Mareykanka oo Ciidamo u diray Caasimada Jubba ee Koofurta Sudan

0
Thursday July 14, 2016 - 14:10:14 in Wararka by
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Ciidamo u diray Caasimada Jubba ee Koofurta Sudan

    Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 47 askari u diray magaalada Juba ee dalka Koofurta Sudan, si ay u ilaaliyaan Safaaradda Mareykanka iyo shaqaalaha ka howl gala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 47 askari u diray magaalada Juba ee dalka Koofurta Sudan, si ay u ilaaliyaan Safaaradda Mareykanka iyo shaqaalaha ka howl gala.

Ciidamadan ayaa ka qeyb qaadan doona sugida amniga Safaarada, iyadoo sidoo kale illaa 130 askari dheeraad ah ay diyaar ku yihiin Jabuuti, si hadii loo baahdo loogu diro Koofurta Sudan.

Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Juba ayaa keenay in illaa 200 oo ruux lagu dilo, inkastoo heshiis xabad joojin la gaaray.

Ciidamada daacada u ahaa Madaxweyne kuxigeenka Reik Machar ayaa isaga baxay Caasimada Juba, iyagoo baneeyay fariisimo ay ku lahaayeen.

Afhayeen u hadlay Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la keeno ciidamo dhex dhexaad ah, si ay u hirgasho xabad joojinta.

Dhinaca kale waxaa bilowday daad-gureynta ajaaniibta ku sugan magaalada Juba, waxaana diyaarado dagaal uu leeyahay Jarmalka uu daad-gureeyay muwaadiniin u dhashay dalkiisa iyo kuwa kale oo ka soo jeeda dalalka UK, Italy, Japan iyo India.

Diyaaradihii ganacsiga ahaa ee tagi jiray magaalada Juba ayaa hakad ku yimid, kadib dagaaladii maalmahan ka socday magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip