Maqaal: Ku Tasho Ama Ka Tasho Madaxweeyne Xassan

0
Sunday October 25, 2015 - 19:28:01 in Maqaallo by
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Ku Tasho Ama Ka Tasho Madaxweeyne Xassan

    Todobo wal-xaatoo taá ku taal in aan ka tashaneey tagee 1.Three malyan ( Muqdisho ) oo aan dastuur laheeyn in aan ka tashaneey tagee 2.Tobanaan dhimatay oo aan tixraac laheeyn in aan ka tashaneey tagee. 3.Teyda leeyga taaban maa in aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobo wal-xaatoo taá ku taal in aan ka tashaneey tagee 1.Three malyan ( Muqdisho ) oo aan dastuur laheeyn in aan ka tashaneey tagee 2.Tobanaan dhimatay oo aan tixraac laheeyn in aan ka tashaneey tagee. 3.Teyda leeyga taaban maa in aan ka tashaneey tagee. 4.Taadana waan kuugu talaa in aan ka tashaneey tagee. 5.Todobaatan jir oo aan talo laheeyn in aan ka tashaneey tagee. 6.Turuufotoore tolka ugu horeeye in aan ka tashaneey tagee. 7.Talo laáan anaa kaa tunweeyn in aan ka tashaneey tagee. (Abwaanka da´da yar c/xamiid Maxed Cilmi )

Madaxweyne Xassan waxaa doortay xildhibaano Somali balse waxaa lagu dacaayadeeyaa in uu yahay madaxweeyne Hawiye taas oo aad ugu fog xaqiiqda,waxaa caqabad ah in madaxweeyne Somali loo nasbeeyo in uu yahay madaxweeyne qabiil iyada oo la ogyahay in reerka uu ka dhashay aay weli ku dulman yihiin dowlada uu madaxweeynaha uu ka yahay Xassan Sheekh,waxa wax laga xumaado ah in will dhaqtar ah oo aad u da´ yar loo dilo in madaxweeyne Xassan uu u yahay Adeer,waxaan og-nahay in Xassan Sheekh uusan war u haynin in dad badan oo qaraabo la ah victim aay u noqdeen waxeey qaraabo dhaw la yihiin Madaxweeyne Xassan.

Sow ma qumana in aanan Madaxweeyne laga sugin difaaca dhiiga mawaadanka Somaliga ah ee loo dilaayo Madaxweeynaha ayaa qaraabo la ah,sow ma qumana in Muqdisho kuwa horarka ku ah looga hortago midnimo iyo dhiiftooni,waxaan aad ugu xumahay in weli shacabka Muqdisho ku dhaqani aayan dhiiftooneen waxa loo dilaayane aay tahay dalka ninka xukumaa in uu yahay nin ehel la ah reer Muqdisho.

Dhismaha maamulada G.Banaadir iyo Sh/dhexe iyo Hiiraan waxaa quman in shacabka degani aay ayaga qabsadaan dhismaha maamulka maaha in laga sugo wasiirka arimaha gudaha iwm xildhibaanada ka soo jeedo goboladaa waxaa quman in aay gartaan in qabiilada aan xildhibaanka ku laheeyn baarlamaanka dowlada federaalka aay fursad u siiyaan xildhibaanada la dhisi doono ee maamulka Hiraan /Shabeelada dhexe ,haddii aanan leeysku tanasulin oo aanan la qadirin kuwa ku qaday xildhibaanada federaalka ilama ah in horomar la gaarayo,Madaxweeyne Xassan Sheekh lagama sugayo in uu xaliyo dhibka Somali oo dhan balse waxaa quman in cidda ehelka u ah in aay sida xalkooda ku jira ula tagaan dowlada federaalka .

G.Banaadir duqa iyo gudoomiyaha gobolka waxii uu sheegayay ee aheeyd waxaan dhisneeynaa gole degaan oo karti leh oo xalaal ah dadkana soo doortaan waa aay beenowday sabbabta oo ah sannadka 2015 waxaa ka harsan 2 bilood iyadada waxaan u sabbabeeyneeynaa in Madaxweeyne Xassan uu weli jecel yahay in G.Banaadir uusan marna soo dooran shaqsi kart iyo hufnaan leh balse uu ka doorbiday in uu reer Muqdisho u magacaabo shaqsi aanan awood u laheeyn in uu shacabka Muqdisho ka saaro dhibtada aay ku jiraan,waxaad moodaa daqliga G.Banaadir soo galaa oo ka badan 20 malyan bishii balse Muungaab maamulka uu ku muulgaarka ka yahay qaato 15% in aana loo ogoleeyn in aay dhistaan gole degaan oo xalaal ah diidikara 15% iwm.

Ali_Axmed_Hiraabe

Dr.Ali.A.HirabeHirabe_a@hotmail.com

XIGASHO:-SOMALIWEYN




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip