Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame oo marti gelinaya shirka iyo Madaxweynaha Chad Idiris Debi oo haya shir-guddoonka ayaa noqday Madaxweynayaashii u horeeyay ee qaata baasaboorka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Dlamini Zuma ayaa sheegay in baasaboorkan uu ujeedadiisa tahay sidii isdhex galka qaarada lagu xoojin lahaa.
Baasaboorka ayaa qorshuhu yahay in dhamaan 54 Madaxweyne ee shirka ka qeyb galaya loo qeybiyo, waana ay meel marin doonaan.
Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa diirada lagu saarayaa colaada ka soo cusboonaatay Koofurta Sudan, waxaana Madaxda Midowga Afrika lagu wadaa inay isku raacaan ciidamo loo diro dalkaas, si ay u bad baadiyaan dadka rayidka ah.
Waxaa kaloo la qaban doonaa qofkii bedeli lahaa Guddoomiyaasha Guddiyada Midowga Afrika, waxaana u taagan dhowr musharaxiin..
Midowga Afrika ayaa horay ugu guuldareystay dhaqan gelinta qorshayaal kala duwan sida in Qaarada yeelato hal lacag, ganacsi isu furan iyo siyaasad mideysan, inkastoo rajo laga muujinayo dhaqan gelinta baasaboorka cusub ee Qaaradda oo dhan ay yeelaneyso.
Afrika oo yeelatay Hal Baasaboor ka dhaxeeya (Sawirro)
Afrika ayaa yeelatay baasaboor cusub oo ka dhaxeeya Qaaradda oo dhan, kaasoo qorshuhu yahay in la siiyo dadka ka soo jeeda qaarada, kadib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.