Wasiiro goboleed ku dhintay shil gaari

0
Sunday July 17, 2016 - 10:07:57 in Wararka by
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro goboleed ku dhintay shil gaari

    Shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa waxaa ku geeriyooday dad ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee GalMudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa waxaa ku geeriyooday dad ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee GalMudug.

Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Bandiiradley, xilli wasiiradda ay kasoo tageen magaalada Gaalkacyo, iyagoo kusoo wajahnaa magaalada Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka GalMudug, Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa BBC u xaqiijiyay geerida Axmed Cabdulaahi Diiriye, oo ahaa wasiiru dowlaha maaliyadda, Aweys Cali Siciid, oo ahaa wasiiru dowlaha howlaha guud ee GalMudug, nabadoon deegaanka caan ka ahaa oo magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Digsi, iyo askari la socday.

Lama sheegin sababta keentay shilkaasi khasaaraha dhaliyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip