Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo Ankara(Sawiro)

0
Saturday July 16, 2016 - 02:04:34 in Wararka by
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo Ankara(Sawiro)

    Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay caasimada dalka Turkiga ee Ankara iyadoo diyaaradaha milatariga ay dul haadayaan magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay caasimada dalka Turkiga ee Ankara iyadoo diyaaradaha milatariga ay dul haadayaan magaalada.

Ciidamada milatariga dalka Turkiga ayaa sheegay in ay talada dalka la wareegeen si ay u ilaaliyaan nidaamka dimuqraadiga ayna dhowraan xuquuqda aadanaha.

War ay laga sii daayay qaar kamid ah taleefishinada dalka Turkiga ayay milatarigu ku sheegeen in xiriirka caalamka ee uu dalka Turkiga la lahaa uu sidiisii ahaanayo ayna muhiimada saarayaan sidii lagu soo celin lahaa sharciga iyo kala dambeyntii.Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay in dalka ay ku soo rogeen bandow iyo xukun deg-deg ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu ka guuleysan doono wax uu ku tilmaamay kacdoon ay koox yar sameeyeen.

Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay taleefishinka CNN Turk in uu ku soo jeedo magaalada Ankara uuna ka dalbanayo shacabka dalkiisa inay wadooyinka isugu soo baxaan oo ay muujiyaan taageeraooda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in buundada weyn ee magaalada Istanbul Bosphorus Bridge iyo buundada Fatih Sultan Mehmet la xirey. Labadan buundo ayaa waxa ay isku xiriiriyaan Turkiga dhinaciisa Yurub iyo dhinaca kale ee Aasiya.

Hase yeeshee Ra’iisal Wasaare Bin ali ayaa ku hanjabay in ciidamada isku dayaya inay talada la wareegeen ay bixin doonaan abaalkooda la marsiin doono ayna la kulmi doonaan cawaaqib xun.Bin Ali ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in la carqaladeeyo dimuqraadiyada ka jirta dalka Turkiga.

Guud ahaan duulimaadyadii dalka Turkiga ayaa la joojiyay iyadoo lagu arkayo gaadiidka dagaalka garoonka diyaaradaha ee magaalada Ankara.

Turkiga ayaa waxa uu leeyahay taariiq isku day inqilaab iyadoo afgambigii ugu dambeysay ay ahaa sanadkii 1997 taasoo ay ku qasabtay in uu iscasilo ra’iisal wasaarihii xilligaas Nemettin Erbakan.

ANKARA (1)

ANKARA (2)

ANKARA (3)

ANKARA (4)

ANKARA (5)ANKARA (6)

ANKARA (7)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip