Durban oo uu ka dhacayo shirka AIDS-ka

0
Monday July 18, 2016 - 11:34:40 in Wararka by
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Durban oo uu ka dhacayo shirka AIDS-ka

    Wufuud tiradooda lagu qiyaasay 18,000 oo qof ayaa ka qeybgalaya shir caalami ah oo looga arrinsanayo cudurka AIDS-ka, kaasoo maanta ka furmaya magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wufuud tiradooda lagu qiyaasay 18,000 oo qof ayaa ka qeybgalaya shir caalami ah oo looga arrinsanayo cudurka AIDS-ka, kaasoo maanta ka furmaya magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika.

16 sano ka hor ayaa shirweyne caalami ah oo looga hadlayo AIDS-ka uu ka dhacay dalka Koonfur Afrika, waxaana xilligaasi ay madaxdii dalkan diidanaayeen in uu xiriir ka dhexeeyo cudursidaha HIV iyo xanuunka AIDS-ka.

Balse hadda waxaa Koonfur Afrika ku yaalla mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee lagula tacaalo cudurkaasi, waxaana sii yaraanaysa tirada carruurta dhalata iyaga oo qaba xanuunkan.

Sidaa oo ay tahayna, qof ka mid ah shantii Koonfur Afrikaan ah ayaa la nool cudursidaha HIV, waxaana maalin waliba uu ku dhacaa dad ka badan kun qof.

Guud ahaan caalamka marka la eego, waxaa jira hormar laga sameeyay xakameynta cudurka, inkastoo ay qabaan 36.7 milyan oo qof.

Ka qeybgalayaasha shirkan ayaa shanta maalmood ee soo socota ka hadli doona qaabka dadka loogu dhiirigelin karo in ay cudurka AIDS-ka iska baaraan iyo in kuwa qaba ay qaataan dawooyinka kaalmaatiga ah.

Kooxaha u ololeeya la dagaallanka AIDS-ka ayaa qorsheynaya in ay dibed bax weyn ka hordhigaan madasha shirka, iyaga oo dalbanaya in la kordhiyo kharashka lagu bixiyo la dagaallanka cudurkaasi. BBC,COM SOMALI




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip