Ururka Suxufiyiinta madaxa banaan ee Jubbooyinka oo Hoggaan cusub doortay

0
Sunday July 17, 2016 - 20:08:55 in Wararka by
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta madaxa banaan ee Jubbooyinka oo Hoggaan cusub doortay

    Xaflad lagu dooranayay hoggaanka ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubaland (JIJA) islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen wariyeyaasha madaxa bannaan ee ka howlgala degmada Kismaayo iyo wakiillo ka socday warbaahinta sedexda gobol ayaa lagu qabtay ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad lagu dooranayay hoggaanka ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubaland (JIJA) islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen wariyeyaasha madaxa bannaan ee ka howlgala degmada Kismaayo iyo wakiillo ka socday warbaahinta sedexda gobol ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, wakiillo ka socday warbaahinta dowlad goboleedka Jubaland, iyo qaar kamid ah wariyeyaasha ka howlgala deegaanada Jubooyinka.

Doorashada hogaanka ururka ayaa waxaa ku loolamayay Khadar Max’uud Xareed iyo Max’ed Qaasim Cali (Waxar), waxaana ku guuleystay Khadar Max’uud Xareed kadib markii Max’ed Qaasim uu shaaciyay in uu u tanaasulay.

C/qaadir C/risaaq Soofe (Jiijiile) Xoghayaha xiriirka gobollada ururka NUSOJ iyo Aadan Max’ed Salaad (Kismaayo) oo ka tirsan golaha sare ee ururka NUSOJ oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacday si cadaalad ah, ka urur ahaanna ay soo dhaweeynayaan hogaanka cusub ee ay warbaahinta Jubaland sameeysatay.

Waxay ballan qaadeen in ay la shaqeeyn doonaan ururka JIJA, waxayna ku booriyeen hogaanka cusub ee ururka in uu u istaago sidii ay u mideyn lahaayeen warbaahinta sedexda gobol ee Jubaland.

Xasan Nuur Max’ed oo kamid ahaa masuuliyiintii hogaanka usoo qabatay ururka ayaa madasha ka sheegay in warbaahinta Jubaland ay isku duubantahay, isagoo kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee ururka in ay ka shaqeeyaan horumarka warbaahinta Jubaland.

Ururka JIJA (Jubaland Independent Journalist Association) ayaa la aasaasay sanaddii 2004, waxaana aasaasay Eebe naxariistii Janno ha siiyee Nasteex Daahir Faarax, wixii xilligaa ka danbeeyayna ururka waxa uu yeeshay hogaan kala duwan.

JubbalandJubbaland1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip