Ra'iisul Wasaaraha cusub ee UK Theresa May oo la wareegtay Xafiiska

0
Thursday July 14, 2016 - 14:07:46 in Wararka by
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha cusub ee UK Theresa May oo la wareegtay Xafiiska

    Ra'iisul Wasaaraha cusub ee UK Theresa May ayaa la wareegtay xafiiska No 10 ee Downing Street, saacado kadib markii uu xafiiska baneeyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee David Cameronoo isaga iyo qoyskiisa ay macsalaameeyeen Xafiiska lix sano ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee UK Theresa May ayaa la wareegtay xafiiska No 10 ee Downing Street, saacado kadib markii uu xafiiska baneeyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee David Cameronoo isaga iyo qoyskiisa ay macsalaameeyeen Xafiiska lix sano kadib.

Theresa May ayaa noqotay haweeneydii labaad oo Ra’iisul Wasaare ka noqota UK ayaa qabatay shirkeeda jaraa’id ee ugu horeeyay.

Ms May ayaa wacad ku martay inay dhisi doonto Britain cusub oo u shaqeeya dhamaan dadka oo dhan, balse aan aheyn kuwa qura.

Iyadoo ka hadleysay dibada xafiiska No 10 ee Downing Street Xoghayihii hore ee Arrimaha gudaha ayaa ka hashay qorshaheeda, waxaana ay carabka ku dhifatay inay dhisi doonto Britain wanaagsan.

"Waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodno, oo aad noloshiina ku maamushaan”ayay tiri Theresa May oo si toos ah dadka ula hadleysay.

Sidoo kale waxaa ay ammaan u jeedisay Ra’iisul Wasaarihii hore Mr Cameron oo ay ku tilmaamtay inuu ahaa Ra’iisul Wasaare wanaagsan.

Warbaahinta Britain iyo kuwa caalamka ayaa si toos ah u tabinayay Munaasabada kala wareegida Xafiiska No 10, kadib markii Theresa May loo doortay Hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka, isla markaana noqotay Ra’iisul Wasaaraha bedelay Mr David Cameron oo xilka iska casilay bishii hore.

 

TheresaThersas




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip