WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA LUULYO 2016KA

0
Sunday July 17, 2016 - 09:48:30 in Wararka by
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA LUULYO 2016KA

    MADAXWEYNAHA OO GAARAY RWANDA, KANA QEYB GALAYA SHIR MADAXEEDKA MIDOWGA AFRIKA … Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degay magaalada Kigali ee caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda, halkaa oo uu kaga qeybgalayo Shir Madax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO GAARAY RWANDA, KANA QEYB GALAYA SHIR MADAXEEDKA MIDOWGA AFRIKA … Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degay magaalada Kigali ee caasimadda Jamhuuriyadda Rwanda, halkaa oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedkii 27aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shirka Midowha Afrika ka sokow waxaa uu ka qeybgeli doonaa Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, kaas oo lagu lafaguri doono xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan iyo weliba hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shalay hoyga uu ka deggan yahay magaalada Kigali, kulan kula yeeshay Linda ThomasGreenfield oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika.

Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, xaaladda dalka Soomaaliya, dhinacyada siyaasadda, doorashada 2016 iyo arrimaha amniga.

XUKUUMADDA TURKIGA OO SHAACISAY IN LASOO GABAGABEEYAY AFGAMBIGII XALAADDUNA DEGGEN TAHAY

Xukuumadda Turkiga ayaa si rasmi ah goordhaw ugu dhawaaqday in lasoo afjaray Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay, iyadoo hawlgallo la sameeyay lagu Qabqabtay Kumannaan sarkaal oo ka tirsan Millateriga dalkaas.

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Afgabigaan uu ku lug lahaa wadaadka Musaafuriska ku maqan ee Fatholahi Ghulam, Laakiinse Wadaadkan ayaa eedeyntaas iska fogeyay, isagoo sheegay inaysan jirin wax lug ah oo uu ku lahaa.

Kusimaha taliyaha millateriga dalka Turkiga, Umit Dundar oo warbaahinta la hadlay goordhaw ayaa sheegay in hawlgalkii lagu soo afjarayay Afgambiga dhicisoobay lagu guuleystay, ayna xukuumaddu gacanta ku hayso Amaanka guud ee dalka.

"Turkigu wuu ka guuleystay kooxdii waalnayd oo bambooyinka ku weeraray Xarunta Baarlamaanka iyo shacabkooda, mana dhici doonto in kooxahaas si fudud lagu cafiyo," ayuu yiri Umit Dundar.

Sidoo kale, RW Dalka Turkiga, Binali Yildrim oo isaguna shacabka Turkiga kala hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen iskuday Afgambi oo keliya, balse uusan dhicin wax Afgambi ah, lagana guuleystay kooxihii iskudaygaas sameeyay.

"Iskudaygaan waxaa sameeyay 2,839 askari iyo saraakiil isugu jira, kuwaas oo ka tirsanaa Millateriga Turkiga, dhammaantoodna ciqaab adag ayaan la marisiin doonaa," ayuu hadalkiisa ku daray Yildrim.

Dhanka kale, Wararkii ugu dambeeyay ee Afgambigan kasoo baxaya ayaa ku warramaya in 190qof ay ku dhinteen intii uu afgambiga iyo hawlgalladu ay socdeen, kuwaasoo ay ku jiraan 41saraakiil ah oo ka tirsan booliiska dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay ku warramayaa in xaaladdu ay hadda tahay mid deggen, inkastoo waddooyinka Ankara iyo Istanbul ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan.

DOWLADDA "AMISOM WAY SII JOOGAYAAN DALKA”

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka qeyb galayay shirka Arimaha Dibadda wadamada Afrika oo ka dhacay Caasimada Kagame ee dalka Rwanda ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka baxaan dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Miltariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ay hada awood leeyihiin laakiin weli aysan gaarin isku filnaasho buuxda.

Waxa uu sheegay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka ka bixi doonaan marka ay isku filnaasho buuxda buuxda ay gaaraan ciidanka Miltariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan udulqaadan doonin in ciidanka AMISOM ay Tacadiyo ugeystaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Ugand oo ah dowladda ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017ka.

AL SHABAAB OO LA WAREEGAY GACAN KU HEYNTA DEEGAANKA CAMAARA

Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa la soo warinayaa in ay la wareegeen deegaanka Camaar oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Ciidamada Al Shabaab ee galay Deegaanka Camaara ayaa ka yimid deegaan kale oo lagu Magacaabo Kordhin oo 20 Km Waqooyi Galbeed kaga beegan Deegaankaasi Camaara. Al Shabaab ayaa shalay aroortii hore gaaray deegaankaasi iyagoona dadka shacabka ah meel fagaaro ah kula hadlay kana codsadeen in ay taageeraan.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug sida Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug oo Shabelle qadka Taleefanka kula hadlay ayaa xaqiijiyay warka la xiriira la wareegista Camaara.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa wacad ku maray in maamulkooda ay hadda ku guda jiraan qorsho gebi ahaan Al Shabaab ay kaga sifeynayaan deegaanada Gobolka Mudug sida uu hadalka u dhigay.

SHAQAALE TURKI AH OO LAGU AMRAY IN AY SOMALIA KA BAXAAN & SIRDOONKA OO LOO MAGACAABAY TALIYE

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Somalia oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu Shir guddoominayay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa Waxaa si adag loogu cambaareeyay Afgambigii la doonayay in lagu kala Dhantaalo Horumarrada iyo Dimuquraadiyadda ay gaareen shacabka dalka Turkiya ee aan Walaalaha nahay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, ay Goluhu Amar ku siiyeen Hay'adda Nile Academy oo Turkiga laga leeyahay in shaqaalaheedu ay muddo toddobaad ah uga baxaan Somalia, sidoo kalena waxaa kulankan lagu magacaabay Taliyaha Nabsadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in Dawladda Federaalka Somalia ay uga Tacsiyeynayso Dawladda iyo Shacabka Turkiya khasaarihii nafeed ee Afgambigani sababay oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxaana goluhu tacsi u direy dadkii Waxyeeladu kasoo gaartay falkaas, iyadoo Intii dhaawaca ahna ilaahey uga baryey caafimaad deg deg ah in uu siiyo.

Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen qodobada soo socda iyadoo la tixgelinayo codsiga dowlada Turkiga kuwaasoo kala ah:

1. In la joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Hay'ada Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.

2. In hawlwadeenada Nile Academy ay muddo toddoba Casho gudahood ah ay uga baxaan Dalka, taasoo ka billaabanaysa 17ka bishan July 2016ka oo ku beegan Axadda Berri ah.

3. Dowladaha Somalia iyo Turkiya waxay si wadajir ah u ballanqaadayaan in adeegyadii Caafimaad iyo Waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay'adaasi sidoodii u sii socon doonaan. Maamul cusubna loo sameyn doono.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada Xukuumadda FS ayaa Shirkoodii shalay si rasmi ah ugu magacaabay Taliyaha Hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo horay si KMG ah xilkaan ugu hayay.

Ugu dambeyntii, Wasaarada Arrimaha Dibaddad Somalia, ayaa Warbixin laga dhageystay ku sheegtay in gurmad degdeg ah loo fidiyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku xanniban Dalka Koonfurta Suudaan oo Muddooyinkii u dambeeyay ay qalalaaso siyaasadeed ka jireen, iyadoo Goluhu isku raacay in dadkaasi gurmad loo fidiyo.

DOWLADAHA CAALAMKA OO SI ISKU MID U CAMBAAREEYEY AFGEMBIGII FASHILMAY EE DALKA TURKIGA

Xoghayaha Guud ee M, Ban Kimoon waxa uu ku baaqay Deganaansho, kadib, wuxuuna tilmaamay inay QM doonayso in faahfaahin laga bixiyo xaalladda dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama waxa uu isagana ku booriyey dhamaan Xisbiyadda dalka Turkiga inay taageeraan Dowladda sida Dimuqraadiga loo soo doortay, lagana hortago qalalaase kasta oo uu dhiig ku daadan karo.

Xogahaha cusub ee Arrimaha dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson waxa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaalladda Turkiga.

Hadal qoraal oo la soo dhigay Websaytka Waaxda Arrimaha dibedda iyo Komanwelthiga ee dalka Britain waxay kula taliyeen Muwaadiniinta Britishka ee jooga Turkiga inaysan tegin goobaha ay Bulshadda isugu yimaadaan ilaa ay Xaalladu kala caddaanayso.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Iiraan, Javeed Zariif waxa uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Xiisadda Turkiga, wuxuuna ku baaqay Deganaansho, Midnimo, Dimuqraadiyad iyo Ammanka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya, Sergey Lavarov iyo Saraakiil kale oo Raashiyaan ayaa ugu baaqday Muwaadiniintooda ku sugan Turkiga inay joogaan guryahooda.

Madaxweynihii hore ee dalka Turkiga, Cabdalla Guul oo la hadlay Telefishinka CNN TURK ayaa sheegay inaysan Turkiga ahayn dal ku yaalla Qaaradda Latin America.

Wuxuuna ugu baaqay kooxihii ka dambeeyey Afgembigaasi inay dib ugu laabtaan Xeryahooda.

Ra’isulwasaarihii hore Turkiga,Axmed Dafutoglu waxa uu u sheegay Telefishinak Aljzeera inay Turki tahay Dimuqraadiyad.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan guuleysan doonin Afgembigaas.

Ra’isulwasaarada Germany, Angel Merkel waxay ku baaqday in la xushmeeyo Dimuqraadiyadda Turkiga, si loo badbaadiyo nolosha dadka Turkiga.

Dhinaca kale,v Guddoomiyaha Golaha Europe, Donald Tusk ayaa ku baaqay in lagu laabto Dastuurka Turkiga, wuxuuna xusay inay Turkiga muhiim u tahay Europe.

GALMUDUG: WAXAAN QABANAY DIREYSKA CIIDANKA MILLATERIGA SOMALIA OO LOO WADAY ALSHABAAB

Maamulka Galmudug, ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen shalay ku sheegay in 14kii bishan lagu jiro ay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay ku qabteen direyska Millatariga Soomaaliya oo tiro ahaan u dhexeeya 200 illaa 250 oo joog.

Direyskan ayuu maamulku sheegay laga soo qaaday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland, iyagoo intaas ku daray inay aamisan yihiin in loo waday xoogagga Al –shabaab ee ku sugan Degmada Xarardheere.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi [Carabey] ayaa ku Ammaanay Ciidanka Ammaanka Maamulka Galmudug hawlgalka ay kusoo qabteen direyskan ciidamada.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsadey in ay soo dhisto Guddi soo baara Arrintan, Guddigaasna uu ka yimaado Wasaaradaha Gaaashandhigga iyo amniga DF Soomaaliya iyo maamulgoboleedyada Galmudug iyo Puntland. Ugu dambeyn, Galmudug ayaa dagaal adag kula jira Alshabaab, waxaana ka go'an ciribtirka kooxdan nabaddiidka ah. Inkastoo maamulka Puntland aysan weli wax jawaab ah ka bixin Warsaxaafadeedka Galmudug.

BANAANBAX LOOGU SOO HORJEEDAY AFGAMBIGII DHICISOOBAY EE KA DHACAY DALKA TURKYGA OO LAGU QABTAY MUQDISHO..

Banaanbax lagu Taageerayay Dowlada Turkyga islamarkaana loogu soo horjeeday afgambigii dhicisoobay dalka Turkyga ka dhacay ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay Mas’uliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya, Culumaa’udiin Soomaliyeed , shacab ka kala yimid 17degmo ee Gobolka Banaadir kuwaasi oo watay boorar ay ku qornaayeen sawirada Madaxweynayaasha Turkyga iyo Soomaliya iyo calamada labada wadan.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta C/qaadir sheikh Cali Baqdaadi , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiye kuxigeenka dhanka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Jeylaani Nuur iikar, Shiikh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaliyed Shiikh Nuur Baaruud Gurxan.

Ugu horeyntii Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaliyed Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo dadweynihii shalay isugu soo baxay Taalada daljirka dahsoonka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dowlada soomaliya iyo shacabka soomaliyeed ay garab taagan yihiin shacabka Turkyga iyo dowladooda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta C/qaadir sheikh Cali Baqdaadi , ayaa dhankiisa sheegay in shacabka soomaliyeed iyo kan turkeyga uu ka dhaxeeyo kaliyah islamaaniyada taasina ay keentay in shacabka Soomaliyeed ay ka banaanbaxaan afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka turkeyga.

DOWLADDA OO QORSHAHA QARANKA LA WADAAGTAY BEESHA CAALAMKA

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka dowladda Soomaaliya ayaa la wadaagtay Qorshaha Horumarinta Qaranka dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.

shir lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaranka, oo ay dhawaan soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga, kas oo ay ka qayb galeen dowladaha daneya arimaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa qaybta ka ah Barnaamijka Hiigsiga cusub ee Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya C/raxmaan Ceynte ayaa sheegay in Beesha Caalamka loo gudbiyay Qorshaha Horumarinta Qaranka gaar ahaan dowladaha daneya arimaha Soomaaliya.

Wasiir Ceynte ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Qorshaha Qaran ee dowladda Soomaaliya ay diyaarisay uu wax badan ku soo kordhin doono hormarinta Adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay soo badnhigtay Qorshaha Qaranka, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka dowladda Soomaaliya, waxaana la aamnisan yahay Qorshahan Qaran in uu wax badan ka bedeli doono Hormarka Soomaaliya.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SAMEYSANEYSA MARAAKIIB ILAALISA XEEBAHA DALKA ..

​Dowaladda Soomaaliya ayaa samaysanaysa maraakiib ilaalisa Xeebaha Dalka iyada oo hada si ay socoto Samaynta tiradii ugu horaysay oo gaaraysa ilaa lix markab oo ah kuwa loogu tala Galay ilaalada Xeebaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Ali Sa”id Faqi oo booqanaayey Goobta lagu diyaarinaayo Maraakiibta ,ayaa waxaa uu sheegay in ay guul taariikh ah u tahay Soomaaliya in loo sameeyo Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Dalka kana ilaalisa wax walbo oo halis ku ah Soomaaliya ee ka yimaada dhanka badda.

Ali Faqi ayaa waxaa uu sheegay in Hadii lagu guuleysto Sameynta Marakiibtaan oo hada howsheeda ay socoto in ay amaanka xeebaha wax ka qaban dooonaan sida burcadbadeedka Argigixisada kuwa hubka sharcidarada Soogalinaya Dalka iyo waliba ku wa kaluumeysiga sharcidarada ah ka wada Biyaha Soomaaliya . Danjire Cali Faqi ayaa waxaa sidookale uu sheegay in Heshiiska dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda (Atlantic marine offshore) ee fadhigeedu yahay wadanka Holland uu jiro in la tababaraayo Ciidamadii marakiibta ku shaqeynlahaa oo tabarkoodana uu qaadan doono Muddo Ku siman 5 ilaa 7 sano kadibana ay la wareegaan howlaha Maraakiibtaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa heshiiis la gashay shirkada hada ku howladan Samaynta Maraakiibtaan taas oo la yiraahdo Atlantic marine offshore28 bihii Julay 2013, heshiiska maraakiibtaan Soomaaliya loogu sameeyo, waxaana Somaaliya u saxiixay Wasiir kii Hore ee Gaashaandhiga Abdihakim Mohamoud HajiFaqi ,iyadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Shiikh Maxamuud iyo Ra”iisulwasaarihii Xiligaas Dr Sacid Farax shirdoon,kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

LABA KA MID AH GOLAHA WASIIRADA GALMUDUG OO XALAY SHIL GAARI KU DHINTAY

Laba ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug, ayaa waxay xalay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Deegaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug, xilli ay ka amba baxeen Magaalada Gaalkacyo, ayna ku sii jeedeen Magaalada Cadaado.

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Maaliyadda, Cali Baashi iyo Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Aweys Cali Saciid, ayaa waxaa la xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhinteen.

Waxaa kaloo la soo sheegayaa in shilkaasi ay kula dhinteen Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed (Digsi) iyo mid ka mid ah ilaaladii la socotay Wasiirada.

Shilkan, ayaa ka dambeeyay markii uu si iskiis ah uu u qalibmay gaarigii ay la socdeen xubnahaasi, sida laga soo xigtay dadka reer Saddex Higlo.

Gudoomiyaha Deegaanka Saddex Higlo, Maxamed Jaamac Faarax, ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Deegaankaasi ay aad uga naxday dhacdada xalay ka dhacday halkaasi. Gudoomiyaha, ayaa sheegay masuuliyiinta geeriyootay in ay qiimo ugu fadhiyeen shacabka reer Galmudug, islamarkaana uu tacsi u diraayo qoysaskii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen.

Ka dib markii ay soo ifbaxday dhacdadan, ayaa waxaa Magaalada Cadaado ka amba baxay masuuliyiin ka tirsan Galmudug, kuwaa oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo, si aaska xubnaha dhintay uga qaybgalaan Magaaladaasi.

MARAYKANKA OO BAAQ U DIRAY TURKIGA

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Turkiga in uu xaaladda dejiyo, ka dib iskudaygii afgembi ee dhicisoobay Jimcihii daraad ahaa, kaasoo dhaliyay in xukuumadda Ankara ay dad badan qabqabto.

Dowladda ayaa xirtay kumannaan ka tirsan milateriga Turkiga oo ay uga shakisan tahay in ay ka dambeeyeen afgembigaasi fashilmay.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baaritaanka ku samayneyso iskudaygaasi afgembi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in eedeymaha ah in Maraykanka uu ku lug lahaa iskudaygaasi ay dhibaato u geysan karaan xiriirka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo kula hadlay taageerayaasho oo isugu soo baxay dibedda hore ee dhismaha baarlamaanka, ayaa Maraykanka ugu baaqay in uu usoo gacan geliyo Fethullah Gulen, oo uu ku eedeynayo in uu ka dambeeyay afgambigii dhgicisoobay.

BOGGA CAYAARAHA

TABABARE ZINEDINE ZIDANE OO MAGACAABAY 25 CIYAARTOY OO UU AXADA ULA SAFRAYO USA EE QAYBTA KA NOQON DOONA KULAMADA SAAXIIBTINIMO EE XAGAAGA

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday liiska 25 ka ciyaartoy ee uu Zinedine Zidane ula safri doono dalka Maraykanka halkaas oo ay Los Blancos kulamada saaxiibtinimo kula ciyaari doonto kooxaha PSG, Chelsea iyo Bayern Munich. Real Madrid ayaa shaacisay in 25 ciyaartoy oo kooxdeeda ka mid ahi ay u safri doonaan USA.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa dib ugu soo laabtay kooxdooda kadib markii ay soo dhamaysteen fasaxa xagaaga inkasta oo ay wali jiraan ciyaartoy maqan. Gaar ahaan ciyaartoydii ka qayb gashay Euro 2016 iyo Copa America ayaa wali ka maqan Madrid.Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa macalinka kooxdiisa ee Zinedine Zidane iyo ciyaartoyda soo laabtay soo dhaweeyay. Real

Zidane iyo kooxdiisa ayaa isku diyaarinaya safarka ay ku tagayaan dalka Maraykanka oo ay kulama saaxiibtinimo kula soo ciyaari doonaan kooxaha PSG, Chelsea iyo Bayern Munich ka hor inta ayna kooxda Sevilla la ciyaarin finalka UEFA Super Cupka.

LIISKA CIYAARTOYDA REAL MADRID EE AXDA USA U SAFRAYA:

GOOLHAYAASHA: Keylor Navas, Casilla, Rubén Yáñez, Álex Craninx and Luca.

DIFAACA: Varane, Danilo, Carvajal, Marcelo, Nacho, Lienhart, Tejero and Achraf.

DHEXDA: Casemiro, Isco, Kovacic, Llorente, Asensio, Odegaard, Enzo and Febas.

WEERARKA: Benzema, Jesé, Mayoral and Mariano.

ANTONIO CONTE: WAXAAN KA DHIGI KARAA EDEN HAZARD & XIDDIGAHA CHELSEA SIDA LIONEL MESSI & CRISTIANO RONALDO.

Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa aaminsan inuu ka caawin karo xiddigaha sida Eden Hazard inay gaaraan heerka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Conte oo kooxdiisa ay guuldarro 20 ka soo gaartay Rapid Vienna kulankoodii ugu horeeyay ee kulamada saaxiibtinimo ee xagaagan, ayaa sheegay in Chelsea ay heysato ciyaartoy noqon kara kuw aad iyo aad u sareeya.

"Ciyaartoydaan haddii laga shaqeeyo wax badan ayay weli horumar sii sameyn karaan” ayuu yiri Conte. "Sababtoo ah haatan waxaan heysanaa ciyaartoy fantastik ah, kuwaasoo tayo weyn leh, laakiin waqtigaan la joogo dunida ma aaminsana inay ku heer yihiin Lionel Messi, Luis Suarez, Neymar, Cristiano Ronaldo ama Paul Pogba.

"Laakiin kooxdeena waxaan ku heysanaa ciyaartoy haddii laga shaqeeyo wax badan horumar sameyn kara islamarkaana gaari kara heerkaas. Waan hubaa taas.

"Waxaa muhim ah inay ciyaartoyda fahmaan inay qasab ku tahay inay shaqeeyaan oo ay soo bandhigaan inay yihiin ciyaartoy sarre, laakiin ay sidoo kalena raadiyaan inay noqdaan ciyaartoyda ugu sareysa oo ay halkaas sii joogaan.”

XANTA SUUQA: BARCELONA IYO REAL MADRID OO KU DAGAALAMAYA XIDDIGA 65TA MILYAN ANDRE GOMES.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Valencia Andre Gomes sida lagu qoray jariirada ka soo baxda Madrid ee AS.

Los Blancos ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe dhawaan, waxaana la filayaa inay sarre u qaadaan doonistooda xiddiga reer Portugal ka dib markii ay dib uga dhaceen tartanka xiddiga Juventus Paul Pogba.

22 jirkaan ayaa Portugal u ciyaaray koobkii Euro 2016, waxaana uu durbaba dalabyo ka helay kooxaha Juventus iyo Chelsea.

Madrid ayaana u aragta xiddig muhim u noqon kara khadkooda dhexe, laakiin waxa ay tartan adag kala kulmayaan kooxaha tababare Luis Enrique ee Barcelona.

Los Che ayaa ku dooneysa xiddigaan 65 milyan euro laakiin iyadoo ay ku dagaalamayaan labada kooxood ee ugu waa weyn Yruub, waxa ay ku heli karaan lacag intaas ka badan haddii ay tartan siiyaan dalabyadooda





 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip