Siminaar lagu baranayay cilmiga beeraha oo Afgooye lagu qabtay-Sawirro

0
Friday July 15, 2016 - 20:23:14 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siminaar lagu baranayay cilmiga beeraha oo Afgooye lagu qabtay-Sawirro

    Siminaarkan oo sare looga qaadayay aqoonta dhinaca cilmiga beeraha oo uu soo qaban qaabiyay maamulka jaamacada Salaam ayaa looga qabtay ardayda wax ka barata kuliyada beeraha jaamacadaas kaas oo lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siminaarkan oo sare looga qaadayay aqoonta dhinaca cilmiga beeraha oo uu soo qaban qaabiyay maamulka jaamacada Salaam ayaa looga qabtay ardayda wax ka barata kuliyada beeraha jaamacadaas kaas oo lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Ardayda ayaa la geeyay beeraha ku yaala degmada Afgooye si siminaarka uu u noqda mid si ficil ah loogu tuso ardayda.

Prof. Cabdi Aadan Cisman, oo ka mid ah mas’uuliyiinta jaamacada oo ayaa sheegay in siminaarka uu yahay mid ardayda lagu barayo faa’idada ay leedahay barashada cilmiga beeraha maadaama uu wadanka uu qani uu ku yahay dhul beedeed aad u balaaran.

Guddoomiyaha jaamacada Salaam Dr. C/qaadir Axmed Mahad, ayaa kula dardaarmay aydayda ka faa’iideysatay siminaarka in ay ka shaqeeyaan horumarin wax soo saarka kheyraadka dalka.

"Barashada cilmiga beeraha waxa uu muhiim u yahay in la helo khuburo dhinaca beeraha oo aqoon u leh beeraha iyo sida wax loo beerto, marka waxaan ku guubaabinayaa ardayda ka faa’iideysatay siminaarkan ayna ku dadaalaan sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen wax soo saarka dalka,” ayuu yiri Dr. Mahad.

vlcsnap-2016-07-15-13h37m21s000vlcsnap-2016-07-15-13h37m43s609vlcsnap-2016-07-15-13h38m04s881vlcsnap-2016-07-15-13h38m37s544vlcsnap-2016-07-15-13h38m51s285vlcsnap-2016-07-15-13h41m26s983vlcsnap-2016-07-15-13h41m46s696vlcsnap-2016-07-15-13h41m55s057

W/D: Muuse Cismaan Abtow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip