Saraakiil qeyb ka aheyd isku daygii Afgambiga Turkiga oo magan-galyo weydiistay Greece

0
Sunday July 17, 2016 - 20:04:12 in Wararka by
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil qeyb ka aheyd isku daygii Afgambiga Turkiga oo magan-galyo weydiistay Greece

    Dowladda Turkiga ayaa weydiistay dowlad deriska ah ee Greece inay ku soo wareejiso sideed sarkaal la sheegay inay ka qeyb qaateen isku daygii afgambiga dhicisoobay ee dhacay jimcihii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa weydiistay dowlad deriska ah ee Greece inay ku soo wareejiso sideed sarkaal la sheegay inay ka qeyb qaateen isku daygii afgambiga dhicisoobay ee dhacay jimcihii la soo dhaafay.

War ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa loogu baaqay dalka Greece inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo wareejiso saraakiisha lagu eedeeyay inay sameeyeen khiyaano qaran.

Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Black Hawk oo ay wateen sideeda sarkaal ayaa ka degay saldhig ciidan oo ku yaala dalka Greece.

Saraakiishan ayaa la sheegay inay ka codsadeen dowladda Greece inay magan-galyo siyaasadeed ay siiyaan.

Dowladda Greece ayaa sheegay inay dib uga fiirsaneyso hadii ay macquul tahay inay saraakiishaas ku wareejiso dowladda Turkiga, isla markaana dib u eegis ku sameyneyso sharciyada caalamiga ah.

helicop1

Sidoo kale Greece ayaa balan qaaday inay dib u celin doonto diyaaradii Helicopters ee ay wateen 8-dii sarkaal ee ku lugta laheyd isku daygii afgambiga.

Dowladda Turkiga ayaa xabsiga u taxaabtay illa 3,000 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, waxaana ka mid ah Jen,Erdal Ozturk oo ah Taliyaha qeybta saddexaad Ciidamada milateriga ee Istanbul, kuwaasoo qeyb ka ahaa isku dayga afgambiga.

dibad bax4

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Binali Yildrim ayaa sheegay in dib loo soo celin doono xukunadii dilka ahaa ee la baabi’iyay sanadkii 2004-tii, iyadoo macquul ay tahay inay xukuno dil wajahaan saraakiisha ku lugta laheyd isku dayga afgambi ee fashilmay.

Turkiga ayaa galay xaalad qatar oo afgambi dhiig ku daatay ahaa, inkastoo shacabka Turkiga ay ka hor-yimaadeen isku dayga afgambiga, isla markaana dib xukunka ugu soo celiyay Madaxweyne Erdogan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip