Shir Madaxeedka 27aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Kigali

0
Sunday July 17, 2016 - 19:51:38 in Wararka by
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Madaxeedka 27aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Kigali

    Waxaa ka furmay magaalada Kigali ee Caasimada Rwanda shir madaxeedka Midowga Afrika oo ah shirkii 27aad, iyadoo ajandayaasha shirka looga hadlayo ay ugu weyn tahay colaada Koofurta Sudan iyo Baasaboor ay yeeshaan dalalka Midowga Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ka furmay magaalada Kigali ee Caasimada Rwanda shir madaxeedka Midowga Afrika oo ah shirkii 27aad, iyadoo ajandayaasha shirka looga hadlayo ay ugu weyn tahay colaada Koofurta Sudan iyo Baasaboor ay yeeshaan dalalka Midowga Afrika.

Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday diblomaasiyiin caalami ah, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon uu ka qeyb geli doono.

Xubnaha 54 dal ee Midowga Afrika ayaa isku raaci doona hal baasaboor oo ay yeeshaan, waxaana la filayaa in loo sameeyo dacaayado.

Inkastoo aan waligeed Afrika isku raacin hal aragti, hadana waxaa la filayaa in qorshaha halka Baasaboor uu noqdo mid la dar dar geliyo sanadka 2020, illaa 13 dal oo afrikan ah ayaa ogol kaliya in dalalkooda lagu galo Viiso la’aan.

Midowga Afrika ayaa side kale ka doodi doona suurta galnimada in ciidamo nabad ilaalin loo diro Koofurta Sudan oo uu dib uga soo cusboonaaday dagaalo.

Xoghahayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka dalban doona dalalka Afrika inay ciidamo bad baadiya dadka rayidka loo diro Koofurta Sudan.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in hoggaan cusub lagu doorto, iyadoo la Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ay tahay Haweeneyda lagu magacaabo Dlamina Zuma oo xilkan ay kula tartamayaan illaa saddex musharax oo kale.

Midowga Afrikamidowga afrik




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip