WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA LUULYO 2016-KA

0
Monday July 18, 2016 - 10:41:08 in Wararka by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA LUULYO 2016-KA

    KULAN LOOGA HADALAYEY SOO NOOLEYNTA NAADIGII MADBACADDA QARANKA SOOMAALIYEED OO SHALAY LAGU QABTAY WASAARADDA WARFAAFI NTA SOOMAALIYA Kulan ay la yeesheen masuuliyiin ta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska soomaaliya iyo ciyaarto oydii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KULAN LOOGA HADALAYEY SOO NOOLEYNTA NAADIGII MADBACADDA QARANKA SOOMAALIYEED OO SHALAY LAGU QABTAY WASAARADDA WARFAAFI NTA SOOMAALIYA Kulan ay la yeesheen masuuliyiin ta wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska soomaaliya iyo ciyaarto oydii hore ee wakaaladda madbacad da qaranka Qaar ka mid ah oo uu kaa soo uu soo Abaabulya Mareeyaha wa kaaladda Madbacadda Qaranka Soo maaliyeed Md.Maxamed Maxamuud Juun ayaa Shalay ka dhacay xarunta wasaarada warfaafinta soomaaliya ee magaalda muqdisho.

Kulankaa ayaa waxaa ka soo qe yb galay wasiirka wasaarada warfaafi nta soomaaliya Md.Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Ku xigeenka wasaarada warfaafinta soomaaliya Md.Cabdullaahi Colaad Rooble, Maa reeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka Md.Maxamed Maxamuud Ju un,Aagaasimaha,Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA , Md.C/ra xmaan Yuusuf Sheekh { Alcaddaalla} Laacibiinta Wakaalada Madbacadda Qaranka Qaarka mid ah iyoMasuuliyi in kale.

Kulankaa ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayey dib u yagleelidda Naad iga Madbacaada oo ahaa naadiyada 10ka ahaa ee barisamaadkii dalka Soomaaliya ka jiray waliba kuwooda u gu cada cad oo wacdaraha ka dhigi jir ay laacibiin magac weyn lehna ay ah aayeen hase yeeshee burburka dalka uu saameynta weyn ku yeeshay maa daama muddo 25 sano ah ay ka ma qnaayen saxada ciyaarah dalka soom aaliya ay keenta in manta dib in loo dhidmo la doonayo .

Waxaana Maareeyaha Wakaalad da Madbacada Qaranka uu ka cod sa yaday in Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta ay dhirigeliso sidii ciyaar toowdii magaca madbacada noocyad ooda kala duwan ku ciyaari jiray in dib loo soo nooleeyo iya doo naadiya da dalka haatan ay kuwii hore qaar ka mid ah laga hirgeliyey dalka ka Ma dbaco ahaan aan u baahanahay in shaqaalaha wakaala dda iyo isbo ortiganba howlihii qaranka ugu qeyb qaataan.

Waxaana masuuliyiinta wasaradda warfaafinta soomaaliya ya sheegen in arrimahaasi ay yihiin kuwo loo baahan yahay wasaradduna ay karaankeed qeybaha kaga aadan ka qadan doonto loona baahan yahay in wixii loo baah an yahay ee la heli karo aana laga ha gran doonin sidaasina waxaa yiri Md. Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo ah wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaq anka iyo dalxiiska .

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Md. Cabdullaa hi Colaad Rooble ayaa isagana sheeg ay in baahida isboorti ee dalka qeybta wasaaradda ku leedahay ay buuxin do onto insha allaah waxaan loo baahan yahay ciyaartoow magaca iyo sharafta wasaradda difaacda in la helo wax aa na uu ku booriyey inay baahida lag ama maarmaanka u ah ee la heli karo sida wasiirku sheegay in aana ka was aarad ahaan u sameyn doono naadi ga wakaaladda madbacada qaranka

Halkaa ka soo gudbiyeen bahiyaha isboorti ee loo baahan yahay ay tah ay mid badan hase yeeshee haatan kuwa lama maarmaanka ahi ay yihiin garoomo, qalab, gaadiid, Mushaar iyo xero iyadoo hadalkaasi uu jeediyey Macallinka Wakaaladda Madba cad da Qarnka u magacowday Md. Cabbe ey Xaaji Abuukar oo ahaa difaacyada adag ee aan la mari Karin ee naadigii MBC/CLUP ahna rug cayadayaasha isboorti ee dalka mid ka mid ah.

Dhinaca kale Isagoo sheegay in ci yaartoyda bedesli karo Naadigii hore oo sumacd dalka ku ye elanta aan ka soo saari doo no isnah allaah waxaa na kulankaa uu ahaa kii ugu horeyey oo wasaa rada la yeelato ciyaartowda Madbacada Qaranka iyadoo kulamo kalena ay yeelan doonaan marar kale.

WASIIRADII GALMUDUG EE SHILKA KU DHIMATAY OO LAGU AASAY MAGAALADA GAALKACYO …

Allaha u naxariistee waxaa shalay Magaalada Gaalkacyo lagu aasay laba ka mid ah Golaha Wasiirada ee Maamulka Galmudug, oo xalay ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug.

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Maaliyadda, Axmed C/laahi Diiriye iyo Wasiiru Dowlihii Wasaar adda Hawlaha Guud, Aweys Cali Saciid, ayaa aas ballaaran loogu sameeyay Magaalada Gaal kacyo.

Masuuliyiin uu horkacaayay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa kaga qaybgalay aaska loogu sameeyay Labada Wasiiru Dowle.

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ayaa qoysaska, ehelada iyo dadka reer Galmudug ka ga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid labada Wasiir.

Wasiiradan, ayaa waxaa shilkaan kula dhintay laba qof oo kale, kuwaa oo kala ah Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed (Digsi) iyo mid ka mid ah ilaaladii la socotay Wasiirada.

Gudoomiyaha Deegaanka Saddex Higlo, Maxamed Jaamac Faarax, ayaa waxaa uu sheegay in shilka gaari ay ku dhinteen xubnahan uu yimid, markii uu is iskiis ah uu u qalibmay.

TURKIGA OO SHAACA KA QAADAY IN LIX KUN OO QOF LOO XIRAY AFGAMBIGA FASHILMAY

Dowladda Turkiga, ayaa waxay weli wadaa jawaabta adag ee ay ka bixinayso afgambigii fashil may ee hal habeen ka hor ka dhacay dalkaasi.

Wasiirka Garsoorka Turkiga, Bekir Bozdag, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in lix kun oo qof loo soo qab qabtay afgambiga dhicisoobay, islamarkaana ay wajihi doonaan cadaaladda. Wasiirka, ayaa iclaamiyay in hawlgalka nadiifin ah uu dalka ka socdo, ayna dhici karto in tirada la qab qaban aayo ay ka badato tirada iminka laga warqabo.

"Hawlgal nadiifin ah ayaa socda. Waxaa dhici karta in tirada la qab qabanaayo ay sii kororto.” Ayuu yiri Wasiirka Garsoorka Turkiga oo la hadlay Warbaahinta.

Saraakiisha Militariga Turkiga ka tirsan ee falkaan loo soo qab qabtay waxay ku jiraan gacanta sharciga, sida uu ka dhawaajiyay Wasiirka Garsoorka Turkiga.

Dhanka kale hawlgal gaar ah oo shalay ka dhacay Gobolka Denizli, ayaa waxaa lagu soo xiray 50 askari oo taliye sare uu ku jiro. Hawlgalka waxaa laga sameeyay xero ay deganaayeen ciida madu.

R/WASAARAHA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN KUMANDOOSKA XDS

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ay aa tababar ugu soo xiray magaalada Muqdisho, cutubyo katirsan ciidanka Kumaandooska Soom aaliya, gaar ahaana guutada Danab.

Tababarkan ayaa mudo uga socday ciidanka, waxaana bixinayey tababarka inta uu socday Imaaraadka Carabta, iyadoo cutubyada kamid noqonaya Kumaandooska ay u diyaarsan yihiin difaacida dalka, iyo beegsiga cadowga umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Ra,iisul wasaaraha dalka mudane Cumar C/rashiid oo soo xiray tababarka ayaa halkaasi kula hadlay ciidanka, waxaana marka hore uu ugu hambalyeeyey tababarka ay dhameysteen.

Mudane Cumar C/rashiid ayaa ciidanka u jeediyey in si wadaninimo ay kujirto ay u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

FANAANKA SHAY MIRE DACAR OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA HARGEYSA

Allaha u naxarisitee fanaanka Soomaliyeed ee Shay Mire Dacar ayaa gelinkii dambe ee sha lay ku geeriyooday magaalada Hargeysa isagoo xanuunsanayay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Caabir Mire Dacar oo ay walaalo ahaayeen Shay Mire ayaa u xaqiijiyay saxaafada geerida fanaanka. Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetame eyadii, kaddibna wuxuu u gudbay magaalada Boosaaso.

Hase yeeshee muddooyinkii dambe ayuu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig fane edyo badan ku sameeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.

Heesaha uu caanka ku ahaa fanaanka dadkana ay jeclaayeen ayaa waxaa ka mid ah heesta Wada Noolaadoo Nabad ku waara iyo Bini’aadan baad tahay Bashar kula midaan ahay iyo kuwo kale.

GUDOOMIYE JAWAARI OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JOHANNSEBURG

Gudoomiyaha Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa la kulmay qaar ka mida Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koofur Afrika qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi,

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Ganacsatada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Johannseburg,ayaa goob joog ka ahaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika, Odayaal, Waxgarad, Ganacsato iyo Dhalinyaro matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dadkii lagu casuumay Kulanka ayaa Gudoomiyaha ugu xog waramay xaalad da Soomaalida K/Afrika,waxa ayna ka sheekeyeen dhibaatooyinka iyo horumaradda Soomaalida K/Afrika,gaar ahaan dilalka iyo dhibaatooyinka ka heysta Sharciga. Gudoomiyaha.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya K/Afrika,Danjire Jamal Barrow oo isagane dhan kiisa ka warbxiyay xaalada guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed,waxa uu sheegay inay tahay Jaaliyad u dhiganta Dowladda Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in Jaaliyadda Soomaalida ay taageero mar walba la garab taagantahay Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay K/Afrika,

"Mudane Gudoomiya Soomaalida South Africa waa Dowladda gacanta ku heysa Safaarad da,waa dad deeqsi ah waa dad oo hadii loo baahdo Safaaradda garab taagan taasina dhiiragalin ayay na tusaysaa "ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Ugu dambeyntii Gudooomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed,Mudane Maxamed Sh. Cism aan ( Jawaari) oo ka hadlay kulanka ay Soomaalida ee Johannseburg ku casuuntay ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin Xaaladaha uu dalka marayo,isagoo sheegay in afartii sanno ee lasoo dhaafay Dowladda waxbadan u qabsoomeen hadana uu rajeynayo in horumar weyn laga talaabsado,waxa uu sidoo Ganacsatada kula dardaarmay inay Safaaradooda taageeraan ay gadaan Guri ay Soomaaliya yeelato.

” Waxaan idinku mahadinaa inaad Safaaradda gacanta ku heysaan waxaan ballan idinka qa adaa in aan geeyo Barlamaanka,hadii la awoodo in Guri la gado waan idinku dhiiragalin lahaa”ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiye Jawaari ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed u sheegay in ka Dowladda ahaan K/Afrika kala hadli doonto dhibaatooyinka Soomaalida gaar ahaa Sharciga, Waxa uu ugu dambeyn kula dar daarmay dhalinyarada Soomaaliyeed inay qeyb ka qataan dhisamaha Dalkooda,kulanka ayaa ku soo idlaaday jawwi farxadeed.

AAS LOO SAMEEYAY LABO WASIIR DOWLE IYO NABADOON KA TIRSAN GALMUDUG OO XALAY KU GEERIYOODAY SHIL GAARI..

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa Shalay aas loogu sameeyay Labo Wasiir Do wle iyo Nabadoon ka tirsan Galmudug oo Xalay ku Geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Degaanka Saddex Higle ee Gobolka Mudug iyo askari la socday.

labada wasiir Dowle ee xalay ku geeriyooday Shilka Gaari ayaa waxay kala ahayeen wasiiru dowlaha wasarada howalaha guud iyo dib u dhiska Aweys Cali Saciid Wasiiru dowlaha maaliyada galmudug Axmed C/llaahi Diiriye iyo Nabadoon Cabdulaahi Yuusuf Guleed oo ka mid ahaa Nab adoonada sida weyn looga yaqaano gobolka mudug.

Aaska waxaa ka qeyb galay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ahna kusimaha Madaxweyn aha Maxamed xaashi Carabey wasiiro, xildhibaano iyo shacabka Magaalada Gaalkacyo ee Gobo lka Mudug.

Dr. Beyle oo cashar ku saabsan dhaqaalaha Somalia ka bixiyay Jaamacadda Banaadir

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda dowlada federaalka Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa cashar ku saabsanaa xiriirka dhaqaalaha & dowladnimada ka bixiyey Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku taqasusay cilimiga dhaqaalaha ayaa shahaadada Phd ku diyaariyey Jaamacad ku taalla wadanka Maraykanka, waxaana haatan uu madax ka yahay qeybta mashaariicda ee Bankiga horumarinta Afrika (African Development Bank), isagoo dhinaca ah Suugaanyahan.

Munaasabada dhegeysiga casharkan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray, Wasiiro hore, xildhibaano, howlwadeeno ka socday bankiyada ka jira dalka, maamulka iyo hormuudyada kuliyadaha jaamacadda Banaadir qaarkood, ardayda wax ka barata kuliyadda dhaqaalaha jaamacadan iyo xubno kale.

Hormuudka Kuliyada dhaqaalaha ee jaamacada Banaadir C/raxiin C/qaadir Xasan (Shiil) oo hadal kooban ku furay munaasabada ayaa sheegay in casharada noocan ah ujeedada laga leey ahay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda kuliyadda dhaqaalaha oo uu xusay iney horumar mug weyn ku talaabsatay labadii sano ee ay jirtay, isagoo ardayda soo xaadiray ugu baaqay iney ka faaideystaan.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka waramay kuna dheeraaday xiriirka ka dhexeeya dhaq aalaha iyo dowladnimada, isagoo xusay in dowlad aysan jiri Karin haddii aysan laheyn ilo dhaq aale oo ay ku maareyso waajibaadka iyo howlaha ay umadda u heyso.

"Isha ugu weyn dhaqaale ee dowladi ku shaqeyso waa canshuuraha, haddii aan dowlada canshuur la siinin inaad wax ay qabato iska daaye xitaa ma sii jiri karto” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Waxaa dhinaca kale ka hadlay Somalia oo uu tilmaamay iney ku jirto wadamada ugu dhaqa alaha liita caalamka sababo la xiriira burbur, dagaalo & nidaam la’aan ka jirtay muddo rubuc qarniah

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in dalkeena lagu leeyahay lacag deymo ah oo gaaraya illaa shan bilyan oo dollar, taasoo uu sheegay iney Somalia curyaamisay, kuna weysay dhaqaale fara badan oo ay heli laheyd, wuxuuna xusay in dowlada badan laga dhaafay deymo noocaas ah markii ay buuxiyeen shuruudo ay ku xireen heyada lacagta ee IMF iyo Bankiga aduunka, isagoo tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka jirta ay tahay iyadoo aysan jirin wax Soomaalidu ay heshiis ku tahay, wuxuuna ardayda kuliyada dhaqaalaha u sheegay iney u taallo mustaqbalka dhow shaqo adag oo ku saabsan sare u qaadida maamulka dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhinaca kale si kaftan ah u soo hadalqa aday xanta sheegaysa inuu yahay Suugaanyahan, wuxuuna xusay in isagu uusan aheyn suugaa nyahan buuxa balse ay maansooyin iyo heeso ka soo maaxdaan marka uu qiiroodo uuna arko dhib aatoyinka dalka ka jira, wuxuuna balanqaaday inuu kulamo kale kaga warami doono Suugaantiisa oo u badan kuwo wadani ah, isagoo dhinaca kale si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ay weydi iyeen ardaydii kulankan soo xaadiray.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa uga mahad celiyey Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle casharka qiimaha badan ee uu halkaas ka jeediyey.

"Dr. Beyle oo safar ku soo gaaray Muqdisho runtii isaga ayaa soo dalbaday inuu ardayda Jaa macadda qeybta dhaqaalaha la hadlo, si uu faham guud uga siiyo xaalada dhaqaalaha dalka iyo qaabka looga bixi karo, ugana faa’iideeyo waayo aragnimadiisa shaqo aad baana uga mahad ce lineynaa marar kale oo badana inuu noo yimaado waan ku balanay” ayuu yiri Dr. Dalmar Gudo omiyaha jaamacada Banaadir.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aasasayaasha Jaamacada Banaadir, ahna xildhi baan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ku amaanay Dr. Beyle sida uu u gartay inuu qeyb ka mid ah aqoontiisa uga faa’iid eeyo ardayda jaamacada Banaadir.

"Booqashada uu noogu yimid wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Dr. Beyle si uu ardayda jaa macada ula wadaago aqoontiisa waxay muujineysaa jaceylka uu u qabo cilmiga iyo in ardaydu ka faa’iideystaan Waayo aragnimadiisa aqooneed aad baana uga mahad celinaynaa, amaan fara badan ayuuna naga mudan yahay” ayuu yiri Prof Dufle.

Munaasabada dhegeysiga casharkan oo ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soom aaliyeed Cabdi Abshir Dhoore, wasiirkii hore ee beeraha Somalia Cabdi Axmed Baafo, Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Jamaal Qaasim Mursal, gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Banaadir ahna hormuudka kuliyadda shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacada Dr. C/raxmaan Xasan Cumar, Hormuudka kulliyadda Cilmiga Dhulka & Bay’ada ee Jaamacdda Ben aadir Prof. Cabdulqaadir Abiikar Xuseen iyo xubno kale.

WEERAR KA DHACAY DALKA MAREYKANKA OO LAGU DILAY SARAAKIIL BOOLIS, IYADOO KUWO KALANA LAGU DHAAWACAY

Weerar goor dhow ka dhacay Magaalada Baton Rouge ee Gobolka Louisiana, ayaa waxaa la gu beegsaday Saraakiil Booliska Mareykanka ka tirsan, iyadoona ugu yaraan laba Sarkaal lagu dil ay weerarkaasi, halka shan kalana lagu dhaawacay.

Nin ku hubeysnaa qori nooca darandooriga u dhaca, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday Saraakiishan oo caddaan ahayd, waxaana uu toogashada ka dib ka baxsaday goobtaasi.

Afhayeen Booliska Magaalada Baton Rouge u hadlay, ayaa waxaa uu xaqiijiyay geerida laba da Sarkaal iyo dhaawaca shanta kale, waxaana uu sheegay in lagu raadjooggo dembiilaha.

Inkastoo aanay kala cadayn waxa uu yahay ninka weerarka gaystay, ayaa waxaa hadana loo maleynayaa in uu ka tirsan yahay madowga Mareykanka.

Magaaladaan waxaa laba toddobaad ka hor ay Ciidamada Booliska ku dileen nin madow ah aa, taasoo dhalisay xiisadda cusub ee xilligan ka dhex aloosan madowga iyo caddaanka Mare ykanka.

Nin madow ahaa, ayaa toddobaadkii hore waxaa uu Magaalada Dallas ee Gobolka Texas uu ku laayay Saraakiil Booliska Mareykanka ka tirsan, isagoo ka carooday gacanta adag ay Boolisku ku wajahayaan madowga.

Barack Hussein Obama, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxaa uu toddobaadkii hore be eniyay inay dadka Mareykanka u kala qaybsameen madow iyo caddaan.

URURKA SUXUFIYIINTA MADAXA BANAAN EE JUBBOOYINKA OO HOGGAAN CUSUB DOORTAY

Xaflad lagu dooranayay hoggaanka ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubaland (JIJA) islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen wariyeyaasha madaxa bannaan ee ka howlgala degmada Kismaayo iyo wakiillo ka socday warbaahinta sedexda gobol ayaa lagu qabtay magaalada Kisma ayo

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay ururka saxafiyiinta Qar anka Soomaaliyeed ee NUSOJ, wakiillo ka socday warbaahinta dowlad goboleedka Jubaland, iyo qaar kamid ah wariyeyaasha ka howlgala deegaanada Jubooyinka.

Doorashada hogaanka ururka ayaa waxaa ku loolamayay Khadar Max’uud Xareed iyo Max’ed Qaasim Cali (Waxar), waxaana ku guuleystay Khadar Max’uud Xareed kadib markii Max’ed Qaasim uu shaaciyay in uu u tanaasulay.

C/qaadir C/risaaq Soofe (Jiijiile) Xoghayaha xiriirka gobollada ururka NUSOJ iyo Aadan Max’ ed Salaad (Kismaayo) oo ka tirsan golaha sare ee ururka NUSOJ oo madasha ka hadlay ayaa shee gay in doorashadu ay u dhacday si cadaalad ah, ka urur ahaanna ay soo dhaweeynayaan hogaan ka cusub ee ay warbaahinta Jubaland sameeysatay.

Waxay ballan qaadeen in ay la shaqeeyn doonaan ururka JIJA, waxayna ku booriyeen hogaan ka cusub ee ururka in uu u istaago sidii ay u mideyn lahaayeen warbaahinta sedexda gobol ee Jub aland.

Xasan Nuur Max’ed oo kamid ahaa masuuliyiintii hogaanka usoo qabatay ururka ayaa mada sha ka sheegay in warbaahinta Jubaland ay isku duubantahay, isagoo kula dardaarmay masuuliyiin ta cusub ee ururka in ay ka shaqeeyaan horumarka warbaahinta Jubaland.

Ururka JIJA (Jubaland Independent Journalist Association) ayaa la aasaasay sanaddii 2004, waxaana aasaasay Eebe naxariistii Janno ha siiyee Nasteex Daahir Faarax, wixii xilligaa ka danbeeyayna ururka waxa uu yeeshay hogaan kala duwan.

LAAMAHA AMMAANKA OO LABA NIN KU SOO BANDHIGAY MAGAALADA MUQDISHO ..

Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa waxay shalay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay laba nin oo lagu sheegay inay burcad yihiin, kuwaa oo lagu eedeeyay inay guryaha dadka u dhici jireen, xilliyada habeenkii ah.

Labada nin ee la soo bandhigay, ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay xa afadda 1da Luulyo ee Degmada Yaaqshiid. Waxaana jiray mid saddexaad oo baxsaday, intii uu hawlgalku ka soconaayay xaafadaasi.

Korneyl Maxamed Xasan Faarax, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa ragaasi ku eedeeyay in magaca Hay’adda Nabad Suggida ay dadka ku dhici jireen.

Cabdi Mahad Axmed (Sangaab), Gudoomiyaha Waaxda Luulyo ee Degmada Yaaqshiid, ayaa dhinaciisa sheegay in ragga la qabtay ay iska soo abaabuli jireen dhisme ku yaala xaafadaasi.

Waxaa uu cadeeyay in dembiilayaasha ay falalka dhaca u adeegsadeen qoryo, bistoolado, mi ndiyo iyo wixii lamid ah, waxaase uu mahdiyay in qaarkood gacanta lagu soo dhigay.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu xubnaha la qabtay uu ku eedeeyay inay yihiin kuwo xumeynaya magaca dhalinta soo koreysa.

Xalane waxaa uu bulshada deegaanka uu kaga mahadceliyay doorkooda ku aadan tallaabada lagu soo qabtay labada nin, oo hadda sida uu sheegay u xiran sharciga, lana horkeeni doono cadaa ladda, si loogu qaado waxa ay ka qabto falalkii ay ku hawlanaayeen.

Goobta lagu soo bandhigay labada nin, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay agabyo farabadan oo la sheegay inay ka dhaceen dadka rayidka ah, iyadoo wax ay u kala dhaafayaan aanay jirin. Sida teleefanada gacanta, computero, kaamirooyin, lacag, baasabooro, IDyada aqoonsiga, shahaa dooyin iyo wax kasta oo ay dadku haystaan.

BOGGA CAYAARAHA

JUVENTUS OO DIYAAR U AH IN AY BIXISO LACAGTA 94.7 MILYANKA AH EE LAGU BURBURIN KARO HESHIISKA GONZALO HIGUAIN ..

Kooxda Juventus ayaa sare u qaaday hamigeeda ah in ay xili ciyaareedka cusub hesho ade ega xidiga ree Argentina ee Gonzalo Higuain, waxayna Old Lady diyaar la tahay in ay bixiso lac agta lagu burburin karo heshiiska Higuain ee kooxdiisa Napoli. Heshiiska Higuain ayaa lagu burbu rin karaa 94.7 milyan euros.

Labada wargays ee dalka Talyaaniga ka soo baxa ee La Gazzetta dello Sport iyo Corriere del lo Sport ayaa isku raacay in Juventus ay diyaar la tahay lacagta lagu burburin karo heshiiska Higuai n ee Napoli taas oo kooxda Allegri ka caawin karta in ay hesho xidigii goolasha ugu badan xili cyaar eedkii hore ka dhaliyay Serie Ada.

TOPSHOT Napoli's ArgentinianFrench forward Gonzalo Higuain celebrates after scoring his 36-th goal in the season during the Italian Serie A football match SSC Napoli vs Frosinone Calcio on May 14- 2016 at the San Paolo stadium in Naples. Higuain breaks the italian record of 35 scores estabilished in 194950 season by Ac Milan's Swedish forward Gunnar Nordahl. / AFP PHOTO / CARLO HERMANN

Bianconeri ayaa doonaysa in ay saxiixa Higuain ku garaacdo kooxda Arsenal oo iyana doo naysa in ay xidigan ku soo xoojiso kooxdeeda. Higuain ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday ahaa xid igii goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka Talyaaniga isaga oo 36 gool udhaliyay Nap oli.Higuain

Inkasta oo uu madax waynaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis uu sheegay in ayna kooxdiisu iska iibin doonin Higuain, laakiin haddii ay Juventus bixiso lacagta lagu burburin karo he shiiska xidiga ree Argentina kooxda Napoli ayay dhibaato ku noqon kartaa in ay sii hayn karto Higu ian oo haddaba diiday in uu heshiis cusub saxiixo.

LIVERPOOL OO HALKEEDA KA SII WADATA GUULIHII AY KA GAARAYSAY KULAMADA SAAXIIBTINIMO..

Liverpool ayaa gaadhay guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah ee kulamada xili ciyaareedka cu sub ka horeeya waxayna 2:0 ku garaacday kooxda Wigan. Danny Ings iyo da’yarka Ben Woodburn ayaa kooxda Klopp ka caawiyay in ay guushan gaadhaan.Danny Ings iyo Ben Woodburn oo dhaliyay min hal gool ayaa sidoo kale gool dhalintooda xili ciyaareedka ka horaysa ka dhigay min la ba gool.

Liverpool ayaa ciyaaraysay kulankeedii saddexaad ee ay iskugu diyaarinayso xili ciyaareedka cusub. Kadib markii ay labadii kulan ee hore ay soo guulaysatay ayuu markale Klopp sii waday in uu kooxdiisa u diyaariyo xili ciyaareedka 2016/17.Ings

Waxaa kulankan fasixii uu ku maqnaa ka soo laabtay isla markaana shaxda Reds ku soo bil awday Coutinho kaas oo Firmino iyo Sadio Mane qaybtii hore ka garab ciyaarayay. Qorshaha kula mada xili ciyaareedka ka horeeya ee Klopp ayaa ah in uu labada qaybood ee kulamada uu ku ciya aro laba shaxood oo kala duwan si uu ciyaartoy kasta fursad u siiyo.

HALYEEY THIERRY HENRY OO DOONAYA INUU ARSENE WENGER KA BADALO XILKA TABABARANIMO EE ARSENAL

Thierry Henry ayaa qirtay inuu weli ku riyoonayo inuu maalin uun tababare ka noqdo Arsenal.

Halyeeyga Arsenal ayaa ka tagay shaqadiisii tababarenimo ee akadeemiga kooxda Arsenal ka dib markii uu Arsene Wenger kala dooransiiyay inuu shaqada tababarenimo u go’o ama inuu u go’o shaqadiisa khabiirnimo ee Sky Sports.

Laakiin waxa uu shaqo adag ugu jiraa inuu helo leysanka ugu sareeya ee tababarenimo, waxaana uu u sheegay The Sun: "Been ayaan sheegayaa haddii aan idiin sheego in shaqada tabab arnimo aysan aheyn wax aan rajeynayay sababtoo ah waan jeclahay Arsenal.

"Kubada cagta waa ciyaar aan dareen xoog ah u hayo, waana u heyn doonaa mar walba. Wa an jeclaan lahaa inaan tababare noqdo – laakiin waan ka fogahay.

"Inkastoo aan tababare u noqon karo koox kasta, waxaan weli doonayaa inaan ku baaso qaad ashada leysanka tababare ee ugu sareeya ee UEFA taasoo ay ka shaqeynayo haatan.”

NATIIJOOJIONKA KULAMADA SAAXIBTINIMO

River Plate 1 3 Sevilla

Hannover 96 5 2 NEC Nijmegen

Hoffenheim 4 0 FC Vaduz

Bayer Leverkusen 4 0 Delbruecker SC

1. FC Frankfurt 0 10 RasenBallsport Leipzig

CSKA Moscow 3 1 Arsenal Tula

Eindhoven 2 1 Genk

RM Hamm Benfica 0 1 Tondela

Atalanta 5 1 Brusaporto

FC Zuerich 0 3 Galatasaray

Fiorentina 3 1 FeralpiSalo

Empoli 9 1 Faro Gaggio

Osnabrueck 1 2 FC Porto

Roma 3 2 Terek Grozny

Union Berlin 3 2 Udinese

Wigan Athletic 0 2 Liverpool

Crotone 20 0 Real Fondo Gesu

Lokeren 0 1 Krylya Sovetov Samara

Torino 13 0 Olympic Morbegno

Young Boys 1 3 Spartak Moscow

CIYAARTII ETO AFGAMBIGA TURKIGA AYAA LOO BAAJIYAY …

Lacagta ka soo xaroota waxaa lagu maalgalin lahaa hay'ad gargaar oo Eto aas aasay

Laacibka reer Kaamuruun ee Samuel Eto ayaa ku dhawaaq in dib loo dhigay ilaa iyo wakhti kale ciyaartii ka dhici lahayd magaalada Antalya ee dakla Turkiga kaddib markii uu dalkaasi ka dhacay inqilaabkii dhicisoobay.

Ciyaartaas ayay ujeedadeedu ahayd in lacag loogu aruuriyo hay’add gargaar oo uu leeyahay Eto.

Ciyaaryahanno rabay in ay ka qaybqaataan ciyaarta ayaa haddaba ku sugan magaalada Anta lya waxaana ka mid ah kuwo u dheella kooxda Antalyaspor ee dalka Turkiga.

Ciyaaryahanadaas hadda diyaarka ku ah waxaa ka mid ah Kanu Nwankwo, JayJay Okocha, oo reer Nigeri ah, Stephen Appiah iyo Michael Essien oo reer Gaana ah iyo Kolo Toure oo reer Ivo ry Coast ah.

Waxaa kale oo jooga ciyaaryahanka Gaana ku dhashay Marcel Desailly, Carles Puyol, Deco iyo tababarihii hore ee England Fabio Capello, waxay qayb ka yihiin ciyaarta dhexmari lahayd xidi gaha caalamka iyo xidigaha Turkiga.

Waxaa lagu aadiyay dabaaldaga 10 guuradii ka soo wareegtay markii Turkiga lagu aas aasay hay’adda Fundación Privada ee Samuel Eto.

Eto ayaa afar jeer noqday ciyaaryahanka Afrika ugu wanaagsan, ciyaartiisii tabarucaada aha yd in la baajiyayna wuxuu ku soo bandhigay baraha bulshada.

Waxaa la rajaynayay in ay ka soo qayb galaan Lionel Messi iyo Diego Maradona

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip