WAAN RIYOODAY waxaan kuriyooday :

1
Monday June 27, 2016 - 17:43:25 in Maqaallo by
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAAN RIYOODAY waxaan kuriyooday :

    1-shantii Soomaaliya aa midowday, meel kasta hal calan oo hal xiddig leh ayaa ka taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-shantii Soomaaliya aa midowday, meel kasta hal calan oo hal xiddig leh ayaa ka taagan.
2-Wareegta ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu kala badalay qaar ka mid ah shaqaalaha Dowlada, waxayna u qorneyd sidan: Gudoomiyihii Gobalka Jigjiga waxaa loo bedelay Shabeelaha Dhexe, Gudoomiyaha degmada Madheera waxaa loo badalay Borame. Maamulihii dekeda Jabuti waxaa loo bedelay dekeda Kismayo. Gudoomiyaha degmada Hobyo waxaa loo bedelay Garisa, Gudoomiyaha degmada Cali sabiix waxaa loo bedelay Dhuusamareeb, Taliyihii saldhiga Boliska Afgooye waxaa loo bedelay Wajeer, Iskuduwihii Xanaanada Xoolaha Degmada Qoraxeey waxaa loo bedelay Degmada Qoryooley, Taliyihii nabad sugida Degmada Carte waxaa loo bedelay Garowe.

3- Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadkan ay qaabileyso 30.000 ruux oo ah qaxootiga koofur Bari Asiya, iyadoo lacagta cayrta ah ee dowladu bixiso la kordhinayo 40%.

4- Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa go’aamisay in deeq waxbarasho la siiyo 200 arday oo ka imaanaya wadamada soo koraya.


5-Gudoomiyaha OPEC ayaa sannadkan loo doortay wasiirka Tamarta iyo Shidaalka ee Somalia .
6-Markabka diyaaradaha xambaarta ee HADRAAWI -1 oo ay la socdaan 6 markab ah ku xambaarta gantaalada riddada dheeriyo laba Gujisoo ay leeyihiin ciidamada Badda Soomaalidu ayaa gaaray xeebaha dalka imaaraadka Carabta si ay uga qayb galaan dhoolatus ay sameeynayaan ciidamada badda ee wadamada Islaamka.

7-Hay’ada SSA ( Somali Space Agency) ee hawada sare ayaa heshiis la gashay dhigeeda dalka Shiinaha in si wadajir ah ay isaga kaashadaan diridda dayax gacmeedka SOOL-2, oo laga gamayo Saldhiga cirifka gardafuuyee gobalka Bari ee Somaaliya waxaana sii raaci doonaan 5 cirbixiyeen oo Shiina ah iyo 2 Somali ah, kaa oo hawada sare ku maqnaan doona muddo 18 Bilood ah.

8-Warshada bacriminta Uraniyuumka ee Guriceel ayaa la balaariyay si ay u suurtagashao in tamar koronto oo ku filan ay gaarsiiso wadamada `Afrikada Bari.

Markii aan soo toosay waxaan kala garan waayay ma riyaa mise waarun.!
Ha quusan, noo duceey in riyadeeyda ALLAH nooga ruumeeyo, waxay ku xiran tahay oo kaliya annaga oo si wadajir ah u aamino inaan ka rumeeyn karno, una dhaqaaqno ALLANA ha nagu garabgalo, qadar ALLA lagama quusto.

Xor ayaad u tahay in aad fekerkeeyga naqdiso, wax ka bedesho, beeniso, ama si kale aad u dhigto.

WQ: Prof. Yaxya Sheekh Caamir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip