Wardiile wuxuu u dhaw yahay Deegaanka Awdiinle oo Qiyaastii Magaalada Baydhabo u jira ilaa 25-KM, waxaana xalay si aad ah looga maqlaayay dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada ay isweydaarsanayeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen dagaalkaasi ay soo qaadeen Shabaabka, islamarkaana ay dileen dagaalyahano ka tirsan Shabaabka.
Saraakiisha ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 4 Askari oo Shabaabka ka tirsan, islamarakaana ay qabsadeen hubkii ay wateen Afartaasi Askari.
Dhinaca ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa la sheegay in hal Askari uu ku geeriyooday dagaalkaasi, islamarkaana aysan jirin waxyeelo kale oo dagaalka ka dhashay.
Xaalada Deegaanka War diinle ayaa ah saaka mid degan, waxaana jooga ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom oo duleedka degaankaasi howlgalo dhanka amniga ah ka wada.
Wararkii ugu dambeeyay dagaal u dhaxeeyay Shabaab iyo ciidamada Huwanta oo ka dhacay Baay
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda, Amisom iyo Shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay Deegaano hoostagga Degmada Baydhabo.