Weerar ka dhacay dalka Mareykanka oo lagu dilay Saraakiil Boolis, iyadoo kuwo kalana lagu dhaawacay

0
Sunday July 17, 2016 - 20:06:01 in Wararka by
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ka dhacay dalka Mareykanka oo lagu dilay Saraakiil Boolis, iyadoo kuwo kalana lagu dhaawacay

    Weerar goor dhow ka dhacay Magaalada Baton Rouge ee Gobolka Louisiana, ayaa waxaa lagu beegsaday Saraakiil Booliska Mareykanka ka tirsan, iyadoona ugu yaraan laba Sarkaal lagu dilay weerarkaasi, halka shan kalana lagu dhaawacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar goor dhow ka dhacay Magaalada Baton Rouge ee Gobolka Louisiana, ayaa waxaa lagu beegsaday Saraakiil Booliska Mareykanka ka tirsan, iyadoona ugu yaraan laba Sarkaal lagu dilay weerarkaasi, halka shan kalana lagu dhaawacay.

Nin ku hubeysnaa qori nooca daran-dooriga u dhaca, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday Saraakiishan oo caddaan ahayd, waxaana uu toogashada ka dib ka baxsaday goobtaasi.

Afhayeen Booliska Magaalada Baton Rouge u hadlay, ayaa waxaa uu xaqiijiyay geerida labada Sarkaal iyo dhaawaca shanta kale, waxaana uu sheegay in lagu raadjooggo dembiilaha.

Inkastoo aanay kala cadayn waxa uu yahay ninka weerarka gaystay, ayaa waxaa hadana loo maleynayaa in uu ka tirsan yahay madowga Mareykanka.

Magaaladaan waxaa laba toddobaad ka hor ay Ciidamada Booliska ku dileen nin madow ahaa, taasoo dhalisay xiisadda cusub ee xilligan ka dhex aloosan madowga iyo caddaanka Mareykanka.

Nin madow ahaa, ayaa toddobaadkii hore waxaa uu Magaalada Dallas ee Gobolka Texas uu ku laayay Saraakiil Booliska Mareykanka ka tirsan, isagoo ka carooday gacanta adag ay Boolisku ku wajahayaan madowga.

Barack Hussein Obama, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxaa uu toddobaadkii hore beeniyay inay dadka Mareykanka u kala qaybsameen madow iyo caddaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip