Masjid:haddii laga waayo,laba qodob, ma qaadan karo xukunka masjid,wuxuuna noqdaa..?

0
Monday October 26, 2015 - 11:41:58 in Maqaallo by
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masjid:haddii laga waayo,laba qodob, ma qaadan karo xukunka masjid,wuxuuna noqdaa..?

    Waxaa jira in masaajiddo badan uu muran ka taagan yihiin,la isku qabqabsado,ammaanadii masjidkana la lunsado,marka danbana ay keento in baytka Allah dhexdiisa la isku dagaallo dhiigna lagu daadiyo,sida aynu meelo badanba ku aragnay,markaana ay dhacdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira in masaajiddo badan uu muran ka taagan yihiin,la isku qabqabsado,ammaanadii masjidkana la lunsado,marka danbana ay keento in baytka Allah dhexdiisa la isku dagaallo dhiigna lagu daadiyo,sida aynu meelo badanba ku aragnay,markaana ay dhacdo in la kala tago colaadna la isku qaado. Asbaab fara badan ayaana keeni kara in baytka Allah la ixtiraami waayo,waxaana ugu weyn in dadka qaarkii oo aan ehel u ahayn loo dhiibo ama gacanta loo geliyo mas´uuliyadda baytka Allah,waxayna taasi keeni kartaa in ay dadkaasi kala sooci waayaan in ay masjid joogaan ama in ay suuqa joogaan,rasuulkeena sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu inoo sheegay,sida ku xusan saxiixu Muslim lambar 671 soona weriyay abu Hureyra Allaha ka raali noqdee: magaalooyinka wuxuu Allah ugu jecel yahay masaajiddeeda,wuxuuna ugu neceb yahay suuqeeda,wey caddahay markaasi in ruuxu hadduusan kala garanayn labadaas qaybood in uu markaasi wixii suuqa yaalo uu keenayo ama uu ku isticmaalayo baytka Allah,immisaa la arkay in masjidka dhexdiisa ku ganacsada wixii ay doonaana ku sameeyay,u fiirso masaajidda qaarkood umaba malaysid in aad dhex joogtid baytka Allah,maxaa yeelay waxaa lagu hayaa xan,ganacsi,shukaansi iyo wax la mid ah,halkii la rabay in ay lagu hayo xuska Allah iyo barashada kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,haddii aad isku daydana in aad ka celiso kuwa xumaanta ka wada baytka Allah,waxaaba laguu arkaya in aad tahay shar wade,halkii la rabay in laguu arko khayr wade.

 

Sida la ogsoon yahay,masjid waa meel cibaado iyo in cilmi lagu barto loogu talagalay, masjidna waxaa nafaqo u ah dacwo,macnaha in ay ay duruus ka socoto,kutubo lagu akhriyo, muxaadarooyin laga soo jeediyo,shanta salaadoodna lagu oogo,haddii la waayana masjidkii wuxuu ka baxaya macnaha masjid,wuxuuna isku beddalaa meel lagu haasaawo oo lagu qaxweeyo ama lagu cunteeyo,meel lagu ganacsado oo la isku shukaansado,meel lagu ballamo oo xaaraanta lagu cuno.

 

Allah wuxuu amray in la oogo oo la dhiso masaajidyo,si Allah loogu caabudo laguna xuso, Allah wuxuu qur’aankiisa kariimka ah ku yiri:masaajidda Allah waxaa cammira qofkii Allah rumeeyay iyo maalinta danbe,macnaha maalinta qiyaame,salaaddana oogay,sakaduna bixiya, kana baqaynin waxaan Allah ahayn, waxayna kuwaasi u dhow yihiin in ay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan (suuradda Attowaba, aayad lambar 18),cammiridda masjidka kuma koobna oo keliya dhismihiisa,balse sida ay aayadda sheegayso waa cammirid macnihiisa dhabta ah weeyaan,waxaana soo galaya:qofkii dhisayay ama maalkiisa xalaasha ah ku tabarucayay ama dahabkii uu haystay ku deeqayay ama qofkii u ordaayay ururinta lacagtii lagu dhisi lahaa masjidka ama qofkii ku tabaruci lahaa ka qaybgalka dhismaha,cammiriddu waxay kaloo soo galaysa qofka ku tukada,qofka qur’aanka ku dhex akhriya,qofka ku werdiya,qofka dadka wax ku bara iyo qofka wax ku barta.

 

Masjidka waa meel loogu talogalay in salaadaha shanta ah lagu daa´imiyo,waqafna ah,waana in ay meesha ka baxdaa qof milki u leeyahay,mana bannaana markaasi in la iibiyo,haddiise aan lagu oogin shanta salaadood qofna uu leeyahay meesha lagu tukanayo,ma noqon karo masjid,xukunka masjidna ma qaadanayo,waxayna ahaanaysa meel musalla ah,sida:meel ka mid ah meelaha lagu tukan karo oo aan shanta salaadood lagu daa´imin karin,meelahaasina waxaa ka mid ah:xafiisyada,dugsiyada,warshadaha iyo meelaha la midka ah, meelahaasina ma qaadan karaan xukunka masjid,lagumana oogi karo taxiyatul masjid,waayo ma´ahan meel waqaf ah mana ahan meel shanta salaadood lagu daa´imiyo,sidaas daraadeed shuruudaha laga doonayo in uu masjid noqdo waxaa aasaas u ah labo qodob oo muhiim ah:

 

1-In meesha lagu tukanayo ay ahaato meel waqaf ah oo aan qofna milki u lahayn.

 

2-In la iclaamiyo in meeshaasi lagu oogayo salaadaha shanta ah,qof kasta oo muslim ahna aan laga mamnuuci karin,kaddibna waxaa soo raaca waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin:

 

1-In masjidka la dayactiro,la hagaajiyo lana nadiifiyo,waxaana fiican in lagu dadaalo sidii uu markasta u noqon lahaa meel caraf badan oo udgoon ah,lagana dhowro dadka ku tukanayo iyo malaa’iktaba wax kasta wixii dhibaya,sida basasha iyo toonta,labada sheekh saxiixooda ee Bukhaari lambar 855 iyo Muslim lambar 564 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Jaabir bin Cabdullahi Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii cuna toon ama basal ha naga fogaado ama haka fogaado masjidkeena,gurigiisana ha fadhiisto,maxaad u malaysay markaasi kuwa toon iyo basal masjidka dhexdiisa ku cunayo.

2-Waxaa masjidka dhexdiisa ka mamnuuc ah in naado lagu sameeyo,xadiis uu saxiixiisa ku soo saaray Muslim lambar 568 soona weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii maqla qof masjidka dhexdiisa baadi ka naadinaya,haku yiraahdo:Allaha kuuma soo celiyo,masaajidda looma dhisin waxyaabahaasi oo kale,sunnooyinka Tirmidina waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqde,kaasoo sheegaya,in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haddii aad aragtaan qof wax ku dhex gadaya ama ku iibsanaya masjidka, waxaad ku dhahdaan:Allaha ribix kaama siiyo ganacsigaada,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixu sunnan Attirmid lambar 1321 iyo saxiixul jaamic lambar 573,maxaa markaasi u malaysay kuwa xawaaladaha ku kala qaata iyo wixii la mid ah.

 

3-Baytka Allah waxaa mas’uul looga dhiga,dad ehel u ah,aqoonna u leh kitaabka Allah iyo sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam,waana in ay ahaadaan dad lagu dayan karo oo asluub leh shareecada islaamkana yaqaano,noloshooduna ku dabaqa,qowlkooda iyo ficilkooduna ay is waafaqasan yihiin,been iyo khiyaanana ka fog.

 

4-Haddii ay dhacdana in masjidka gacanta loo geliyo dad fuxshigooda la jahrayo oo bannaanka u soo dhigayo ama dad lagu gartay in ay xanbaarsan yihiin sifooyinka lagu garto munaafaqa,sida:beenta iyo khiyaanada, waxaa markaasi caddaanaysa in kuwaasi aysan dhowraynin masjidka,xoolahooda iyo xoolaha masjidkana aan u kala soocnaan karin,waxaana kuwaasi ku dhacaysa caro Eebbe,Allah subxaanahu watacaala wuxuu yiri: kuwaasi waa kuwo nolosha adduunka ku iibsaday aakhiro,lagamana fududeeyo xaggooda cadaabta,loomana gargaaro (suuradda Al-Baqaraa, aayaad lambar 86).

 

 

Baytka Allah ma cammiro ehelna uma ahan,qof xaaraan ku dhex jira oo masalan ribo cun ah ama wax is dabomarinayo,sida kuwa iimaankoodu daciifka yahay oo ku nool nolosha loo yaqaano separateka,macnaha kuwa noloshooda ka dhigtay:waan is qabnaa ismana qabno, macnaha dadka asxaabta ah marka aan la joogno waan is qabnaa,marka aan xafiisyada dawladda aan danta ka leenahay la joognana isma qabno,arrinkanina waxay aad uga jirta Mareykanka,Yurub iyo Australia si loo helo labo dakhli,naagtana dakhli u gaar ah,ninkana dakhli u gaar ah,waxaana kuwaasi loo yaqaana single mothers ama waxa ay Hollandeeska u yaqaanaan Alleenstaande moeder,dalkan Holland waaba la isku faana heblaayo wey nimcaysatay intaasoo lacag ayaa bishii u soo dhacda,bal eega waxa lagu faanayo,xaaraantii ayaaba la leeyahay waa nimco.

 

Allah wuxuu u ballan qaaday kuwa xumaynaya masjidka ama dadka ku aflagaadeeya ama sabab u noqda in ay dadka ka fogaadaan masjidka,in aakhiro ay helayaan cadaab,Rabbi wuxuu yiri:yaa ka dulmi badan qof diiday in masaajidda Allah dhexdiisa lagu xuso magaciisa una orda oo u howlgala sidii ay u xumayn lahaayeen masaajidda,kuwaasi xaq uma laha in ay galaan masaajidda iyagoo cabsi ku sugan mooyaane,adduunka waxay ku mutaysanayaan hoog iyo khasaare,aakhirana cadaab weyn (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 114).

 

Waxaa kaloo masjidka dhexdiisa laga mamnuucay in codka kor loo qaado inta masjidka lagu dhex jiro,xataa marka qur’aan lagu akhrinayo masjidka dhexdiisa,waa in codka hoos loo dhigaa,imaam Maalik Allaha u naxariiste wuxuu yiri:waa in laga saaro masjidka,qofkii ku kaca falkaas oo kale,macnaha qofkii codkiisa kor u qaada inta lagu dhex jiro masjidka, sheekhul islaam ibnu Taymiya Allaha u naxariiste,wuxuu yiri:qofna uma bannaana in uu dhibo dadka ehelka u ah masjidka mana ahan in uu dhibo dadka salaadda ku jira ama dikriga ku mashquulsan ama ducaysanaya ama dersi bixinaaya ama dersi dhegaysanaya,masaajidda qaarkood ee imminka jira waxaab loo tagaa baashaal.

 

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo markale iyo mowduuc kale haddii Allah idmo

Den Haag/Holland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip