Jubbaland oo shaqadii Ka Joojiyey Wariyayaal ka Howl galijiry Magaalada Kismaayo.
Wariyayaasha uu shaqada ka joojiyey Maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegeen in aysan ogeyn sababta keentay in go’aankaan lagusoo rogo islamarkaana shaqadooda laga joojiyo.
Wariye Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) oo ka mid ah wariyayaasha Magaalada Kismaayo ee shaqada laga joojiyey ayaa waxaa uu sheegay inuu sharcidarro yahay xarigga loo geystay iyo walib amarka kasoo baxay wasiirka warfaafinta Maamulka Jubbaland ee shaqada looga joojiyey.
Waxaa uu sheegay Aadan Kismaayo in shacabka ay u shaqeeyaan loona baahanyahay in mamulku uu caddeeyo waxa sababay in shaqadii ay shacabk u hayeen laga xannibo,maadaama lagu xanibay sababo illaa iyo hadda aysan garan Wariyayaashu sida uu sheegay.
Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayuu sheegay in ay ka sugayaan sababta arintaan keentay eek u aaddan shaqa joojinta lagu sameeyey.
Dhawr Mar ayey Masuuliyiinta dhanka Warfaafinta Maamulka Jubbaland loogu eedeeyey in ay cabburin ku hayaan Wariyayasha Madaxa bannaan ee ka howlgala Magaaladaasi Kismaayo taasi oo xad gudub xorriyadda saxaafadda k hor imaanaya ay ku tilmaameen Wariyayaasha halkaas ku sugan.
Jubbaland oo shaqadii Ka Joojiyey Wariyayaal ka Howl galijiry Magaalada Kismaayo.
Xilli shalay galinkii dambe Ciidama Ka tirsan Maamulka Jubbaland ay xabsiga dhigeen 5 ka mid ah Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka JubadaHoose ayaa waxaa masuuliyiinta dhinaca warfaafinta qaabilsan ee Maamulkaasi ay sheege