Xildhibaan Dhuux "Sirdoonka Dowladda aqoondaro iyo fashil ayaa ka taagan"

0
Monday June 27, 2016 - 17:52:27 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dhuux "Sirdoonka Dowladda aqoondaro iyo fashil ayaa ka taagan"

    Xildhibaan ka tirsan, Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Hay'adaha ammaanka Dowladda inay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladaha dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan ka tirsan, Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Hay'adaha ammaanka Dowladda inay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladaha dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo ka mid ah Guddiga Amniga Baarlamaanka, ayaa sheegay inay jirto Aqoondaro ka jirto laanta Sirdoonka Dowladda Federalka Somaliya ee laga rabay inay keento macluumaadka ku aadan xogaha dhanka Sirdoonka.

Waxa uu sheegay ciidamada ammaanka inaysan la socon inta badan dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee ka jira Magaalada Muqdisho, taasina ay keentay weerarada soo noq noqda ee Shabaab Hotelada Muqdisho ay ka geystaan.

"Wasaaradda amniga iyo wasaaradda arrimaha gudaha dhamaan wey shaqeynayaan Jidadka wey taagan yihiin, waxaa khaldan waa shaxda wax lagu raadinayo, qaraxa banaanka lagama keenin diyaaradna laguma keenin Xamar gudihiisa ayaa lagu sameynayaa, ragga sameynayaana Xamar bay joogaan, ciidamo waa jiraan aqoontii iyo qaabka loo fulinayo ayaa wax ka khaldan yihiin.”Ayuu yiri Xildhibaanka

Xildhibaan Dhuux, wuxuu sheegay ciidamada Dowladda ee muuqda inay ku duuli karaan goobaha xogtooda la keeno, balse xogta keenistooda looga baahan yahay ciidamada Sirdoonka.

"Ciidamada qalabka sida ee hubeysan bartimaameed loo sheegay ayay ku duuli karaan, dadka shaqeynayaa waa Booliska iyo nabadsugidda iyo laanta sirdoonka, isku xirnaashiyaha waxaa laga rabaa Booliska, nabadsugidda iyo shacabka iney isku xiran yihiin, xiriirka dadweynuhu uu aad u badan yahay, inaan daafaca ka baxno oo aan weerar galno ayaa la inaga rabaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalin ka hor ayay ahayd markii weerar isugu jira ismiidaamin iyo dagaal toos ah ay rag hubeysan ka fuliyeen hoteelka Naasahablood 1 ee magaaladan Muqdisho, weerarkaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip