Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay Gobolka Sanaag

0
Monday July 18, 2016 - 18:42:46 in Wararka by
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay Gobolka Sanaag

    Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Booda-Cad oo 30-KM u jira degmada Dhahar uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Booda-Cad oo 30-KM u jira degmada Dhahar uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaarooyin kala duwan, inkastoo aanay jirin faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha dagaalka.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Somaliland Ismaaciil Shaqalle ayaa ku eedeeyay in Ciidamada Puntland ay saaka weerar ku soo qaadeen fariisimahooda, isla markaana weerarka ku jebiyeen.

Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay ka qabsadeen saddex gaari, isla markaana gacanta ku hayaan lix Maxbuus oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Somaliland ayaa lagu magacaabaa Maxamed Faarax Canjeex.

 

Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaano u dhaxeeya Xiingalool iyo Dhahar, waxaana deegaanada Sanaag Bari ay Somaliland ka wadaa diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada sanadka soo socda ka dhici doonta Somaliland.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa u dhaxeeya muran la xiriira dhinaca deegaanada Sool iyo Sanaag oo mdiba midka kale sheeganayo inuu maamulkiisa hoos-yimaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip