Ra'iisul wasaaraha Xukuumada oo cutubya katirsan ciidanka xooga u soo xiray tababar

0
Monday July 18, 2016 - 11:10:49 in Wararka by
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumada oo cutubya katirsan ciidanka xooga u soo xiray tababar

    Ra'iisul wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar u soo xiray cutubyo kamid ah ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar u soo xiray cutubyo kamid ah ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gacan ka geysatay tababarkooda.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Taliyayaasha ciidanka qalabka sida iyo xubno kamid ah golaha wasiirada.

Taliyaha Ciidanka Xooga S/G Maxamed Aadan Axmad oo ka hadlay Xaflada ayaa sheegay in ciidankan ay waxbadan ku soo kordhin doonaan xooga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay kor u qaadi doonaan tayada ciidanka iyo weerarada ka dhanka ah kooxa argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay uga go’antahay dhisida ciidanka xooga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo soo xiray munaasabada ayaa u hambalyeeyay ciidanka tababarka u xirmay isagoona kula dardaarmay iney dalkooda u shaqeeyaan.

"Waxaan idiin kula dardaarmayaa inaad gudataan waajibaadka idiin saran ee aad ku dhaarateen islamarkaana aad dalkiina ka difaacdaan argagixisada, muhiim ayaad u tihiin dadka Soomaaliyeed waxeyna idinka sugayaan inaad u hiilisaan”

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowlada Imaaraadka Carabta isagoona sheegay iney leeyihiin hal cadow oo ka soo horjeeda dowladnimada iyo nabada.

----DHAMAAD----



 
1px



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip