Avv. Cumar Dhagey oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

0
Saturday July 16, 2016 - 01:24:53 in Wararka by
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Avv. Cumar Dhagey oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

    Guddiga Doorashada ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa doortay Guddoomiyaha Guddigaas, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashada ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa doortay Guddoomiyaha Guddigaas, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Avv. Cumar Maxamuud Cabdulle oo loo yaqaano Cumar Dhagey ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga taaba gelinta Doorashooyinka dadban ee heer Qaran.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 22 xubnood ayaa isku raacay inay in Avv. Cumar Dhagey u doortaan Guddoomiyaha Guddiga.

Avv. Cumar Dhagey ayaa ah La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga, waxaana horay u soo baxayay warar sheegayay in Madaxweynaha uu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada.

Guddigan ayaa howshiisa tahay hirgelinta doorashada, iyadoo howsha ugu egtahay marka la soo xulo Baarlamaan cusub, kuwaasoo soo dooran doona Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha.

Jadwalkii dhowaan ay soo bandhigeen Madasha Wada tashiga qaran ayaa waxaa ka muuqda dib u dhac badan, maadaama horaanta bishan lagu wado in la guda galo qorshayaasha doorashada.

Guddigii doorashada ee uu horay u magacaabay madaxweynaha ayaa waxaa laga saaray Xubnihii Wasiirada, balse waxaa wali siyaasiyiinta ay dhaliilsan yihiin xubnaha ku jira guddigan cusub oo ah kuwo u janjeera Xafiisyada Madaxda sare ee dowladda oo la rumeysan yahay inay qaarkood musharixiin yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip