Isku daygii Afgambi ee Turkiga oo fashilmay iyo Erdogan oo taageero ka helay shacabkiisa

0
Saturday July 16, 2016 - 08:40:35 in Wararka by
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku daygii Afgambi ee Turkiga oo fashilmay iyo Erdogan oo taageero ka helay shacabkiisa

    Waxaa fashilmay isku day afgambi oo xalay ay sameeyeen koox ka tirsan Ciidamada Milateriga, iyadoo madaxweyne Erdogan uu ugu baaqay shacabka dalkiisa inay ka banaan baxaan waxa uu ugu yeeray taariikh ay horay uga soo gudubtay Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa fashilmay isku day afgambi oo xalay ay sameeyeen koox ka tirsan Ciidamada Milateriga, iyadoo madaxweyne Erdogan uu ugu baaqay shacabka dalkiisa inay ka banaan baxaan waxa uu ugu yeeray taariikh ay horay uga soo gudubtay Turkiga.

Madaxweyne Erdogan oo xilliga uu afgambiga dhacayay la sheegay inuu dalka ka maqnaa ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Istanbul, waxaana markii uu soo degay ka soo muuqday Telefishin gaar loo leeyahay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka soo muuqday isagoo ay ku hareersanayen taageerayaasha, waxaa uu xusay in la nadiifin doono ciidanka qalabka sida, waxaa uu ku tilmaamay isku dayga afgambiga fal khiyaamo qaran ah.

Erdogan ayaa sheegay inay la kulmi doonaan cawaaqib adag kuwa sameeyay isku dayga afgambiga ee fashilmay, waxaana uu tilmaamay in dowladda ay si buuxda gacanta ugu heyso dalka oo dhan.

Shacabka Turkiga oo taageero ballaaran siiyay Madaxweynahooda ayaa sabab u ahaa fashilinta Isku dayga afgambiga ee dhicisoobay

Sidoo kaleRa’iisul Wasaaraha Turkiga Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay tahay mid degan, isla markaana inta badan ay gacanta ugu jirto dowladda, kadib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka.

Kooxda isku dayga afgambiga waday ayaa la sheegay in ay hogaaminayaan Saraakiil aan darajadooda dhaafsiisneyn Colnel.

Wararka ayaa sheegaya in koxoda afgambiga geysatay ay afduub ahaan u heystaan Taliyihii Ciidamada Milateriga oo ku sugan magaalada Ankara.

Mid ka mid ah diyaaradaha taageeraya kooxda afgambiga ayaa duqeysay Xarunta Baarlamaanka Turkiga.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa magaalooyinka qaar, iyadoo uu socdo howl gal ka dhan ah kooxda afgambiga waday.

Waxaa jiray iska hor imaadyo dhex maray Ciidamada Milateriga iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran, kaasoo ka dhacay xarunta akadeemiyada booliska ee magaalada Ankara.

Illaa 60 ruux ayaa ku geeriyootay isku dayga afgambiga ee fashilmay, iyadoo la soo riday diyaarad ay wateen kooxaha afgambiga watay.

Diyaaradaha dagaalka oo joog hoose ku socda ayaa dul heehaabayay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul.

Boqolaal ruux oo afgambiga lagu eedeeyay ayaa xabsiga la dhigay, waxaana dadweynaha reer Turkiga ay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo ka dhiidhinaya isku dayga afgambiga ee la sameeyay.

Qaar ka mid dadweynaha Turkiga oo careysan ayaa isku dhiga Taangiyo ay wateen Ciidamada Milateriga, sidoo kale waxaa ay koreen taangiyada ay wateen ciidamada, iyagoo meelaha qaar isku dhacyo ku dhex maray.

Turkiga ayaa taariikh ku lahaa isku dayga Afgambiga ee soo jireenka ahaa, sanadkii 1960 ayay aheyd markii u horeysay ee uu dhaco isku day afgambi.

afgambiafgambi1afgambi2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip