Afar ruux ayaa loo xirey dilka Mr Phuge oo lagu naaneysi jirey "Ninkii Dahabka”,iyadoo laga shakisan yahay khilaaf dhinaca lacagta ah inuu dhaliyay dilka ganacsadahan.
Booliska ayaa sheegay in dad gaaray 12 ay weerareen Mr Phuge oo 48 sano jir ah xalay, mid ka mid ah kooxda ka dambeysay dilka ayaa ku martiqaaday ganacsadahan isaga iyo weliba wiilkiisa oo 22 sano jir ah inay ka soo qeybgalaan xaflad dhalasho oo meel barxad ah lagu qabtay, hase yeeshee ganacsadahan ayaa lagu weeraray dhagxaan iyo biro midiyo isagoo halkaa lagu diley.
Hase yeeshee kooxda ka dambeysay dilka ganacsadaha ayaan waxyeelo gaarsiin wiilkiisa kaas oo daawanayay dilka aabihiis.Mr Phuge ayaa badanaa xiran jirey shaatiga ka sameysan dahabka isagoo sidoo kale gacmaha iyo qoortana ku xiran jirey dahab.
"Dadka waxa ay isweydiinayaan sababta aan u xirto dahabka oo aan u jeclahay, balse aniga waxaan ku riyoon jirey in aan maruun helo ayaa ah dahabka, halka dadka qaarkii ay jecel yihiin inay iibsadaan gawaarida qaalliga ah,”ayuu yiri ganacsadahan la diley kadib markii uu soo iibsaday shaarka dahabka ahaa 2013.
Ganacsade ku caan baxay inuu gashto shaati dahab laga sameeyay oo lagu diley dalka Hindiya
Nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Hindiya kuna caanbaxay inuu iibsaday shaati ka sameysan dahab ayaa la diley isagoo uu goobjoog ka ahaa wiil uu dhalay.