Madaxweynaha "Guusha dowladdu waxay ku imaan kartaa iskaashi dhex mara dowladda iyo Maamul goboleedyada"

0
Thursday August 27, 2015 - 18:53:34 in Wararka by
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha "Guusha dowladdu waxay ku imaan kartaa iskaashi dhex mara dowladda iyo Maamul goboleedyada"

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in iskaashi dhex mara dowladda, maamul goboleedyada iyo Shacabka ay keeni karto guul ay gaarto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in iskaashi dhex mara dowladda, maamul goboleedyada iyo Shacabka ay keeni karto guul ay gaarto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in iskaashi dhex mara dowladda, maamul goboleedyada iyo Shacabka ay keeni karto guul ay gaarto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
         Hadalkan ayuu Madaxweynaha shalay ka jeediyay meel fagaare ah oo uu kula hadlayay shacabka degmada Diinsoor oo uu booqasho gaaban ku tagay.
           Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladnimada dhidibada loo taago, isla markaana loo baahan yahay dowlad iyo shacab inuu dhex maro iskaashi dhab ah..

            "Guusha dowladdu waxay ku imaan kartaa iskaashi dhex mara dowladda, maamul goboleedyada iyo Shacabka, hadii iskaashiga noqdo mid dhab ah la gaari doono horumar ballaaran”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isugu jireen kuwo dambiilayaan adduunka dambi ka galay iyo kooxo kale oo Soomaaliya dhexdeeda dadka la noolaan weyday oo u baxay si gooni ah.
               "Shabaab waa urur isu habarwacday, oo intii dambiilayaasha aheyd ee adduunyada dambiga ka soo gashay ayaa meeshaan loogu yeeray, intii Soomaaliya dhexdeeda dadka la noolaan weyday ayaa iyaguna gooni usoo baxeen, labadaas kooxood oo isbaheystay ayeey shabaab ka koobnaayeen, sababta ay dambiilayaasha dalkooda ka soo cararay ay dalkeena u yimaadeenna waa in meeshan aysan dowladnimo iyo maamul xoog badan uusan ka jirin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
                  Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka hadlay yoolka ay dowladdu hiigsaneyso, isagoo xusay in dadaal iyo iskaashi dhex maray dowladda, maamul goboleeyada iyo shacabka ay ku timid guushan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladnimada ay ku dhismeyso xoogga iyo xoolaha oo la isu geeyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip