Kenya: Nin Dad Kubiira u Qori Jiray Al-Shabaab oo Dad Laayay

0
Thursday July 14, 2016 - 14:28:46 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya: Nin Dad Kubiira u Qori Jiray Al-Shabaab oo Dad Laayay

    Qof looga shakisanaa inuu dad ku biira u qoro Al-Shabaab ayaa saldhig boolis maanta afar qof ku dilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof looga shakisanaa inuu dad ku biira u qoro Al-Shabaab ayaa saldhig boolis maanta afar qof ku dilay.
Ninkaa ayaa wararku tibaaxayaan in shalay Arbacadii lasoo qabtay laguna xiray saldhigaa oo kuyaala Kapenguria oo dhacda dhanka galbeed ee dalka Kenya. Falkaa ayaa yimid kadib markii uu ninkaasi askari biliiska ka tirsan ka dafay qori islamarkaana uu toogasho kudilay afar askari oo boliis ah.

Waxaa sargaal ka tirsan biliiska saldhigaa oo aan loo ogoleyn inuu la hadlo warbaahinta sidaa darteedna magaciisa la qariyay uu sheegay in goor hore oo aroortii ah mar ninkaa su'aalo la weydiinaayay uu inta qori dafay ku toogtay askarta halkaa.

'Waxaan anigu xaqiijin karaa in afar askari oo biliiska ka tirsanaa la dilay laakiin waa ay ka badan kartaa tirada dhimashadu intaa', sidaa ayuu yiri.



Mid ka mid ah talefishinada Kenya ayaa durba tebinaya in 6 askari oo booliska ka tirsanaa ay halkaa ku geeriyoodeen kadib ninkaa iyo boolisku markii ay rasaas is weydaarsadeen.

Ninkaa ayaa la sheegay sidoo kale inuu isku xiray qol ka mid ah saldhiggaa qolalkiisa boolis badana dhismahaa ay ku gadaaman yihiin.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in askar boolis ah oo dheeraad ah la dalbay si hawlgalkaa ay uga qeybqaataan. Booliska ayaa isku dayaaya in ay ninkaa dibada usoo saaraan.


Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ka geysanaysay gudaha Kenya tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya. Sidoo kale ayaa waxaa wararku sheegaan in ay xubno ka qorato gudaha Kenya.

Xarakada Shabaab ayaa sheegta in weerarada ujeedkoodu yahay in ciidamada Kenya looga soo saaro Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip