Jeesow "Waa wax aan socon karin in Hiiraan labo gobol laga dhigo"

0
Thursday July 14, 2016 - 12:40:21 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeesow "Waa wax aan socon karin in Hiiraan labo gobol laga dhigo"

    Iyadoo uu natiijo la'aan ku dhamaatay kulan maalin ka hor magaalada Beledweyn ku yeesheen Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa shuruudaha odayaasha hor-dhigeen Wafdiga waxaa ka mid ahaa in Hiiraan laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo uu natiijo la'aan ku dhamaatay kulan maalin ka hor magaalada Beledweyn ku yeesheen Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa shuruudaha odayaasha hor-dhigeen Wafdiga waxaa ka mid ahaa in Hiiraan laga dhigo labo gobol.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in aanay suura gal aheyn in Gobolka Hiiraan laga dhigo labo gobol, isla markaana horay loogu hungoobay, hase ahaatee waxaa uu ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay tanaasul sameeyaan.

"Wax socon karo ma ahan in Hiiraan labo gobol laga dhigo, waa jeclaan laheyn in Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe labo gobol laga kala dhigo, balse waxaa hada taagan in labadaas gobol la isku daro oo maamul loo dhiso”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Mr Jeesow ayaa beeniyay in IGAD ay la wareegtay howlaha maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo tilmaamay in IGAD ay dhex dhexaadiya ka tahay shirka, ayna ku dadaalayaan sidii dhinacda shirka diidan meel la isugu keeni lahaa.

Qaar ka mid ah odayaasha gobolka Hiiraan ayaa ka biya diiday ka qeyb galka shirka Jowhar, iyadoo shuruudo adag hor dhigay Xukuumadda, waxaana muuqata in wali uu cakiran yahay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip