MUXUU YAHAY XALKA XIISADDA KA DHALATAY QABYA QORAALKA JINSIGA.

0
Thursday June 30, 2016 - 13:56:25 in Maqaallo by
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUXUU YAHAY XALKA XIISADDA KA DHALATAY QABYA QORAALKA JINSIGA.

    Arinta Qoraalka Wasaaradda Haweenka. Ee Golaha Wasiiradu Ansixiyeen. Dabadeed Culumada iyo Odayaashu ka qeyliyeen. Ee uu hadana Maanta Wasiir Maareeye ku beeniyay dhaliisha loo soo jeediyay. Kana codsaday in Culumadu biri Shirka Kgamiista kala qeyb g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arinta Qoraalka Wasaaradda Haweenka. Ee Golaha Wasiiradu Ansixiyeen. Dabadeed Culumada iyo Odayaashu ka qeyliyeen. Ee uu hadana Maanta Wasiir Maareeye ku beeniyay dhaliisha loo soo jeediyay. Kana codsaday in Culumadu biri Shirka Kgamiista kala qeyb galaan Golaha Wasiirada.
Halkaa markeey taagan tahay. Waxaan mar kale arkayaa dad soo post gareynaya aragtiyo is diidan.

= Qaar waxa ay leeyihiin Hindise Sharciyeedka waan akhriyay wax dhaliilana kuma arag.
=Qaar kalena waxa ay leeyihiin waan akhriyay waxaana ku jira qaar ka mid ah qodobadii culumadu ka dhawaaqday.
=Kuwa kalena Hadba wixii la soo dhigo ayey iska taageerayaan.
Waxaan marka Anigu qabaa inkastoo aan garan la’ahay Nuqulada Sharcigaan oo dhowr ah mid aan aamino. Hadana in lagu dhaqaaqyo laba qodob oo muhiima.

1:- In Madaxda Dowladdu si cad arinkaan bulshadooda ugala hadlaan oo ka qanciyaan..runtana ka sheegaan.Hadii qalad dhacayna la qirto oo dib loo saxo iyadoo la eegayo Diinteena iyo Sharafteena Umadeed..


Sidoo kalena waa in su’aalo la iska weydiiyaa Nuqulkii Golaha Wasiiradu ansixiyeen ee Rasmiga ahaa sidii lagu heli lahaa. Waayoo Nuqulka ay Culumadu hayaan iyo Nuqulkan dambe ee hada la faafiyay farqi weyn baa u dhexeeya.
Culumaduna waxa ay hadleen maalin ka dib markii ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen.
Hadaba …..
=Xagee ka heleen Culumadu Qoraalka.
=Yaa gaarsiiyay Nuqulkaan.oo faafiyay
=Xagee lagu faafiyay oo ay ka soo xigteen.
=Ma iyagaa been abuurtay.
=Ma sida ay u sheegeen baa run ah oo Dowladdaa wax qarineysa.
=Goormeey Dowladdu faafisay Nuqulkaan danbe. ma dooda Culumada ka hor mise ka dib?
=Ma dib baa loo saxay Sharciga. Markii laga hor yimid.
=Aaway Nuqulkii Golaha Wasiiradu ansixiyeen maxaase loo faafin waayay 25. 06 2016. ?
=Golaha Baarlamaanka ma gaartay sheekadaani. Mise waa lagu kalsoonaan waayay oo sidaas baa Culumadu uga hadashay?
=Maxaa qaldan oo ismaan dhaafka abuuray.
=Culumadu Iyaga oo aan marka hore kala doodin Cidda soo saartay Sharciga .oo aan hubsan Ma ku Saxan yihiin iney bulshada la wadaagaan.
=Xiisad iyo Kalsooni daro intee le’eg bey sheekadaani kala dhex dhigi kartaa Shacabka iyo Dowladda.
= Doodda ceynkaan ah iyadoo aaney gaarin heer faraha laga qaad ah in marka hore gudaha lagu saxo. Hadii dibada looga hadlo yey fursad u tahay.
=Maxaa Marxuum #Mohamed #Siyaad #Barre loola diriray 70-meeyadii hadii Sanadkaan 2016-ka oo Soomaalidu ka caqli iyo Aqoon badan yihiin sidii hore lagaba doodayo Sinaanta Raga iyo Dumarka?
= Sheekadu ma waxeey u baahan tahay Gudi dhex dhexaad ah oo naga hubiya Qoraalkan JINSIGA maadaama labada dhinac is eedeeyeen.

Waa in weydiimahaas iyo kuwa kaloo badan lagu baadi goobaha run iyo been ahaanshaha sheekadaan na qabatay 3 daan Cisho. .iyadoo mar walba lagu eegayo Shareecada Islaamka iyo xeerarka Caalamku isla wada ogol yahay.

2:- In Bahda Saxaafadda ee aan Anigu ka mid ahay ay arinkaan baaritaan dhab ah iyo Barnaamujyo xaqiiqda raadin ah si dag dag ah ugu dhaqaaqaan. Oo nalaka soo afjaraa.iyadoo Albaabka loo garaacayo Masuul kasta oo ay quseyso xog raadinta sheekadaan. Kii diida ama ka gaabsadana loo soo bandhigo bulshada si loo helo Xog xor ah oo lagu kalsoonaan karo.

Ugu dambeyntii waan uga mahad celinayaa Suxufiyiintii iyo dadkii dareenkooda ka muujiyay Qodobada asluubta Islaamka ka fog ee lagu sheegay Hindisaha ineey ku jiraan.

Hade Run iyo Been kama hadlin waxa ay tahay sheekadaan. Maadaama aanan weli helin Nuqul sax ah.inkatoo hada ay Dowladu faafisay Nuqul Cusub.Xaaladana hala dajiyo.oo wax hala isku fahamsiiyo Sal mugii. WAR JIRAA CAKAARUU IMAANE.

Balse waxaan ka hadlayaa oo kaliya dhiiranaanta iyo foojignaanta ii muuqata iyo in wax kasta oo Dhaawici kara dadnimadeena sidaa looga hortago. Waayoo Soomaalidu waxeey tiraahdaa Gurbaankii habeen la xado meel lagu yeeriyees rabaa.
Wax aan Soomaalida u cuntamina cid ku San duleyn kartaa ma jirto.

Cabduqadir Faarax Dulyar

Mahadsanidiin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip