Gurey Xaaji"Waa been Qaraxa la qabtay ee la sheegay inuu ku soo socday Hotelka Maka Al-Mukarama"

0
Thursday July 14, 2016 - 14:22:30 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gurey Xaaji"Waa been Qaraxa la qabtay ee la sheegay inuu ku soo socday Hotelka Maka Al-Mukarama"

    Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho Gurey Xaaji ayaa beeniyay war ka soo baxay Nabadsugida oo ahaa in la qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu bartilmaameesado Hotelka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho Gurey Xaaji ayaa beeniyay war ka soo baxay Nabadsugida oo ahaa in la qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu bartilmaameesado Hotelka.

Gurey Xaaji ayaa ku tilmaamay arrintaas mid la doonayo in sumcada Hotelka lagu dilo, isla markaana ay tahay dagaal siyaasadeed.

"Waa dacaayad siyaasadeed oo la rabo in sumcada Hotelka lagu dilo, waa ka xumahay, wax fiicana ma ahan, in laga been sheego oo la dhaho gaari qarax ayaa Hotelka ku soo socday, arrintaas cabasho ayaa ka qabaa”ayuu yiri Gurey Xaaji Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaariga qaraxa la sheegay inay qabatay Nabadsugida uu ahaa mid xalay la qabtay, lana soo bandhigay, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in la dhaho Hotelka ayuu ku soo socday.

"Gaariga qaraxa xalay ayay qabteen oo soo bandhigeen, saakana waxay dhaheen Hotelka ayuu ku socday ujeedada waa in hotelkeena sumcadiisa lagu dhaawaco”ayuu mar kale yiri Gurey Xaaji.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ayaa saaka joojiyay kulan beeleed ka socday Hotelka Maka Al-Mukarama, kaasoo looga hadli lahaa doorashooyinka soo socda iyo waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh ee afartii sano iyo fara gelin ay sheegeen inuu ka dhex wado Beelaha Hawiye.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay dhabarka dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala bartilmaameedsan rabay Hotelka.

Hotel Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah Hotelada ugu caansan magaalada Muqdisho

Hotel Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah Hotelada ugu caansan magaalada Muqdisho

Qaar ka mid ah odayaashii kulankaas ka qeyb geli lahaa ayaa sheegay in tallaabada lagu joojiyay kulankooda ay aheyd arrin siyaasadeed, isla markaana lagu kala eryay in Qarax ku soo socdo Hotelka ay shirka ku lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee Hotelka Maka Al-Mukarama oo ka mid ah hotelada ugu caansan ee magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer oo hore Al-Shabaab ku qaaday weeraro is qarxin ah, waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay bishii Maarso sanadkii hore 2015, xilligaasoo saacado badan gudaha Hotelka ka dagaalamayeen rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

xigasho:-jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip