Deg Deg:- Saldhig ku yaalla Kenya oo Weerar lagu qaaday iyo Khasaare ka dhashay

0
Thursday July 14, 2016 - 15:15:54 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:- Saldhig ku yaalla Kenya oo Weerar lagu qaaday iyo Khasaare ka dhashay

    War goor dhaw soo dhacay ayaa sheegaya in Nin ka tirsan XarakadaAl-shabaab oo Weerar ku qaaday xabsi ku yaallaKapenguria ee Galbeedka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goor dhaw soo dhacay ayaa sheegaya in Nin ka tirsan XarakadaAl-shabaab oo Weerar ku qaaday xabsi ku yaallaKapenguria ee Galbeedka Kenya.

Wakaaladda Wararka Ee Reuters ayaa baahisay in Nin ka tirsan Shabaab oo ku Xirnaa Saldhig Ciidanka Booliska Kenya ay ku leeyihiin MagaaladaKapenguria uu Gacanta u galay Qori Eke-47 islamarkaana uu Toogtay Ilaa Afar Sargaal oo Kenyan ah.

Sidoo kale Warbaahinta Kenya ayaa iyana sheegtay in Ninkaas oo la aaminsan yahay inuu yahay Al-shabaab uu weli haysto Saldhiga Booliska islamarkaana ay halkaa ku Hareereysan yihiin Ciidamada Gaarka ah ee Kenya.

Weli waxaa socda Howlgal lagu soo Afjarayo Weerarka ka socda MagaaladaKapenguria ee Galbeedka wadanka Kenya.

wixii warar ah ee  ku soo kordha  waan idiin soo gudbin doonaa insah allaa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip