunaanadkii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo go’aanadii horey looga soo saa ray ka qeybgalka siyaasadda ee haween ka Soomaaliyeed.

FETHULLAH GULEN: "WAAN CAMBAAREYNA YAA INQILAABKA MILATERIGA TURKIGA WELI GEYNA WAAN KA SOO HORJEEDAY ARRINTAAS”

Fathullah Gulen oo ah hoggaamiyaha ay siyaasadda ku kala tageen Madaxwe ynaha Turkiga ayaa markii u gu horeysay ka hadlay inqilaabka dhicisoobay ee ay ka badbaaday Dowladda Madaxweyne Ordogan.

Hoggaamiyahaan oo masaafuris aha an u jooga dalka Mareykanka ayaa been iyay inuu wax lug ah ku leey ahay inqilaab ka gilgilay dalka Turkiga ee ilmada ka ke enay Madaxweyne Ordogan oo iminka sa ameyn ku yeelanaya dowladnimada dalka asi, ka dib markii ay xadka ka baxeen dad ka uu ku tuhmayo inay lug ku yeesheen.

"Waan cambaareynayaa inqilaabka Mil ateriga Turkiga weligeyna waan ka soo horjeeday arrintaas” ayuu yiri Fathullah Gulen oo sheegay inay ku kala tageen xu kunka dalka inuu Milateri u gacan galo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Ordogan oo la hadlayay shacabka weli taagan wadd ooyinka Istan bul ayaa sheegay inuu ansixinayo haddii Baarlamaanku ansixiyo ciqaabta dilka ah ee lagu fulina yo qof kasta oo lagu helo de mbiga qiyaano qaran.

Madaxweyne Ordogan oo carada uu ka qaaday inqilaabka dalkiisa lala damacs anaa ayaa Mareykanka ka dalbaday inuu u soo gacan geliyo wadaadka Fathullah Gullen, hase yeeshee Mareykanka ayaa Turkiga ka dalbaday inuu la yimaado cad deymo arrintaasi muujinaya.

QIIMAHA RAASHINKA DALKA OO KOR U KAC AY IYO ISTICMAALKIISA SOO KORDHAY

Raashinka Wadaniga loo yaqaan ee ka soo baxa Beeraha Waddanka gudih iisa, ayaa isticmaalkoodu mud dooyinkan dambe sare u kacay,isla markaana Hab eenkii inta badan dadku cashadda ka dhigtaan cunto wad ani. Suuqyadd lagu iib iyo Raashin wadaniga ee Beeraheenna la ga soo saaro, ayaa kor uga kacay qiima ha awal hora la kala siisan jiray, iyadoo ay saameyn ku yeelatay abaarihii dhowa an ka dhacay dalka.

Raashinka Waddanka ee aad ka loo iibsado, ayaa kala ah Galleyda, Hadhuu dhka, Qamadiga, Digirta, Waxayna Dadw eynaha Reer Somaliland, gaar ahaan caa simadda ka yihiin raashin muhiim ah, iya doo habe enkii goobaha lagu sameeyo cu nto wadaniga aad arkayso safafka loogu jiro kala iibsigoodda. Ganacsatadda Raashin Wadaniga ayaa sheegay in sanad kan sidii larabay u soo wada go’in, maad aama oo sanadkan abaar ba’ani ka dhac day guud ahaan Somaliland, gaar ahaan beerihii lagu beeri jiray oo u badnaa galbeedka Somaliland.

Foosiya Axmed Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatadda iibisa Raashin Wadani ga oo ka hadlaysa sida dadku usoo fahm ayaan isticmaalka Cunto wadaniga oo ay sheegtay inay ka faa’iido badan tahay cu ntooyinka kale, iy adoo arrintaasi ka had laysa waxay tidhi "waxaan iibiiyaa Raashi nka Wadaniga sida hadhuudhka, Arabikhi dda, Sareenka, Harakooga, Dadku markii hore ma aqoon cunto wadaniga, balse hadda si fiican bay nooga iibsadaan oo waaba Dawo oo caafimaadka ayaa ku ji ra, Dhakhaatiirta ayaa naga iibsata, cunt addu qaali ma aha, cashuurta la naga qaa daana waa shan boqol oo shilling, teedda kale waxa intaa ku darayaa sanadkan ab aaraha ayaa saamaysay oo waa taa suu qa laga dareemayo, waana taas sixirko odu kordhay”

"Anigu waxaan imika iibsanayaa digi rta, waxaana u soo jeedin lahaa Dadwey naha inay iibsadaan Raashinka aynu bee ranay, waxaynu nahay dad wax qabsan kara ee aynu wax soo saar badan samay no, si aynu iskugu filaanno.”ayuu yidhi Aadan Maxamed oo ka mid ah dadka Isti cmaala Cunto wadaniga oo marka kula ku lanay suuqa lagu iibiyo raashin Wadani ga.

"Anigu muddo badan baan ka gancsa nayay suuqan waxaan iibiyaa garawga iyo galayda iyo sidoo kale digirta wadani ga ah waxaan wax ku miisaana waa gal aanka oo Galaanka Hadhuudhka waxaa nu siinaa afar kun oo Somaliland shilin g”ayey tidhi Saynab Cali oo ka mid ah dadka ka baayac mushtareeya Raashin Wad aniga. Faadumo oo iyana ka mid ah dadka ka ganacsatadda Raashinka ayaa is barbar dhig ku samaynaysa qiimihii mar kii hore ay siin jirtay iyo imika qiimaha ay siiyaan, waxaanay sheegtay in abaarihii dhacay same eyeen Raashin Wadanigii dalka ka soo baxayey, taasina ay keentay inay qiimaha Raashinku uu kordho, iya doo arrimahaasi ka hadlaysa waxay tidhi " Joonyadda hadhuudhkii waxa ku jira kon ton galaan, waxaanu barigii hore siin jir nay 125 kun Somaliland shilig ah, hadda wuxuu marayaa 150,000 SLSH, Galayda iyadu joonyaddu waa boqol iyo konton kun SL SH, laakiin maanta waxay maray sa laba boqol iyo labaatan kun slshl, Di girta jaw aankeeddu waxay markii hore ah ayd sadex boqol imika shan boqol oo kun SHSL.”

Dhinaca kale, Khudaarta ayaa gabi aha anba wadanka laga waayey, isla markaa na khudaartii ka iman jirtay Itoobiya ay sixir qaai ah ku imanayso wadanka, taas oo aanay dadkuba goyn Karin. Killooga khudaarta ayaa markii hore ahaaa shan kun Somaliland shilling, halka uu imika ka yahay Lix iyo toban kun SLSH oo aan wax nafaqo ah lahayn oo ay qalashay, taasina waxay keentay ka dib markii khud aarta wadanka ka soo bixi jirtay aanay soo go’in abaaraha dhacay awgeed.

ARDAY SOMALI AH OO WAXBARASHODA KU WAAYEY AFGANBIGII DHICISOBAY EE TURKI

Markii uu dhicisoobay inqilaabkii Dal ka Turkiga ka dhacay, dowladda Sooma aliyana Sheegtay inay Shaq ada ka jooji say Hey’adda Nile oo Turkiga laga lahaa ayaa arrintaas waxay keentay in Ardaydii Soomaaliyeed ee Turkiga waxbarashada u joogtay badankood waxbarashadooda waayaan.

Madaxweyne Erdogan oo ka qeeb gal ay aaskii dadkii ku dhintay isku daygii afg ambi – Afgrmbi Dhicisoobay Go’aan Dhici soobay Ayuu Leeyahay! Ardaydaas ayaa waxaa Turkiga geeyey oo waxbarashad ooda qaabils anaa Hey’adda Nile oo lashe egay in Masuuliyiinta iska leh ku lug laha ayeen Afganbigii la doonayey in Xuk unka looga tuuro Dowladda hadda taladda da lkaasi haysa.Gudoomiyaha Midowga Ar dayda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed C/Laahi Xaashi ayaa sheegay in ar day ka badan 2kun Guryihii ay Daganaa yeen iyo Goo bihii wax ku baranayeen ha dda Dowladda la wareegtay laguna amray inay isaga baxaan dalkaasi.

Dhanka Kale Turkiga wali si rasmi ah uma shaacin sida ardaydaas Soomaaliye ed laga yeelay oo qaarkood Waxbarasho oda dhamaad ku dhowdahay inay Soom aaliya dib ugu soo labanayaan iyo in qaa bab kale waxba rashoda ku dhameyst aan helayaan.

SOOMAALIDA MAGAALADA ST PAUL MN OO IIBSADAY MASAAJIDKA ASSUNNA

Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minn esota, gaar ahaan M/St Paul ayaa dorr aad si rasmi ah ula soo ware egay dhisma ha Masaajidka Assunnah Dadka qaar na ay u yaqaanaan Mknight, kaasoo ay ki ro ugu jireen mu ddo 12-sano ah, waxaa na ku tukan jireen Shanta Salaadood, ku na dhigan jiray Qur’aan Kariima; iyadoo ay Arday badan ku dhameeyeen barasha da Qur’aanka Kariimka, waxaana dhismi hiisa ku baxday lacag dhan 875.000 oo Doollar.

Sh.C/llaahi Abu Fadli oo ah Imaamka Masaajidka, ayaan la kulmay markii uu dhacay saxiixa ay kula wareeg een dhism aha, Wuxuuna HOL u sheegay. "Waxaa nu shalay bixinay lacagtii hormarinta ah ayd, Waxayna aha yd Xiritaanka Heshiis ka; Horay ayaan u dhignay $60,000, shalayna Waxaan bixinnay $140,000, Lix bilood ka dibna waxaan bixinaynaa $50, 000. Lacagta hartay oo ah $625,000, wax aan ku bixin doonnaa muddo 10sannado od ah Haddii Alle yiraahdo, bil walbana waxaan bixin doonnaa $5200.” Guddoomi yaha guddiga ful inta ee Jimciyadda Isla amiga ah ee Waqooyiga Ameerica, Sh. Xasan Jaamac Dhooye oo loo yaqaan [AINA], Xubinna ka yahay Masaajidka Assunna oo isagana la hadlay HOL ayaa sheegay inay qayb ka ahaayeen dadaal adii ay ku doonayeen inay iibsashadaan masjidkan, isagoo xusay inuu maanta ku faraxsan yahay guu shaan, isagoo sidoo kalena ugu hambalyeeyay Muslimiinta de gen St Paul, Minnesota.

"Waa Guul wayn oo Muslimiinta u soo Hoyatay ILLAAHAY, Waxaan uga baryey naa Walaalihii ka qaybqaa tay Dhamays tirka Mashruucan inuu u barakeeyo maa lkooda iyo cimrigooda, uuna Jannada ka waraabiyo ehel kooda iyo ubadkoodana,” ayuu ku koobay hadalkiisa Sheekh Xasan Dhooye.

Qareenka Masjidka ,Xubnaha Jaaliyad da,iyo waliba Culumadda magaalada qa ar ka mida yaa sha lay ka soo qaybgalay kulankaan ay kula wareegayeen furaha dhismaha waxayna dhamaantood jee diye en khudbado ay ku cabireen dareen kooda. Ugu danbayntii Masjid as Sunna waxuu noqonayaa Xaruntii 4aad oo ay la soo wareegaan Soomaalida Dagan St Pa ul oo ay ka dhigayaan dhismo masjid wax aa hore loo iibiyey Xarumaha Mas. Dac wa, Mas. Al Ixsaan, Mas.Darul Culuum

Siyad Said Salah, Hiiraan Online Ema il:Siyad@hiiraan.com

Minneapolis, Minnesota, USAS/ada:

Ismail Muse IsmaT

TOOGASHO KA DHACDAY MAGAALADA LINC OLNSHIRE EE DALKA BRITAIN

3 qof ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday M/Lincolnshire ee Boqortooyada dalka Ingiriiska. Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay toogashadu ka dhacday me el lagu dabaasho oo ku dhow M/Lincol nshire. Booli ska waxa ay sheegeen inay ku raadjoogaan dadka falkaan dambiga ah geystay ee dilka geystay.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheeg ay in ay jiraan falal muujinaya argagixiso inay ka dambeeyeen falkaasi.

Wali faahfaahin rasmi ah lagama ha yo sababta keentay dilkaas laakiin ciidan ka ayaa sheegay in ay baa rayaan ayna gacanta ku soo dhigi doonaan cidkasta oo ku lug yeelata falka dhacay. Muddooy inkii dambe wax aa sii kordhaayay falal to ogashada ah oo ay fulinayaan dad hubay san.

MILLITERIGA WAQOOYIGA KUURYA OO TIJAA BIYEY DHOWR GANTAAL OO WAX KA DILI KA RA MASAAFO DHAN 600 KIILOMITIR.

Gantaa nooca Balaastikadda ah ayaa waxaa sha;ay subaxdii lagu tijaabiyey Xe ebta Gobalka Hwangju ee W/galbeed ee dalka kuuriyada Waqooyi Wakaalladda Wararka ee dalka kale ee Koonfurta Ku urya ee Yonhap News Agency ayaa she egtay inay Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen 3 Gantaal oo u muuqaal ekaa Gantaall adda Iskaadka, kuwaasi oo wax duqeyn kara masaafo u dhexeysa 500 ilaa 600 Kiilomitir.

Tijaabadda Gantaaladaasi ayaa waxay ku soo beegmeen maalmo ka dib, markii ay Dowladaha Koonfurta Kuurya iyo Mara ykanka ku dhawaaqeen Go’aankooda u gu dambeeyey ee Nidaamka Lidka Ganta alladda ee THAAD loogu rakibi lahaa dal ka Koonfurta Kuurya, si looga hortago ca bsida laga qabo weeraroka yimaada Mill iteriga Waqooyiga Kuurya.

DOWLADDA JABUUTI OO SHEEGTAY INAY TA GEERO KA GEYSAN DOONAAN ARRIMAHA DO ORASHOOYINKA SOMALIYA.

Telefishinka Dalka Jabuuti ayaa shaa ciyey Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, Ismail Omar Gelle ayaa mar kale soo cus booneysiiyey sda ay Dowladiisa ka go’an tahay inay Somaliya ka taageeraan Arrim aha Dibuheshiisiinta, Deganaanshaha iyo Nabadda. Waxa uu hadalkaasi ka she egay mar uu dhigiisa Somaliya, Xasan Sh.Maxamuud dorraad kula kulmay Caa simadda dalka Ruwanda ee Kigali oo ka socday Shirweynihii 27aad ee Hoggaam iyayaasha Dowladaha Afrika.

Madaxweynaha Jabuuti, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay garab taagnaan do onaan Ummadda Soomaaliyeed, ilaa ay dib uga hananayaan Ammaanka iyo Dega naanshaha dalkooda. Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Jabuuti gacan ka geysan doonto Taabagelinta Doorashada Madaxtinim adda iyo Barlamaanka ee ka dhici doonta Somalia bisha soo socota. Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxa muud waxa uu ka mahad celiyey Taageer adda Walaaltinimo ee ay Dowladda iyo Shacbiga Jabuuti la garab taagan yihiin Somalia tan iyo sannadkii 1999-kii. Waxa uu intaasi ku daray inay Jabuuti taageero ka geystaan Nabadda, Deganaanshaha iyo Siyaasadda Somalia, isla markaana ay Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Ha wlgalka Nabadilaalinta AMISOM ka haw lgalaan Gobalka Hiiraan.

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay ka go’an tahay inay Doorashadda qabso onto xilligii loogu tal agalay, isla markaana ay muhiim tahay inay ku dhacaan Hab Di muqraadi ah.

DUULIYAYAASHII TURKISHKA EE SOO RIDAY DIYAARADDA DAGAALKA EE RAASHIYA OO LA XIRAY.

Labadii Duuliye ee Turkishka ee door ka ka qaatay Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiya ee la soo riday bishii November ee sannadkii hore ayaa la xiray, ka dib, markii ay ka qeyb galeen Afgembigii Fa shilmay ee bishan July 15dii ka ddhacay dalka Turrkiga. Sarkaal Turkish ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Faransiis ka ee AFP in Labadii Duuliye ee ku lugta lahaa falkii lagu soo riday Diyaaraddii Dag aalka Raashiya ee SUl24 inay ku jir aan Qeybta Dembi barista, iyadoo lala xiriirinayo Afgembigii Fashil may.

Sarkaalkaas la hadlay AFP ayaa shee gay inay Duuliyaashaasi la xiray, iyagoo gacansaar la lahaa Kooxihiui ku fashilmay Afgembiga, ee aan loo xirin weerarkii la gu soo riday Diyaaradda Raashiya. La aki in, Duqa magaalladda Ankara, Melih Gok cek ayaa sheegay inay Duuliyayaasha ta ageere u yihiin Sheekh Fatxullahi Gulen, isla markaana ay Duuliyayaasha u soo rideen Diyaaraddii Dagaalka ee Raa shiy asi ay u waxyeleyaan Dowladda Turkiga.

Wasiirka Garsoorka ee Raashiya, Bekir Bozda oo ay Warbaahinta Turkishka wax ka weydiiyeen Xarigaasi ayaa sheegay in ay jiraan Wararka ku aadan in la xxiray Duuliyayaasha, balse wuu xaqiijin kari waayey. Xiriirka Dowladaha Raashiya iyo Turkiga ayaa xumeeye Diyaaradda Daga alka ee Ra ashiya ee lagu soo riday gu daha dalka Syria, inkastoo ay Labada do wladood bishii hore xaliyeen Khilaafkooda Diplomaasiyadeed.

Biloswga bisha soo socoto ee August ayaa la filayaa inay Madaxweynayaasha Turkiga iyo Raa shiya kulan ku yeeshaan dalka Raashiya, iyadoo Madaxweyne Val adamir Putin cambaareeyey Afge mbigii Fahilmay ee bishan July 15dii ka dhacay dalka Turkiga. Xigasho: Aljazeera

CIIDAMADA ILAALADA DEEGAANKA OO DIB U HABEYN LAGU SAMEYNAAYO

Taliyaha ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar C/naasir Maxamuud Indhoqarshe ayaa sheegay in tababar ku filan aanay helin ciidamadaasi, kuwaasi oo hadda qa bta howlo badan oo ay ka mid tahay qaadista canshuurta iyo ilaalinta wax walbo oo deegaanka wax u dhimaya.

Ciidamada ilaalinta deegaanka ayaa ahaa kuwo shaqo badan qaban jiray, wax aana ka mid ahaa waxyaabaha ay qaban jireen nadaafadda, ka hortagga waxyaaba ha dhacay iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Taliyaha ayaa sheegay inay wadaan dadaallo badan oo dib u qaabeen loogu sameynayo ciidamadan, waxaana uu hoo sta ka xarriiqay in maamulka gobolka Ban aadir kala hadleen sidii taba bar loo siin lahaa ciidankaasi.

"Caqabado wey na heysataan, ciidama da kale ee dalka tababar bay helaan, ciid an baa tababar u ga soo baxa, wuxuu had dii aanay waxbo ku soo kordheyn, kuwii horena iska joogaan wax ay faa’ido yeelaneyso malahan, haddii aadan gurigaaga dib u habeyn ku sameyn mar walbo ma kuu shaqeyn ayo, duqa magaalada waan isku af garannay in wax un uu inagu soo kordhiyo, hadda rag baa fadhiya oo guddi aan aniga magacaabay ah oo Shan nin ka kooban, waxay ka shaqeynayaan ciid ankii lagu kordhin lahaa ciidankaan iyo qa abkii loogu kordhin lahaa, iyo waqtiga la gu kordhin lahaa, inta aan aniga immaan waxaa jirtay 60 sarkaal oo tababar looga furay Iskool Boliisyo xilligii uu duqa maga alada ahaadaa Tarsan.” ayuu yiri Taliya ha.

Dhanka kale Taliye C/naasir ayaa sha cabka waxa uu uga digey inay hareer mar aan nidaamka sharciga ah ee loo maro dhismaha guryaha, taasi oo uu sheegay in mararka qaar ay keenayso inay is ka ho ryimaadaan shacabka iyo ciidamada shaq adooda gudanaya. Ciidamada ilaalinta de egaanka waxay hadda ka shaqeeyaan 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, waxa ana inta badan ay ka howlag alaan suuq yada oo ay ka qabtaan howlaha canshuur qaadista.

XISBIGA J.MAREYKANKA OO TRUMP U MAGACAABAY MURASHAXA XISBIGA EE DOORASHADA

Munaasabad ballaaran oo wufuud kala duwan ay ka qaybgaleen oo Habeen ho re lagu Qabtay M/Cl eveland ee G/OHIO ee dalka Mareykanka ayaa lagu Calee mosaaray Donald Trump. Xisbiga Jamhu uriga ee Waddanka Mareykanka ayaa kulanka ku caleemmosaaray Donald Tr ump inuu noqdo Mur ashaxooda ku metel eyo Doorashada Madaxweynaha ee Da lka Mareykanka ka dhici doonta Bisha November ee Sannadkan 2016ka.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeey ay, iyadoo Tageerayaasha Musharrax Do nald Trump ay farxad ka muujinayeen go obta Munaasabaddu ka dhacday, waxay na ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageer ayaan Trump. Sidoo kale, Dadweyne kala duwan oo goobta ka hadlay ayaa khud booyinko oda diirada ku saaray waxa laga filan karo Murashax Donald Trump iyo isbeddelka uu kusoo kordhin karo Marey kanka haddii uu ku guleysto Doorashada madaxdatinimo Mareyanka.

Duqii hore ee M/New York, Rudolph W.Giuliani oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baa han yahay in shacabka Mareykanka ay mideysnadaan, wuxuuna dhanka kale ku amaanay booliiska dalka Mareykanka hawsha ay hayaan, isagoo carabka ku dhuftay in looga baahan ya hay inay shacabka Mareykanka midab ku kala soocin, balse ay badbaadiyaan.

Murashax Donald Trump, ayaa Munaa sabada kusoo dhaweeyay xaaskiisa oo uu ku sheegay inay tahay Marwada 1aad ee dalka Mareykanka ee la filayo dhaw aan marka ay doorashadu dhacdo Nove mber ee Sannadkan 2016ka. Ugu dambe yn, Marwada Donald Trump oo lagu Mag acaabo Melania Trump ayaa xustay in od aygeeda uu yahay Hoggaamiya Cajiib ah, isla markaana Niyadjabin weligiis, iyadoo ka Codsatay Dadweynaha Mareykanka in ay kalsooni buuxda ku qabaan Trump, is la marka ana ay codkooda siiyaan.

MD.ERDOGAN: WAXAAN DIYAAR U NAHAY INAAN SOO CELINO CIQAABTA DILKA

Ka dib afgambigii dhicisoobay ee la is ku dayay maalmo ka hor dalka Turkiga, madaxweynaha dal kaa Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dimoqraadiya du u baahan tahay in ciqaabtaa lasoo cel sho. Wuxuu Erdogan intaa ku daray in ciq aabtaa durba lasoo celin doono hadii sha cabku doono barlamankuna uu ansixiyo.

Asagoo meel fagaare ah ka hadlaayay habeen hore ayaa wuxuu sheegay Erdog an in dalka Turkigu yahay dal dimoqraadi ah oo xukunka sharcigu uu ka shaqeeyo. Baarlamaanka dalkaa ayaa xu bnihiisu ku lmayaan beri si ay arinkaa uga doodaan. Sanadkii 2004, ayaa dalkaa ciqaabta di lka laga mamnuucay ka dib markii la sa meyay isbaddalo si loogu ogolaado inuu ku biiro Midowga Yurub.

WASIIR SACAD: HAY'ADDA NILE ACAD EMY HADDII AYSAN SHACIGEENNA JABIN MA CAYRIN DOONNO

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegt ay in aanay wadanka ka saari doonin Hay’adda Nile Aca demy oo dugsi waxbar asho ku leh magaaladda Hargeysa, Ha y’addaasi oo xukuumadda Turkiga ku eed eysay inay lug ku lahayd Inqilaabkii fashi lmay ee maalmo ka hor ka dhacay wad ankaasi. Hay ’adda Nile Academy oo laa mo ku kala leh Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa qaybteedii Muqdisho daw lada Soom aaliya ku amartay in muddo toddoba ci sho ah dalka kaga baxaan, maadaama oo uu madaxweynaha Turkiga dalbaday in haya’daasi Soomaaliya laga saaro, waxa ana hay’adaasi iska leh wadaadka sida weyn isku hayaan madaxweynaha TurkI ga ee magaciisa la yidhaa Sheekh Fetxu llah Gulen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga caalamiga ah Somaliland Dr: Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in hay’adaasi Ni le Academy aanay dalka dhibaato ka ga lin, isla markaana sabab dalka loo ga ery aa aanay jirin, haddii ay dambi ka gash ana maxkamadaha dalku go’aanka soo saari lahaayeen jogitaanka wadanka.

"Innagu waxaynu nahay wadan sharci leh,cidii sharciga jabisana waxa la ma rinayaa waxuu sharcigu ku yidhaahdo. Umadd sharci ku dhaqanta ayaynu nahay cidna dhibaatayn mayno ilaa ay sharcige ena jabiyaan, hadii ay jabiyaana maxkam ada ayaa go’aamin doonta waxii laga ye eli lahaa. Nile Academy hadii aanay sharc igeena jabin oo aanay dambi inaga galin kama eryi karno wadank eena. Kumana tacadiyi karno, inaga Somaliland baa in ala yidhaahdaa ee somaliya la inama yidh aahdo, soomaliyana teeda aya khuseysa ee teenu ma khusayso”ayuu yidhi wasiir Sacad oo warba ahinta la hadlay.

Hay’adan Nile ayaa dugsi waxbara sho ku leh magaaladda Hargeysa, isla ma rkaana waa hay’ad laga leeyahay Turk iga, iyadoo qaybteeddii Muqdisho ku taall ay ay dawladda Somaliya ka mamnuuc day wadankeda.Sidoo kale, Md.Sacad ay aa cambaareeyey inqilaabkii ka dhacay Turkiga, isla markaana sheegay inuu ah aa mid foolxumo ah oo dumiqraadiyadda ka hor imanaysa in Madaxweyne loo door tay si dimuquradiyad ah la isku dayo in la afgambiyo. Qorsho ciidan taasi ma ahan wax si sahal ah lagu qaadan karo

TALIYE CUSUB OO LA WAREEGAY HOGAANKA CIIDAMADA AMISOM EE DALKA SOOMAALIYA

Gen. Cismaan Nuur Subagle ayaa la wareegay hogaanka ciidamada AMISOM ka dib markii la be delay taliyihii hore Gen. Jonathan Rono. Jan.Subagle taliyaha cu sub ee AMISOM ayaa kulan la yee shay wakiilka M/Afrika ee Soomaaliya ahna tal iyaha guud ee howlgalka M/Afrika danjire Francisco Caetano Madeira,iyagoo shee gay in isbedelkaan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka AMISOM.

"Jan. ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka AMISOM dib u eegis lagu sa meynayo sanadk an 2016 waan ku farax sanahay kulanka aan la yeeshay iyo wad ahadalkeenna, Hadda fikradda how galka waxay gashay xoog, hirgelinteedana wax aa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yaha,” ayuu yiri danjire Madeira.

Wuxuu xusay in howlgalka uu diiradda saari doono xaqiijinta ammaanka go obaha lagu qaban do ona doorashada So omaaliya, taas oo taliyaha cusub uu u lah aan doona dareen dhow isla markaana uu ku bixin doona hogaanka looga baah an yahay si arintaas loo xaqiijiyo.

Jan. Cismaan Nuur Subagle, ayaa u dhashay dalka Djibouti isagoo soo noqd ay madaxa AMISOM ee qeybta difaaca in tii u dhaxeysay 20122013kii,waxaana Danjire Madeira uu u rajeeyay janaraal Subagle guul

MD.KALIIL OO LOO MAGACAABAY WASIIRUDOWLAHA AMAANKA M/MULKA JUBBALAND

Wareegto kasoo baxday Madaxtoyada Jubaland isla markaana uu ku saxiixnaa Md.Axmed Max'ed Islaam Madaxweeyna ha Jubaland ayaa wasiiru dowlaha wasaa radda amniga Jubaland loogu maga caab ay Gudoomiyihii hore ee G/Gedo Md. Ma x'ed Cabdi Kaliil. Madaxweeynaha ayaa wareegtada ku sheegay in ka dib tashiyo uu la sameeyay kuxigeennadiisa iyo gudo onka baarlamanka uu go'aa nsaday in uu xilkaasi u magacaabo Max'ed Cabdi Kal iil, isagoo sheegay in uu ku kalsoonahay kartida iyo aqoonta masuulkaasi.

Md. Kaliil oo ka mid ahaa siyaasiyiintii dhaliilsanayd hannaanka lagu dhisay Jub aland ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii reer Gedo ee wax ka saxiiixay heshiiskii dhex maray maamulka Jubaland iyo dhina cya dii kasoo horjeeday ee lagu kala saxiixd ay M/Kismaayo bartamihii bishii March ee sanadkan.

Masuulkan ayaa haatan ku sugan M/ Kismaayo oo uu dhawaan soo gaaray.

Axmed Madoobe ayaa hore ugu dhawaaq ay golihiisa wasiirada, walow uu shaaciy ay inay jiraan xubno ka dhiman xukuuma ddiisa oo uu dib kasoo magacaabi doono.

15.000 OO MACALIMIIN TURKI AH OO SHAQADII LAGA ERYAY KADIB MARKII LAGU EEDEEYAY INAY TAAGEERAAN GULAN

Inka badan 15,0000 oo isugu jira macalimiin iyo shaqaalaha ka shaqeeya goobaha waxba rashada dalka Turkiga ayaa shaqadii laga eryey sababo la xiriira afgambigii dhicisoobay ee dhowaan ka dhacay dalka Turkiga.

Wasaarada Waxbarashada dalka Turkiga ayaa ku eedeysay shaqaalahan inay xiriir la leeyihiin wadaadka musaafuriska ku jooga dalka Maraykanka ee Fethullah Gulen kaasoo ay dowlada Turkiga ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii jimcihii la soo dhaafay ee fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga, iyadoo uu Gulen beeniyay inuu ka dambeeyay afgambigan.

Wararka kale ee ka imanaya dalka Turkiga ayaa tilmaamaya in guddiga waxbarashada sare ee Turkiga uu amray in shaqada laga joojiyo illaa iyo 1,500 oo ah hormuudyada jaamacadaha dalka Turk iga.Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yildririm ayaa ku hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono dadka taageera wadaadka Gulen.

"Waan ka xumahay in ay tan dhacdo balse ururkan oo la mid ah ururada argagaxisada mar naba kuma yeelan doonaan dalkeena xarumo shaqeeya,”ayuu yiri Mr Yildirim oo u waramayay waka alada wararka ee Reuters.

"Xididada ayaan u siibaynaa si uusan ururkan argagaxisada ah u qaldin bulshadeena mar kale.”ayuu sii raaciyay Ra’iisal wasaaraha Turkiga.

Ciidamada milatariga, Booliska, garsoorayaasha maxkamadaha iyo shaqaalaha rayidka ah ay aa la bartilmaameedsaday kadib afgambigi dhicisoobay ee Jimcihii ka dhacay dalka Turkiga. Askar tiradeoda lagu sheegay inay gaareyso 6,000 ayaa la xirey iyadoo inkabadan labaaatameeyo jeneralo ah ay sugayaan maxkamad. Sidoo kale sagaal kun oo ah ciidamada Booliska ayaa shaqadii laga eryey waxaana xayiraad lagu soo rogay illaa saddex kun oo xaakimiinta maxkamadaha ah.Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in laga eryay shaqaale gaaraya 250 xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga. Hay’ada u qaabilsan sharciyada warbaahinta dalka Turkiga ayaa ruqsada kala noqotay illaa iyo 24 idaacadood iyo kanaalo TV ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan saar la lahaayeen Mr Gu len. Jamciyada Qurumaha ka dhexeysa ayaa ugu baaqday dowlada Turkiga inay ilaaliso sharciga ayna dhowrto xuquuqda aadanaha marka ay ka jawaabeyso afgambiga dhicisoobay.

BOGGA CAYAARAHA

JUVENTUS OO ISKA DIIDAY DALABKII UGU HOREEYAY EE MAN UNITED KASOO GUDBISO PAUL POGBA MUXUUSE KU FAKARAYAA WAKIILKIISA MINO RIOLA

Manchester United ayaa ka war heshay diidmada dalabkii bilowga ahaa ee ay ka gudbiyeen Paul Pog ba kaas oo gaarayay 100ka Malyan Oo pound sida ay warineyso The Guardian.

Red Devils ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa 23jirka khadka dhexe uga ciyaara Juventus, ka dib markii Madrid ay isaga baxday tartanka, kana dhawaajiyay ineysan la tartami karin kooxdaan ka dhisan Premier Leaguega.

Si kastaba Juventus ayaa baab’isay dalabkii ugu horeeyay ee rasmi ah kaas oo laga soo gu dbiyo xidigaan reer France.

Ed Woodward ayaa la kulmay agaasimayaasha Juventus Giuseppe Marotta, Fabio Paratici iyo sidoo kale wakiilka Paul Pogba (Mino Riola) talaadadii si uu arinta heshiiska ugala hadlo, balse Juve ntus ayaa si rasmi ah ugu sheegtay dhigeeda United iney doonayaan qiimo ka badan dalabka ay soo gudbiyeen.

Si kastaba wargeysyada ayaa ku waramay in kooxda difaacaneysa horyaalka Serie Ada, ay do oneyso 100 Malyan iyo lacago gunno ah oo gaaraya 8 Malyan Oo Pound, halka dalabkii bilowga ahaa ee 100-ka Malyan ay ku jirtay 13 Malyan Oo Gunno ah.

Heshiiska wuxuu u muuqdaa mid dhici kara, iyadoo Mino Riola uu doonayo inuu Paul Pogba dib ugu celiyo England, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis shan sano ah oo uu isbuucii qaadan doono 250,000 kun oo pound.

NATIIJOOJINKA KULAMADA SAAXIBTINIMO EE LA CIYAARAY SHALAY IYO XALAY

Monaco 1 3 Zenit St. Petersburg

Slovacko 2 2 West Ham United

Ural 0 2 Amkar

Arminia Bielefeld 2 0 Rizespor

Nacional 2 1 Estoril

Union Berlin 1 3 Watford

Karlsruher SC 1 0 Istanbul Basaksehir

Achilles 29 5 1 NEC Nijmegen

SC WanneEickel 0 13 Schalke 04

Heracles 2 0 Sportfreunde Lotte

Luzern 1 2 Schaffhausen

Real Union 0 1 Eibar

Westerlo 1 1 ZulteWaregem

Antwerp 1 4 St.Truiden

Basel 3 3 Wolfsburg

AD Fafe 1 1 Sporting Gijon

Oldham Athletic 1 3 Preston North End

Orleans 1 3 Angers

Real Betis 2 1 Middlesbrough

Sparta Prague 0 0 Fenerbahce

St.Johnstone 2 0 Bradford City

Forress Mechanics 1 3 Inverness CT

Mansfield Town 0 1 Hull City

Morecambe 1 1 Burnley

Kidderminster Harriers 0 2 Burton Albion

Northampton Town 1 1 Queens Park Rangers

Brighton & Hove Albion 0 3 Fulham

Cheltenham Town 1 3 Barnsley

Port Vale 0 2 Nottingham Forest

Rochdale 1 1 Blackburn Rovers

Shrewsbury Town 1 0 Birmingham City

Swindon Town 1 2 Reading

Walsall 1 1 Birmingham City

Oxford United 1 2 Leicester City

Wycombe Wanderers 1 1 Brentford

Famalicao 1 2 Braga

Santa Fe 1 2 Sevilla

Vancouver Whitecaps 2 2 Crystal Palace

Real Salt Lake 1 2 Inter

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip