Mareykanka oo iska fogeeyay inuu ku lug lahaa isku daygii Afgambiga ee Turkiga

0
Monday July 18, 2016 - 13:26:22 in Wararka by
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo iska fogeeyay inuu ku lug lahaa isku daygii Afgambiga ee Turkiga

    Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa iska fogeeyay wararka dhinaca Turkiga ka soo duul duulayay ee ku saabsan in Mareykanka ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee jimcihii ka dhacay dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa iska fogeeyay wararka dhinaca Turkiga ka soo duul duulayay ee ku saabsan in Mareykanka ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee jimcihii ka dhacay dalka Turkiga.

John Kerry ayaa cambaareeyay fikradaha ku saabsan inay ku lug lahaayeen afgambigaas fashilmay, waxaana uu ku tilmaamay in hadaladaas ay yihiin kuwo mas’uuliyad darro ah.

"Waxaa u maleyneynayaa in tani ay tahay Mas’uuliyad darro in Mareykanka lagu eedeeyo in Afgambigaas ku lug lahaa, waana hadal xaqiiqda ka fog”ayuu yiri John Kerry.

Mr Kerry ayaa sheegay in Mareykanka oo lagu eedeeyo isku dayga afgambi ee fashilmay ay tahay mid dhaawici karta xiriirka labada dal.

Sidoo kale John Kerry ayaa sheegay in aanay jirin cod rasmi ah oo uga yimid dowladda Turkiga oo ku aadan musaafurinta Fethullah Gulen.

Wasiirka Shaqada ee Turkiga Suleymaan Soylu ayaa Sabtidii ku eedeeyay Mareykanka inay ka dambeysay isku daygii afgambiga ee dhicisoobay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inay ku soo wareejiso wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo ku nool Gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Wadaadkan ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay afgambigaas, hase ahaatee waxaa uu iska fogeeyay eedeyntaas.

Dowladda Turkiga ayaa illaa lix kun oo isugu jira Saraakiil iyo ciidan u qab qabatay afgambigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip