Duq ku xigeenkii hore ee Gaalkacyo oo xukun lagu riday

0
Thursday July 14, 2016 - 15:08:17 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duq ku xigeenkii hore ee Gaalkacyo oo xukun lagu riday

    Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa Afar bilood oo xabsi ah ku xukuntay Duq ku xigeenkii hore ee magaalada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla oo loo haystay hadal uu warbaahinta kasii daayey oo uu uga horyimid isbaddelkii maamulka gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa Afar bilood oo xabsi ah ku xukuntay Duq ku xigeenkii hore ee magaalada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla oo loo haystay hadal uu warbaahinta kasii daayey oo uu uga horyimid isbaddelkii maamulka gobolka Mudug ee Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhawaan sameeyay.

Yacquub oo ay maanta ahayd markii Seddexaad ee Maxkamadda la horkeeno ayaa Garsoorka Maxkamaddu waxaa uu ku dhawaaqay in Yacquub oo helay Kicin dadweyne iyo inuu shacabka gobolka Mudug xasuusiyey Dagaal sanadkii 2011 Gaalkacyo ka dhacay oo dad badan ku dhinteen lagu xukumay 4 bilood oo xabsi ah, balse uu iibsan karo ama Racfaan ka qaadan karo.

Garsoorku wuxuu sheegay inay sax tahay in madaxwaynaha puntland la dhaliili karo sax iyo khaladba sida uu horay uu isagu horay u sheegay, qodobkaasna uusan aflagaado madaxwayne ahayn.

Yacquub ayaa xabsiga dib loogu celiyey, lama oga inuu Racfaan ka qaadan doono xukunka ku dhacay ama uu iibsan doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip