Turkiga oo la sheegay inuu qabtay Sarkaalkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay (Daawo Sawirada)

0
Monday July 18, 2016 - 13:21:01 in Wararka by
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo la sheegay inuu qabtay Sarkaalkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay (Daawo Sawirada)

    General Akın Öztürk, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee habeenkii Jimcaha gilgilay guud ahaanba dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General Akın Öztürk, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee habeenkii Jimcaha gilgilay guud ahaanba dalka Turkiga.

Sida ay qoreyso Warbaahinta Turkiga, ayaa waxay Taliyihii hore Ciidamada Cirka Turkiga ay ku sheegtay in uu yahay ninkii soo abaabulay afgambiga la doonaayay in kursiga looga tuuro Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

General Akın Öztürk oo hadda hawlgab ahaa, ayaa maalin ka hor waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ammaanka, waxaana hadda lagu hayaa xabsi aan la sheegin, iyadoona lagu wado in sharciga la horkeeno.

Saraakiisha iyo dadka kale ee loo xir xiraayo afgambigan, ayaa isa soo tareysay labadii maalmood ee ugu dambeysay. Dadka la xir xiray waxaa ku jira ganacsato lala xiriirinaayo afgambigaasi.

Madaxweyne Erdoğan waxaa uu wacad ku maray in la soo qab qaban doono kuwii soo maleygay afgambiga dhicisoobay, ayna horkeenayaan cadaaladda, si sharciga loogu qaado.

Turkiga waxaa ka soconaaya baacsiga loogu jiro xubnihii soo abaabulay afgambigan, waxaana hadda xabsiga la dhigay sideed kun oo qof oo falkaasi lala xiriirinaayo.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Bekir Bozdag, ayaa Axadii xaqiijiyay inay korortay dadka loo soo qab qabanaayo isku dayga afgambi, waxayna tiradooda gaartay buu yiri sideed kun oo qof.

Wasiirka, ayaa ku goodiyay inay sii socon doonto qab qabashada, si cadaaladda loo horkeeno kuwii ka masuulka ahaa qalalaasaha habeenkii Jimcaha ka dhacay dalkaasi.

Akın Öztürk2Akın Öztürk3Akın Öztürk5Akın Öztürk6Akın Öztürk7Akın Öztürk8Akın Öztürk9Akın Öztürk91Akın Öztürk92Akın Öztürk93Akın Öztürk94Akın Öztürk95




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip