Weerar ka dhacay dalka Faransiiska oo lagu dilay 80 qof (SAWIRRO)

0
Friday July 15, 2016 - 08:07:00 in Wararka by
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ka dhacay dalka Faransiiska oo lagu dilay 80 qof (SAWIRRO)

    Nin waday gaari xamuul ahaa, ayaa jiirsiiyay dad isugu soo baxay feestada Bastille oo xalay ka socotay Magaalada Nice, iyadoona uu dilay 80 ruux, halka in ka badan 100 kalana uu dhaawacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin waday gaari xamuul ahaa, ayaa jiirsiiyay dad isugu soo baxay feestada Bastille oo xalay ka socotay Magaalada Nice, iyadoona uu dilay 80 ruux, halka in ka badan 100 kalana uu dhaawacay.

Feestada Bastille waa feesto guud oo sanad kasta mar laga xuso dalka Faransiiska. Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay ninkii waday gaarigii weerarka loo adeegsaday.

Warbaahinta Faransiiska, ayaa qoreysa in ninkaasi uu gaariga jiirsiiyay xilli dadku ay isugu soo baxeen wadooyinka Magaalada Nice.

Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa wuxuu weerarkan ku tilmaamay fal argagixiso, iyadoo uu tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Madaxweynaha Faransiiska, ayaa sidoo kale weerarkan ku sheegay fal fuleynimo ah, isla-markaana uu Faransiisku ahaan doono dal wayn oo awood leh.

François Hollande, ayaa wuxuu iclaamiyay in dalkiisa uu ku sii jiri doono xaalad deg deg ah saddexda bilood ee soo socota, kumanaan ciidana ay ka qayb qaadanayan xaqiijinta ammaanka dalka.

Mr. Hollande, ayaa ku cago jugleeyay in Faransiiska uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro argagixisada, isla-markaana uu ku beegsanaayo Wadamada Suuriya & Ciraaq.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in laamaha ammaanka ay gaarigaasi ka dhex helayn aqoonsiga ninkii weerarka gaystay, kaasoo lagu sheegay inuu yahay 31 jir Faransiiska u dhashay, balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Faransiiska, tan iyo wixii ka dambeeyay weeraradii Magaalada Paris ruxay 13-kii bishii November ee sanadkii hore, oo lagu dilay 130 qof.

NiceNice-Nice1Nice2Nice3Nice4Nice5Nice6Nice7Nice8Nice9Nice91Nice92Nice93Nice94Nice95Nice96Nice97Nice97-Nice97--Nice98Nice99Nice99-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip