KULAN LOOGA HADALAYEY SOO NOOLEYNTA NAADIGII MADBACADDA QARANKA SOOMAALIYEED OO SHALAY LAGU QABTAY WASAARADDA WARFAAFINTA SOOMAALIYA

0
Monday July 18, 2016 - 12:13:37 in Wararka by
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULAN LOOGA HADALAYEY SOO NOOLEYNTA NAADIGII MADBACADDA QARANKA SOOMAALIYEED OO SHALAY LAGU QABTAY WASAARADDA WARFAAFINTA SOOMAALIYA

    Kulan ay la yeesheen masuuliyiinta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska soomaaliya ciyaartooydii hore ee wakaaladda madbacadda Qaranka Qaar ka mid ah kulankaas oo uu soo Abaabulay Mareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed Md.Muxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay la yeesheen masuuliyiinta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska soomaaliya ciyaartooydii hore ee wakaaladda madbacadda Qaranka Qaar ka mid ah kulankaas oo uu soo Abaabulay Mareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed Md.Muxamuud Maxamed Juun ayaa shalay ka dhacay xarunta wasaarada warfaafinta soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Md.Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Md.Cabdullaahi Colaad Rooble, Maareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka Md.Maxamuud Maxamed Ju un,Aagaasimaha,Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA , Md.C/raxmaan Yuusuf Sheekh {Al-Caddaalla} ,Laacibiintii hore  ee Ciyaartowda Wakaalada Madbacadda Qaranka Qaarka Soomaaliyeed qaar  mid ah iyo Masuuliyi in kale.

Kulankaa ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayey dib u yagleelidda Naadiga Madbacaada oo ahaa naadiyada 10-ka ahaa ee berisamaadkii dalka Soom aaliya ka jiray waliba kuwooda ugu cad-caddaa oo wacdaraha ka dhigi jiray Dalka iyo dibaddaba oo laacibiin magac weyn lehna ay ah ka mid aayeen ha se yeeshee burburka dalka uu saameynta weyn ku yeeshay maadaama muddo 25 sano ah ay ka maqnaayeen saxada ciyaarah dalka soomaaliya ay keen ta in maanta dib in loo dhidbo loo doonayo .

   Waxaana Maareeyaha Wakaaladda Madbacada Qaranka uu ka codsayaday in Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta ay dhiirrigeliso sidii ciyaartoydii magaca Wakaaladda Madbacadda  Qaranka Noocyadooda kala duwan ku ciyaari jiray in dib loo soo nooleeyo iyadoo naadiyada dalka haatan ay kuwii hore qaar ka mid ahi laga hirgeliyey dalka, waxaana ka Ma dbaco ahaan aan u baahanahay in shaqaalaha wakaaladda iyo isboortiganba howlihii Qaranka ugu qeyb qaataan.

     Waxaana masuuliyiinta wasaradda warfaafinta soomaaliya ay sheegen in arrimahaasi ay yihiin kuwo loo baahan yahay wasaradduna ay karaankeed qeybaha kaga aaddan ka qadan doonto loona baahan yahay in wixii loo baahan yahay ee la heli karo aana laga hagran doonin sidaasina waxaa yiri Md. Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo ah wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska .

     Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Md. Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa isagana sheegay in baahida isboorti ee dalka qeybta wasaaradda ku leedahay ay buuxin doonto insha allaah waxaan loo baahan yahay ciyaartooy magaca iyo sharafta wasaradda difaacda in la helo waxaa na uu ku booriyey inay baahida laga ma maarmaanka u ah ee la heli karo sida wasiirku sheegay in aana ka wasaarad ahaan u sameyn doono Naadiga wakaaladda madbacada Qaranka

      dhinaca kale Waxaa kulankaa  ka hadlay  oo u  soo gudbiyeen bahiyaha isboorti ee loo baahan yahay ay tahay mid badan hase yeeshee haatan kuwa lama maarmaanka ahi ay yihiin garoomo, qalab, gaadiid, Mushaar iyo xero iyadoo hadalkaasi uu soo   jeediyey Macallinka Wakaaladda Madbacad da Qarnka u magacowday Md. Cabbeey Xaaji Abuukar oo ahaa difaacyada adag ee aan la mari Karin ee naadigii MBC/CLUP ahna ruug cayadayaasha isboorti ee dalka mid ka mid ah.

           Dhinaca kale Isagoo sheegay in ci yaartoyda bedesli karo Naadigii hore oo sumacd dalka ku yeelanta aan ka soo saari doono isnah allaah waxaa na kulankaa uu ahaa kii ugu horeyey oo wasaarada la yeelato ciyaartowda Madbacada Qaranka iyadoo kulamo kalena ay yeelan doonaan marar kale sida kulnaka ay ka sheegeen masuuliyiinta wasaradda warfaafinta 

Image result for LA CADAALA IYO C/LAAHI COLAAD ROOBLEImage result for wasiir maareeye


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip